Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland ee Badhan ayaa qaadatay 215 arday oo ka kala yimi gobolladaTogdheer, Sool, Sanaag, Waqooyi galbeed , , Nugaal iyo Bari, kuwaas oo galay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda.

kulliyadaha kala ah: Caafimaadka qaybta Kaaliyaha (Nursing), Kulliyadda Sayniska, qaybta Jiyoolajiga (Geology), Kulliyadda Waxbarashada iyo kulliyadda Daraasaadka Islaamaka ayeey ardaydu kala doorteen

Imtixaanka waxaa si wada jir ah u furay Agaasimaha xarunta Badhan Caydaruus Ahmed Faarax Oday iyo Guddoomiyaha Guddida howl-gelinta Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, fareceeda Badhan Dr. Cabdinuur Faarax Cali, isla markaana ah hormuudka kulliyadda Daraasaadka Islaamka.

Guddiga Maamulaya Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020

Wasiir Xamse Oo Magacaabay Guddiga Maamulaya Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020

Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse ayaa laga shaaciyay guddiyo kala duwan oo maamulaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo sanadkan ka duwan kuwii hore,waxaana guddiyadan ka soo muuqdayb dad aad loogo yaqaano isboortiga dalka Soomaaliya.

Tartanka Maamul Goboleedyada oo labadii sano hore ee la qabtay 2016-2017 kaliyana ku koobnaa kubbadda cagta ayaa Wasiir Xamse Saciid waxa uu sanadkan ku kordhiyay ciyaaraha fudud Iyo kubbadda kolayga,waxaana iminka muuqanaysa diyaar garowka iyo marti gelinta xiisaha tartankan.

Aqriso Guddiyada Uu Magaacabay Wasiir Xamse

Guddiga Kormeerka Guud

1.La Taliye Sare Maxamed Xuseen Haadi –Guddoomiye

2.Saciid Jaamac Qorsheeel                        Ku-Xigeen

3.Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf             Xoghaye

4.Xildhibaan Cumar Cusmaan Waasare    Xubin

5.Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed   Xubin

6.Amb.Cabdiraxmaan Diinaari                   Xubin

7.Farxaan Xasan Amed                            yoXubin

Guddiga Farsamada

1.Prof.Muuse Maxamed Naasir      Guddoomiye

2.Cabdiqaadir Ibrahim Gacal      Ku-Xigeen

3.Dr.Yuusuf Shaqaaq                  Xoghaye

4.Dr.Cali Cusmaan Cali            Kaaliye-Xoghaye

5.Maxamed Cabdo                         Xubin

6.Ibraahim Xuseen Rombe              Xubin

7.Saciid Maxamed Xasan              Xubin

8.Cabdiqani Saciid Carab              Xubin

9.Khadiija Aadan Daahir                Xubin

10.Cabdullahi Nuur Maxamed         Xubin

11.Xasan Maxamed Maxamuud        Xubin

Guddiga Martigelinta,Dejinta Iyo Gaadiidka

1.Isaaq Xaashi Jimcaale           Guddoomiye

2.Basma Caamir Shakeeti        Ku-Xigeen

3.Ikraam Cabdullahi Joogow        Xoghaye

4.Cali Xsan Axmed                         Xubin

5.Xasan Cabdi Abuukar                 Xubin

6.Mulki Nuur Muudey                      Xubin

7.Maxamed Maxamuud Samatar   Xubin

Guddiga Habmaamuuska Iyo Nabadageliyada

1.Abuu Sheekh Axmed             Guddoomiye

2.Cali Amin Xaaji Axmed              Ku-Xigeen    

3.Cabdiraxmaan Cali Muuse      Xubin

4.Nasr Maxamed Maxamuud     Xubin

5.Xubno Ka Socda Wasaarada Amniga Gudaha  Xubin

Guddiga Maaliyadda

1.Sadiiq Maxamed Maxamuud                Gudoomiye

2.Abshir Cabdiraxmaan Maxamed         Ku-Xigeen

3.Cabdiqani Maxamed Jeylaani               Xoghaye

4.Yuusuf Maxamed Xasan                          Xubin

5.Ismaaciil Maxamed Cabdi                      Xubin

Guddiga IT,Warfaafinta Iyo Xayeysiiska

1.Ayuub Ismaaciil Cali                   Guddoomiye

2.Maxamed Cusmaan Xassan         Ku-Xigeen

3.Maxamed Cabdi Muudey                 Xoghaye         

4.Maxamed Cabdullahi Digarey              Xubin               

5.Maxamed Cabdiraxmaan Warsame     Xubin     

6.Cumar Ibrahim Cabdirsalaam              Xubin               

Guddiga Anshaxa Iyo Racfaanka

1.Muxyidiin Maxamed Farqajaan           Guddoomiye

2.Saaci Axmed Abuukar                           Ku-Xigeen

3.Xamse Xaaji Cabdi                                Xoghaye

Dhaqan waxa u ah Musuqmaasaq

Gudoomiye Mursal oo diiday ina laga hadlo musuqmaasaqa ka jira Soomaaliya.

Afartii sano ee ugu danbaysay hay’adda Transparency International waxay warbixintooda ku sheegeen in in dalka ugu musuqmaasaq iyo laaluush bixin badan caalamka oo dhan uu yahay Soomaaliya. Waa musuqmaasaqa safiirkii hore ee Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siiciid Fiqi looga dhigay gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed, waa musuqmaasaqa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Jawaari.

Waa musuqmaasaqa uu ku kacay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal oo daqiiqado gudahood lagu riday raisul wasaarihii dalka oo sababy in khalkhal siyaasadeed maanta dalka ku jiro.

The UN Panel of Experts in its 2019 report noted that South West MPs were flown to Mogadishu in December 2018 and each received $5,000 ahead of the state presidential poll. Waa musuqmaasaqa Qaramada midoobey sheegtay in xildhibaanada Koonfur galbeed diyaarad loo soo saaray 2018 in midkiiba la siiyo $5000, si ay ugu codeeyaan murashaxii uu Farmaajo watay.

https://youtu.be/jCyV2_gXwHk

Muuqaalka hoose waxaad ka daawataa Xildhibaan Runsheeg, oo Soomaalida intooda badan aqoon, sababtoo ah kuma caan bixin Musuqmaasaq oo golaha baarlamaanka ugu hadlaya musuqmaasaq dalka ka jira. Intanu dhamaysan hadalkiisa ayaa waxaa afka jabsaday gudoomiyaha baarlamaanka oo leh ” ha ka hadlin dhaqankayga, isaga oo ku khasbaya inuu raali gelin bixiyo mar haddii uu soo hadal qaaday musuqmaasaq

War

Cabdi Xaashi Oo Dacwad Ka Dhan Ah Farmaajo Iyo RW Rooble U Gudbiyay Beesha Caalamka

Cabdi Xaashi Oo Dacwad Ka Dhan Ah Farmaajo Iyo RW Rooble U Gudbiyay Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble u gudbiyay Beesha Caalamka.

Guddoomiye Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku eedeeyay inay ku tunteen shaciga u yaalla dalka, isla markaana ay nidaam sharci darro ah ku magacaabeen guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka kooban laba Bog ayuu u kala diray Beesha Caalamka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan, wuxuuna ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya  2020/2021.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo kuwa Doorashooyinka Xildhibaanada ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qoraal dhawaan soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku doonayo inuu kusoo magacaabo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Somaliland, hayeeshee RW Rooble uu magacaabay.

Hoosn ka Akhriso Qoraalka Dacwada ee uu gudbiyay Cabdi Xaashi.