19th May 2024  admin  Category :

Meel aan ka fogayn Sariirta uu Farmaajo  ka seexdo Villa Soomaaliya oo hoobiyaal ku soo dhaceen

Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Illaa 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay hareeraha iyo gudaha Madaxtooyada, waxaana saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay.

Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

Madaafiicda ayaa u muuqday mid bartilmaameedkooda ku dhacay Madaxtooyada, marka loo eego goobaha uu khasaaraha gaarsiiyay oo ah xafiisyada hey’adaha dowladda.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*