
10th July 2026 admin Category :
Ilma Muuse Boqor waa ogyihiin in Warsangeli aanu ka mid ahayn Waqooyi Bari iyo Isaaqland, hase ahaatee waa ku dhiiradeen inay taageeraan . Maxay tahay sababtu.
Markii ay Soomaalidu xornimada ka qaateen gumaysigii reer Yurub, oo la doonayey in la sameeyo qaab dhismeedka dawladeed ee dalku yeelanayo , ayaa waxa samaysmay urur xoog weyn oo ahaa isbahaysi siyasadeed, hase ahaatee laga dhigay inay dhalasho wadaagaan. Ururkaas ayaa ahaa Irirsamaale. Ururkan waxa dhexdiisa awood weyn ku lahaa Allah u wada naxariistee intii dhimatay Cigaal oo ka soo jeeday Waqooyiga Soomaaliya oo doonayey markaas in Cabdulaahi Qablan noqdo gudoomiye Baarlamaan, si ururka Irir samaale u qataan xilalaka ugu sareeya dalka sida Madaxweynaha.
Odayaal Daarood ah, oo u badan beesha Majeerteen ayna ka mid ahaayen Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke , Yaasiin Nuur Xasan , CabdiRizaq Xaaji iyo Maxamed Abshir ayaa u yimid Qablan , kana baryey inaanu xilkaas qaadan . Waa ka yeelay, waana sida ay ku timid qaab dhismeedka dawladeed oo aynu maanta haysano. Waana tan keentay in markii Cigaal ku fashilmay damaciisii Irir samaale ay beesha Isaaq raadiyaan dal ay gaar u leeyihiin. Ilaa maantana ay u dabaal degaan 18 may oo ah maalintii ay ku riyoodeen inay helayaan dal ay gaar u leeyihiin
Bur burkii Soomaaliya Ka dib waxa la sameeyey maamuklka Puntland, waxa isku qabsaday hogaanka sare ee Puntland Cabdulaahi Yuusuf iyo wiil uu dhalay Muuse Boqor oo markii danbe noqday madaxweynaha Puntland Cade Muuse.
Cade Muuse, markii laga adkaaday waa ku kalsoonaan waayey inuu xitaa biyo ka cabo gobolka Sanaag, sidii isaga iyo kooxdiisu u cararayeen ayeey isu dhiibeen beesha Isaaq iyo Ceel afweyn.
Sidoo kale maanta waxa warbaahinta hortaagan oo mucaaradnimada Deni ku kaliftay inay sax iyo khalad kala garan waayaan waa Wiilashii ka yar yaraa Cade Muuse ee Yaasiin iyo Burhan.
Ugu danbayntii ilaa hadda ma jiraan Isim iyo siyaasi canbaareeyey taageeraddii ‘Waqooyi Bari ee uu Buraah ku doonayey inuu Cawsane iyo Ceel daahir kala qaybiyo, waana sababta uu ku dhiiraday Yaasiin oo isaguna maanta ka qaylinayey Hargaysa







