26th March 2024  admin  Category :

Hooyadeed oo dhimatay 10 sano kahor” ayay Talaakad ama ku heysay

Booliska dalka Japan ayaa xabsiga u taxaabay haweeney u dhalatay isla dalkaas, kadib markii sida la sheegay ay sameysay arrin ka yaabisay dad badan.

Haweeneydan oo ay “hooyadeed dhimatay toban sano kahor” ayaa qaboojiyaha ama firinjeerka yaalay guri ay deganeyd waxay ku qarisay meydka hooyadeed.

Arrinkan ayaa markii dambe lagu wargeliyay booliska dalkaas.

Qaar kamid ah warbaahinta dalkaas ayaa soo wariyay in Yumi oo ay da’deedu tahay 48 sano jir mar wax laga weydiiyay sababta intaas oo dhan ay meydka hooyadeed ugu heysay qaboojiyaha ayaa waxay sheegtay in sababta ay tahay “in aysan dooneyn inay hooyadeed ka tagto” halkii ay ku wada noolaayeen oo ah gur ku yaalla caasimadda dalkaas ee Tokyo.

Booliska dalkaas waxaa kale oo ay sheegeen in aysan jirin wax nabarra ah ama dhaawac ah oo ka muuqday jirka haweeneyda lagu xaseeyay qaboojiyaha.

Mas’uuliyiinta dalkaas ma aysan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay dhimatay haweeneydaas iyo waxa sababay dhimashadeeda.

Yumi Yoshino oo intaas oo sano qarineysay meydka hooyadeed ayaa la oggaaday kadib markii qof kamid ah dadka nadaafadda qaabilsan uu arkay meydka haweeneyda dhimatay, waxayna xilligaas ka guureysay gurigii ay deganeyd kadib markii ay iska bixin weyday kirada.

Mas’uuliyiinta magaalada caasimadda ee Tokyo ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in meydka haweeneydan araxda laga kala jebiyay si loo deeqsiiyo qiyaasta qaboojiyaha ama firinjeerka.

Ms Yoshino ayaa laga qabtay huteel ku yaalla magaalada Chiba ee duleedka caasimadda Tokyo, kadib markii la helay meydka.

Arrintan ayaa hadal badan ka dhallisay baraha bulshada ee dalka Japan, waxaana dad badan ay sheegeen in haweeneydaas ay ahayd qof ka samri waayay hooyadeed halka kuwa kalena ay sheegeen inay tahay “fal arxan darro ah”, maadaama ay araxda ka jebisay, taas na ay muujineyso sida aysan niyad wanaaga uga ahayn falka ay ku dhaqaaqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*