26th July 2024  admin  Category :

Ciidamada Amniga ayaa galabta gacanta ku dhigay nin Hoobiye ka tuuri rabay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa lagu qabtay qoriga Hoobiyaha ee uu tuuri rabay, wararka ayaa sheegaya inuu ku tuuri rabay Garoonka Stadium Muqdisho oo galabta ciyaar ka socotay.

Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay ninkan oo ka mid ah Al-Shabaab uu damacsanaa inuu hoobiyayaal ka tuuro degmada Dayniile.

“Laamaha Amniga degmada Dayniile ayaa galabta qabtay dhagarqabe Maxamed Xassan Cali oo kamid ah kooxda Alshabaab kaas oo rabay inuu ka tuuro degmada dayniile hoobiyayaal, Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay Shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dhagarta cadawga”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho ayaa dib loo furay labo bil ka hor, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*