27th July 2024  admin  Category :

Haweeney ayaa caruurteeda ku harqisay haanta biyaha kadibna nafteeda dishay kadib markii ay ku guuldareysatay ciyaarta qamaarka ee online-ka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Choutuppal ee dalka Hindiya.Lacagta ay lumisay ayaa lagu qiyaasay Rs 15 lakh (18,279 oo Dollar).

Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Rajeshwari Avashetty, waxayna dhacdadan dhacday Talaadadii aynu soo dhaafnay.

Caruurta ayaa da’adooda lagu kala sheegay shan jir ah iyo saddex jir.

Rajeshwari waxay ciyaari jirtay cayaaraha online-ka ee mobilka.

Xubnaha qoyskeeda ayaa sheegay in ay isku dishay dayn lagu lahaa darteed.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dalka Hindiya oo dhan si isdaba joog ah uga socday dhacdooyinka noocaan ah.Article share tools

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*