22nd December 2024 admin Category :
Kalmadda “igu sawir” oo sida khaldan ay Mooryaantu iyo dawlad diidku ay hadda u isticmaalayaan iyaga oo ku dhaleeceenaya ama diidaan waxqabadka madaxda Soomaaliyeed, ceebna uga dhigaya wanaaga la sameeyey oo la soo bandhigay ayaa asalkeedu waxa lahaa weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Cali Xaraare oo sida hadda loo isticmaalayo si ka duwan markii ugu horaysay uga soo saaray barnaamijkiisa kaftanka Siyaasadaa.
Abaartii ugu xumayd inta la ogyahay ee ka dhacday dalka Soomaaliya, oo dad iyo Duunyoba ku dhamaadeen sanadkii hore, oo in badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba ay sameeyeen Gurnad ay ku badbaadinayeen dadkooda iyo dalkooda, ayaa waxa jiray koox Damiirlaawayaal ah, oo naxariiistu ku yar tahay oo intay u tagaan dadka tabaalaysan ee reer Guuraaga ah oo abaarta la daalaa dhacaya waxay iskaga qaadi jireen sawiro aan haba yaraatee wax u soo kordhinayn masaakiintiina, hase ahaatee lagu niyad kicinayo.
Maalintaas ayaa weriye Cali Xaraare , markuu arkay dhaqankan cusub ee ka baxsan bani aadanimada oo qoys gaajaysan la safayo si sawir layskaga qaado, ayaa isaga oo umadda Soomaaliyeed wacyi gelinaya wuxuu barnaamijkiisa kaftanka siyaasadaa ku soo qaatay markii ugu horaysay hadalkan ah IGU SAWIR
Ugu danbayntii kuwa maangaabka ah, mooryaanimaduna u sii dheer tahay ah, oo madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ku dhaleecaybnaya ama ku canbaaraynaya maxaad umadda Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ugu soo bandhigaysaan ama u tusaysaan sharatfii Umadda Soomaaliyeed ee soo laabanaysa . Waa kuwii shalay igu sawir lahaa hooyada Soomaaliyeed oo ilmahii ay dhashay oo gaajo u dhintay dhabteeda ku haysa, markii ay waxay ku quudiso wayday . Raashinkii ay bulshada caalamku ugu deeqeena horay ay Suuqa Bakaaraha looga gatay.