22nd October 2024  admin  Category :

Kalmadda “igu sawir”  oo sida khaldan ay Mooryaantu  iyo dawlad diidku ay hadda  u isticmaalayaan iyaga oo ku  dhaleeceenaya ama  diidaan waxqabadka madaxda Soomaaliyeed, ceebna uga  dhigaya wanaaga la sameeyey oo la soo bandhigay  ayaa  asalkeedu waxa lahaa weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah  Cali Xaraare oo sida hadda loo isticmaalayo si ka duwan markii ugu horaysay uga soo saaray barnaamijkiisa kaftanka Siyaasadaa.

Abaartii ugu xumayd inta la ogyahay ee ka dhacday dalka Soomaaliya, oo dad iyo Duunyoba ku dhamaadeen sanadkii hore, oo in badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba ay sameeyeen Gurnad ay ku badbaadinayeen dadkooda iyo dalkooda, ayaa waxa jiray koox Damiirlaawayaal ah, oo naxariiistu ku yar tahay oo intay u tagaan dadka tabaalaysan ee reer Guuraaga ah  oo abaarta la daalaa dhacaya  waxay iskaga qaadi jireen sawiro aan haba yaraatee wax u  soo kordhinayn masaakiintiina, hase ahaatee   lagu niyad kicinayo.

Maalintaas ayaa weriye Cali Xaraare , markuu arkay  dhaqankan cusub  ee ka baxsan bani aadanimada oo qoys gaajaysan la safayo si  sawir layskaga qaado, ayaa isaga oo umadda Soomaaliyeed wacyi gelinaya wuxuu barnaamijkiisa kaftanka siyaasadaa ku soo qaatay markii ugu horaysay hadalkan ah  IGU SAWIR

Ugu danbayntii kuwa maangaabka ah, mooryaanimaduna u sii dheer tahay  ah,  oo madaxweyne  Farmaajo iyo RW Kheyre ku dhaleecaybnaya ama ku canbaaraynaya   maxaad umadda Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ugu soo bandhigaysaan ama u  tusaysaan sharatfii  Umadda Soomaaliyeed ee soo laabanaysa . Waa kuwii shalay igu sawir lahaa   hooyada Soomaaliyeed oo  ilmahii  ay dhashay  oo gaajo u dhintay  dhabteeda ku haysa,  markii ay waxay ku quudiso wayday . Raashinkii ay bulshada caalamku ugu deeqeena horay ay Suuqa Bakaaraha looga gatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*