19th May 2024  admin  Category :

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa muddo saddex maalin ah ku darray wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta aan horrey isku diiwaan galinin.

Guddiga Madaxa bannaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.

Warqad ka soo baxday Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in muddo saddex maalmoof loo qabtay Musharaxiinta mucaaradka inay isku diiwaan geliyaan, iyadoo taariikhdii 19 bishan oo aheyd inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay, lagana dhigay 22 bishan oo ku beegan khamiista.

Wakhtiga isdiiwaan galinta ayaa ka bilaaban doona 17 August 2019 kuna eg 19 August 2019

Image may contain: text
Image may contain: text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*