26th July 2024  admin  Category :

Gudoomiye Mursal oo diiday ina laga hadlo musuqmaasaqa ka jira Soomaaliya.

Afartii sano ee ugu danbaysay hay’adda Transparency International waxay warbixintooda ku sheegeen in in dalka ugu musuqmaasaq iyo laaluush bixin badan caalamka oo dhan uu yahay Soomaaliya. Waa musuqmaasaqa safiirkii hore ee Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siiciid Fiqi looga dhigay gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed, waa musuqmaasaqa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Jawaari.

Waa musuqmaasaqa uu ku kacay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal oo daqiiqado gudahood lagu riday raisul wasaarihii dalka oo sababy in khalkhal siyaasadeed maanta dalka ku jiro.

The UN Panel of Experts in its 2019 report noted that South West MPs were flown to Mogadishu in December 2018 and each received $5,000 ahead of the state presidential poll. Waa musuqmaasaqa Qaramada midoobey sheegtay in xildhibaanada Koonfur galbeed diyaarad loo soo saaray 2018 in midkiiba la siiyo $5000, si ay ugu codeeyaan murashaxii uu Farmaajo watay.

https://youtu.be/jCyV2_gXwHk

Muuqaalka hoose waxaad ka daawataa Xildhibaan Runsheeg, oo Soomaalida intooda badan aqoon, sababtoo ah kuma caan bixin Musuqmaasaq oo golaha baarlamaanka ugu hadlaya musuqmaasaq dalka ka jira. Intanu dhamaysan hadalkiisa ayaa waxaa afka jabsaday gudoomiyaha baarlamaanka oo leh ” ha ka hadlin dhaqankayga, isaga oo ku khasbaya inuu raali gelin bixiyo mar haddii uu soo hadal qaaday musuqmaasaq

War

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*