7th September 2024  admin  Category :

Labo Nin oo Majeerteen ah ayaa Gaalkacayo ku heshiiyey xitaa Muqdisho Kuma ayna heshiin

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa maanta warsaxaafadeed ay ka muuqato kibir, handaaad iyo hadalo aflagaado ah ku qabtay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Goodax Bare.

Wasiir Goodax mar uu ka hadlayey Heshiisyadii ay horay maamulka Puntland iyo dawladda dhexe u wada galeen, wuxuu sheegay oo ku cel celiyey in heshiiskaas Cabdiraxmaan Faroole iyo Cumar Cabdirashiid wada galeen oo ay ku galeen magaalada Gaalkacayo oo ah magaalo Majeerteen oo aynu ku gelin Muqdisho. Taasina waxay kuu cadaynaysaa in Goodax Federalaalnimo aaminsanayn iyo in Muqdisho maahee ayna jirin magaalo kale oo Soomaaliyeed oo heshiisyo lagu geli karo.

Wasiir Goodax, oo u jawaabayey Xildhibaan Faroole oo dhowaan ka hadlay Caruurta Puntland ee laga cuna qabateeyey Waxbarashadooda , ayaa Wasiir Goodax waxa uu xasuusiyey Xildhibaan Faroole dhimashada Xaaskiisii Allah ha u naxariiste. Wasiir Goodax wuxuu yidhi ” Caruurtaada ayaad tarbiyadeesay iyaguna waxay sameeyeen waanu aragnay”. Qof kasta waa fahmi karaa hadalkaasi mesha uu u socdo

Wasiir Goodax, isaga oo beeshiisa la hadlaya ayuu yidhi sidan “Nasiib Ayaan leenahay oo Cabdi qaybdiid ayaa kaga guulaystay Gudoomiyha Dastuurka ee Aqalka sare. Cabdi Qaybdiidka uu ku faraxsan yahay Goodax inuu ku guulaystay Gudoomiyaha Dastuurka hal maalin ayuu dagaaladdii sokeeye dhowr boqol oo qof ku xasuuqay magaalada Gaalkacayo

Wasiir Goodax, wuxuu shaki geliyey Dastuurta Somaaliya isaga oo sheegay I”n dastuurka ay maanta Soomaalida qaarkeed “Puntland” ku dhegan yihiin uu yahay tanaasul loo sameeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole, oo ay marin hababin tahay in la yiraahdo Dastuurka ayaa waxbarashada Caruurta in wax la baro ku qoran tahay.

Wasiir Goodax, isaga oo ka faaiidaysanaya khilaaf siyaasadeed oo Puntland ka jira waxa uu sheegay in Beelaha Qaarkood ay la soo xiriireen oo ay ka codsadeen inuu u astaameeyo meelo ay keensadaan Caruurtooda. Wasiir Goodax, isaga oo hanjamaya hadalkiisuna ay ka muuqato Maalmihii JANTA KU DISHO isbaaradu taalay ayuu yidhi “waa ka baaraan degaynaa in caruurta Puntland aanu u samayno meelo ay imtixaanka ku galaan oo ka baxsan Puntland.

Ugu danbayntii Haddii madaxweynihii Xubinta ka ahaa dawladda Federaalka iyo Ra’isul wasaarihii dawladda dhexe ay Ilma adeer noqdeen, oo la tix gelin waayey sharcigii iyo dastuurkii ay ku kulmeen, Haddii Gaalkacayo noqotay meel aan heshiis lagu geli Karin beesha degta awgeed, haddii Muqdisho meel aan ahayn aan heshees Soomaaliyeed lagu geli Karin . Maanta waxa inoo bilowday weji cusub oo Farmaajo iyo Goodax ay isla ogyihiin, oo aan gabsho federal did ah, waxaan sugnaa waa jawaabta umadda loo wado Muqdisho oo manta la leeyahay “Gaalkacayo sidee heshiis Soomaaliyed loogu qaban karaa

Waa kan heshiiska manta lagu sheegay in Majeerteen wada galeen

15 Qodob oo ay Ku Heshiiyeen DFKMG iyo Puntland..

Wadahadal magaalada Galkacyo uga socdey DFKMG iyo DGPL ayaa waxaa lagu gaarey heshiis ka kooban 15 qodob. Heshiiskaas waxaa dhanka DFKMG u saxiixay ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, dhanka Puntland waxaa u saxiixay madaxweynaha DGPL dr. C/raxmaan Maxamed Faroole. waxaana heshiisku u qornaa sidan:

1- Labada dhinac waxay isla qaateen in lasii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya.

2- Dowlada Federaalka iyo Puntland, waxay ku heshiiyeen in dar dar la geliyo dhameystirka Dastuurka Federaalka, isla markaana la dhiso guddigii fulinta iyo arrimaha Aftida.

3- Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen, in xarunta guddiga laga furo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayadoo Puntland gacan siin doonto Guddiga si ay u gutaan hawshooda.

4- Ayadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga kumeel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen si dhakhsoleh loo soo dhiso dowlad gobaleedyada harsan, isla markaana la dhiiri geliyo maamulka Puntland ee hada dhisan.

5- Puntland waxay maamul ahan uga qeyb galeysaa shirarka danheeda gaarka ah khuseeyo.

6- Waxay dowlada Federaalka waxay kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dalka gaar ahaan Puntland kahor burburkii dowladii Soomalaiya.

7- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland laga dhiso xarumo ciidamada tababar loona dhameystiro agabka qalabka.

8- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.

9- Waxay Federaalka iyo Puntland ku heshiiyeen in si wada jir ah ay isaga kaashadaan ka hortaga Burcad badeeda.

10- In wixii dowlada Federaalka ay ka hesho caalamka Deeq Waxbarasho ah, ay Puntland ka helayso 100kiiba 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada ee Puntland, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah.

11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, ayagoo iska kaashanaya tababarada malamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya.

12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland.

13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah.

14- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna.

15- Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto iyo wadashaqeyn.

Waxaa la saxiixay heshiiskan

23 Agoosto 2009

Waxaa saxiixay

Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dowlada Puntland

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*