Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Puntland

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Puntland

Wasiirka wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka socday hay’adaha gargaarka, arrimaha bani’aadinimada iyo masiibooyinka Puntland.

Kulankaasi waxaa labada dhinac ay kaga wada hadleen saameynta duufaanta GATI ka geysatay deeganada Bari ee Puntland.

Cabdi-Aziz Cabdulaahi Axmed oo ah maamulaha hay’adaha gargaarka, arrimaha bani’aadnimada iyo masiibooyinka Puntland ayaa sheegay in duufaantu saameyn ku yeelatay degaano iyo degmooyin badan sida Xaafuun, Isku-shuban, Hurdiya, Baargaal, Boosaaso iyo tuulooyin dhowr ah.

“ Mudane Wasiir Duufta GAKTI waxa ay sababatay geerida 12 ruxu oo 8 Yeman ah iyo Afar Saamli ah, sidoo kale qiyaasaada dadka ay saameysay waa 200 qoys ah sida Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya iyo Baargeele, halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari aye galaafatay Duufunta, dhinaca kale waxa ay jirtay Isgaarsiinta iyo koronta oo dhulka la gashay GAKTI,waxaan ku soo gaarsiinay dhibaata halkaasi ka jirto mudane wasiir marka in gurmad deg deg ah lala gaaro dowlad iyo hay’adaha Gudaha iyo Kuwa Caalamiga ah “.

Maamule Cabdulaziis

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay dhuftay duufaanta GATI ee gudaha deeganada Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay ka wasaarad ahaan inay bilaabayaan isku-dubaridka hay’adaha gargaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan ahayn sidii ay dhaqso uga jawaabi lahaayeen xaalada bani’aadinmo ee ka jirta halkaasi.

BAROORDIIQ: KHALIIF CIISE MUDAN

Odhaahda TifatirkaWaxaa bishan aynu ku Jirno ee Nofember 24, 2020, ku geeriyooday dalka Turkiga Alle Naxariistii Janno ha siiyee Md. Khaliil Ciise Mudan oo ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed siiba deegaannada Puntland. Haddaba aqoonyahanka iyo qorayaasha Soomaalida qaarkood oo aqoon u lahaa marxuumka ayaa waxay baroordiiqdan akhristayaasha kula wadaagayaan aragtidooda shakhsiyaddii Khaliif Ciise.

Faysal Cabdi Rooble

Caadiyan waxaan seexdaa 10:30 habeenimo, inkasta oo 7dii bilood ee u dambeysay oon guriga dhexdiisa ka shaqeeyo cudurka Karoonaha awgiis aan mararka qaarkood ka daaho xilligii caadiga ii ah.  Cabbaare 1-dii saqda dhexe ayuu telofoon dhowr jeer itoosiyey. Markaan ka yaabay soo noqnoqoshada qaylada telefoonka ayaan is biday bal in aan farriin-reebka telafoonka eego.  Kollaba war xun waan filanayey, sababtoo ah xilliga la isoo wacay ayaan caadi ahayn.

 Madaxaa iwareeray! Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun ayey farriintu ku billaabantay. Intaanan dhammayn akhriska fariinta oo dhan, jidhkaa i dubaaxay. In farrintu geeridii Khaliif tahay waan dareemay! Maadama aan xaalkiisa had iyo jeer waraysan jiray, cid kale oon xanoon ba’an ku ogaana aanay jirin, markaan sadarada ah “saaxiibkaa Khaliif wuu geeriyooday,” isha ku dhuftay culays aanan weligay dareemin ayaa garbaha iga fuulay. Intaan ducaystay ayaan sariita salka saaray. Biyo ii saarnaa miiska ayaan yar qudhqudhiyey. Hurdo waan kala guurnay. Haddeer oon xusuus reebkan qorayo sidii ayaan u soo jeedaa.

Alle ha u naxariisto Jeneral Khaliif Ciise Mudan xilli aan fogayn oon dalka Jabuuti shir u tagay ayuu iskaaya baray saaxiibkay Cabdiraxman Xoosh (AHUN). Waa sannadii 2015. Weli waan xasuustaa ereyadii Xoosh yidhii markuu iskaaya barayey. “Waa safiirka aan dawaliga ahayn” (non-governmental Ambassador of Somalis) ayuu isku kaaya baray.

Isla markaan salaanta muslinka isdhaafsanay, telefoonka ayuu Khaliif qabsaday. Shaw waxa uu isla markiiba diyaariyay casho sharaf baaxad leh. Casuumad qiimo leh ayuu aniga iyo shanti qof eenu wada soconay noo diyaariyey. Xilli gaaban laakiin xayo badan ayaa cashadaas ka muuqatay.

Mar kalena waxaan jeclahay in aanu Jabuuti ku kulanay. Waxaanse runtii xilli fiican la qaatay marxuumka 2019 mar aan socdaal ku tagay Puntland. Soodhaweyntii mugga lahayd een kala kulmay Puntland door waafi ah ayuu ku lahaa Jeneral Khaliif.

Intii aan joogay Puntland isaga ayaa qorshahayga hormuud ka ahaa. Madexweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenkaba isaga ayaa noo dhexeeyey. Waxa uu ila tagay ilaa Boosaso oo ah magaaladii u ku dhashay.

Soo dhaweyn iyo martigelin weyn ayuu noogu sameeyey aniga iyo wafdigii aanu wada soconay magaalada taariikhiga ah ee Qardho. Laba habeen oonu Qardho ku dhaxnay, guri Khaliif leeyahay ayaanu degganayn.. Khaliif waxa uu ahaa shaqsi deeqsinimada, bulsho soo dhaweynta, iyo martisoorka aan hagarta lahayn ku sifoobay. Wafdiga iyo askarta nala socotayba kharashka ku baxaya isagaa dusha u ritay.

Waxan si gaar ah ula socday dhismaha warshadda Rinjiga uu ka dhisay Garowe. Muhiimadda uu kalahaa mashruucan waxay ahayd in uu bulshada Garowe ka haqab tiro baahida Rinjiga.

Intaasi oo dhan waxa u dheeraa in uu ahaa shaqsi bulshaawi ah, Soomaali badana ku xidhan. Marku xanunku qabtay ayaanu wada hadalnay Wasiir hore (heer federal) oo hadda Xamar jooga reer-Woqoyina ah. Waxa Wasiirkaasi ii shagey in uu Khaliif marti galiyo mar kasta oy tagaan Puntland. Dhawaan markuu shaaciyey in uu isu soo taagayo jagada xildhibaanimo, Soomaali badan ayaa taageero u fidisay. Hawl uu ka soo dhalaali lahaa waxna ugu qaban kari lahaa Puntland iyo Soomaaliyaba ayaanu filaynay. Qadar Allase qorshahaas ma waafaqsanayn. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jandii ka waraabiyo ehelkana Samir iyo Iimaan ka siiyo

———–

Xasan Abukar

Ilaahay ha u naxariisto Jeneraal Khaliif Ciise Mudan. Marxuumka wuxuu ahaa qof ehel ah. Waxaanu aheyn qaraabo dhow, Hooyaday, Dahabo Yuusuf Muuse, baa waxay ahayd Eedadiis. Markii ugu horreysay aan la kulmo Khaliif waxay ahayd anoo wiil yar oo dhigta dugsiga hoose ee Muqdisha. Khaliif markaa ayuu ka yimid Bari isagoo arday ka noqday Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdinaasir. Waxaan ku wada noolayn isku guri muddo dhawr sano ah xaafaddii Isku-Raran. 

Khaliif wuxuu ahaa qof aad u ixtiraam iyo edeb badan, bashaash ah, kuna fiican waxbarashada. Waxaan xasuustaa markuu dugsiga sare ka qalanjabiyay, waxaa uu ku biiray saraakiishii ciidanka isla markaana waxaa loo qaaday Midowga Soofiyeeti si uu u noqdo duuliye. Markuu ku soo noqday dalkii, Khaliif wuxuu noqday sarkaal waddankiisa daacad u ah. Wuxuu gaaray heer uu noqday taliyahii ciidanka cirka.

Khaliif, burburkii ka dib, wuxuu noqday ganacsade weyn oo mar buu ka mid ahaa milkiilayaashii Daalo Airlines. Intii dambe, wuxuu ka qeyb qaatay dhismihii dawladda Puntland ilaa uu noqday Wasiirka Amniga.

Khaliif wuxuu ahaa nin aad u qiimeeya ehelnimo, saaxiibtinimo, iyo wadaninimo. Waxaan ilaahay ka baryaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdows. Aamiin.

——–

Cabdi Faarax Juxa

Khalif Ciise Mudan Allaha u naxariistee waxaan si fiican isu baranay wakhtigii xukuumaddii Puntland ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole 2009- 2013 oo uu ka noqday Wasiirka Amniga, aniguna aan ka ahaa Wasiirka Waxbarashada. Xilligaas iyo kadib ayaan jid la maray, jidiin la cunay, jabadna la degey. Wuxuu ahaa nin golaha xukuumadda ka dhex muuqda oo haybad iyo dad-wad leh. Waxaan ogahay inuu hantidiisa iyo hubkiisa gaarka ah ugu adeegi jirey danta guud. Wuxuu ahaa nin ku xiran oo asxaab badan ku leh gobollada Soomaalida oo dhan oo gurigiisa iyo gacantiisa lagu soo xisaabtamo.

Khalif Ciise Mudan Allaha u naxariistee wuxuu horey usoo noqday duuliye sare, taliyaha saldhigga Ballidoogle iyo taliyaha ciidanka cirka ee Soomaaliya, laakiin meelkasta iyo shaqo kasta oo guud ama gaar ah oo uu soo qabtay wuxuu ahaa nin ku ammaanan oo magac ku leh. Wuxuu ahaa nin lagu xoomo, lagu hirto, laysku halleeyo oo loo baxsado maalinta adag.

Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Geed weyn oo la harsado. Wuxuu ahaa nin xabiib ah, deeqsi ah, sadaqo badan oo dad ururiye ah. Wuxuu ahaa nin saaxiibbo badan oo albaabkiisu furan yahay. Wuxuu ahaa nin xoog furan, ma daale ah oo hindise iyo hal-abuur leh.
Saaxiib Eebbe godka hakuu qaboojo.
———-

Axmed Cabbaas

Kkaliif Ciisa Mudan (AUN) waxaan nasiib u yeeshay in aan Magaalada Boosaaso ku barto 1991ki oo ahayd xilli aad u xumaa oo Sommaali la soo gudboonaaday. Muddadii saddonka sanno ahayd oo aan Khaliif aqiin waxaan lahayn xiriir joogta ah oo gacaltooyo, kaasoo aan ahayn mid aniga ii gaara ee ehel, qaraabo iyo aqoonninba la lahaa. Khaliif dareenka shisheeyannimadu weligiis kuma duxin dad oo dhammina sokeeye ayuu u ahaa. Dhinac kasta marka aan ka eegey khaliif wuxuu lahaa dhammaan tilmaamihi uu Cali Jaamac Haabiil ugu baroor diiqay markii la soo sheegay geeridi Xirsi, Arrimaha aan gaarka u xusi karo waxaa ka mid ahaa deeqsinnimada, gurigiisuna wuxuu ahaa mid ay mar walba martidu gabrantahay. 

Qof deeq iyo dulqaad labadaba Alla ku mannaystay ayuu ahaa. Qofka hal mar la kulma khaliif wuxuu ku reebi jirey xasuus aan gedmin. Soomalidu qofka ay ammaanayaan waxay ku tilmaamaan “meel ku toos”, khaliifna wuxuu aha qof meela badan oo gobannimo iyo milga leh ku aaddan sidaas awgeedna aad loo tebi doona. Geeridu waa xaq waxaynu ugu ducaynaynaa inuu noqodo kuwa eebbe raallida ka noqdo. Ilaahow Aamiin.
—-

Cabdikariim Cabdiraxmaan X. Xasan

Mar aan safar ku tagey Garoowe, Puntland bishii Sebt 2018, oo ay ka socotay ololaha doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa hotel aniga iyo Juxa oo wada soconnaa ugu soo galnay Khaliif Ciise (AHUN). oo ka mid ahaa musharaxiintii Puntland ee jagada madaxweynaha. 

Markii aanu isa saalaanay, ayuu Juxa iskaaya baray, intii uusan hadalkii dhammeyn, ayuu Khaliif yiri- sow maaha, ina C/raxmaan X. Xasan- reer Berbera. Waxa u markiiba ii tiriyay ilma Cabdiraxmaan oo dhan, marka laga reebo aniga oo aanaan horey isu arag. Inta aanu iska ilownay wadaadkii Juxa, ayaanu sheekho faamili iyo waayhihii samaa ee dalku soo maray galnay (nostalgic). Waxa uu makiiba noo fidiyay martiqaad. Intii xiligaas aan joogay Puntland Khaiilf waxa aan ku arkay qadarin soo dhaweyn iyo in uu ehel la yahay dhammaan dadka oo dhan.

Khaliif waxa uu aad ugu dadaalay oo dadka ku dhiirigelin jiray in dib loogu soo noqdo oo laga qeyb qaato ganacsiga iyo maalgashiga dalka. Khlaiif oo ganacsi kala duwan ku alhaa dalalka jaarka ah, khaasatan Kenya, ayaa ii sheegay in uu ka soo raray ganacsigaasi oo uu u soo wareejiay Puntland, dadkana uu ku dhiir gelinayo in laga qeyb qaato horuarka dalka.

Waxaan khaliif uga baryaa in uu Alle naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisii, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iiman ka siiyo.

WardheerNews

Labba Kalmad oo Dadka ay Dhibsadeen

Beesha Hawiye qaar ka mid ah siyaasiyiintooda iyo odayaashooda ayaa marar badan ku soo celceliya labba kalmadood oo aan munnaasib ku aheeyn ummadda Soomaaliyeed. Mida koowaad ayaa ah in marar badan lagu soo celceliyay waxeeynaa la cunnaa oo ah canshuurta laga qaado dekedda Muqdisho.

Ma jirto cid ku nool dekedda Muqdisho, waayoo ah lacagta ka soo xaroota dekedda ayaaba ah mid aad u yar.  Tusaale, 2014kii markii ay la wareegtay dekedda Muqdisho shirkadda Turkishka ah Al Bayrak, waxaa lagu qiyaasay bishii ugu horeeysay in dekedda Muqdisho ay ka soo xarootay lacag dhan labba milyan iyo toddobo boqol oo kun (USD 2700,000).

Hadii maanta dekedda Muqdisho ay ka soo xarooto bishii afar milyan oo doolar, sannadkii waxeey noqoneeysaa lacag dhan 48 milyan oo doolar. Lacagtaas marka laga jaro mushaarka shaqaalaha ka shaqeeya dekedda iyo inta shirkadda maamusho ay qaadato, waxaa dawladda u soo haraya lacag aan ka badneen hal milyan iyo shan boqol oo kun bishii.

Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dawladda ay heshay, waxeeysan ku filneen 2 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha Muqdisho, iskabadaa cid kalle wax laga siiyo. Hadalka oranaya ‘WAXEEYNAA LA CUNNAA’ sababta ka danbeeysa ayaa ah, in ummadda Soomaaliyeed aysan arag lacagtii caalamka ugu deeqay oo dhan oo galleeysa magaalada Muqdisho.

Hadaba, lacagta loogu deeqo Soomaaliya sanad kasta waxeey noqotaa boqolaal milyan oo doolar, waxeeyna lacagtaas 65 boqolkii gashaa magaalada Muqdisho, inta soo hartay oo ah 35 boqolkii waxeey gashaa gobolada kalle ee Soomaaliya oo dhan. Muqdisho waxeey ku kalla socoto waa lacagta caalamka uu siiyo Soomaaliya, marka dadka habbeein iyo maalin la taagan idaacadaha dekeddeenaa la cunnaa, waxeey tahay yaan la arag wixii Soomaali loogu deeqay oo Muqdisho galleeysa.

Qodobka labbaad ayaa ah in marar badan lagu soo celceliyey, ‘VILLA SOOMAALIYA GIDDAARKEEDAAN KA DAADANEENAA IYO HEBEL MAGAALADA XOOG AAN UGA SAAREENAA’. Hadalkaas ma yahay hadal munnaasib ah? Magaalada Muqdisho waa caasimadii ummadda Soomaaliyeed, qof kasta oo Soomaaliyana wuxuu xaq u leeyahay marka uu joogo magaalada Muqdisho in uu cabbiro fakirkiisa u gaarka ah, mana ahan in qofkii wax kharriba ama fakirkiisa dhiibta in la yiraahdo magaaladaan xabad ayaan kaaga saarreenaa.

Mahdi Guuleed, Fahad Yaasiin, Farmaajo iyo cid kasta oo wax qaribeeysa waxeey u taallaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed sidii wax looga qaban lahaa, mana ahan beesha Hawiye midda kaliya ee wax xukmineeysa. Qaar odayaasha Hawiye ka mid ah ayaa waxeey ku leeyihiin kaalaya reer hebel hadii aad tihiin hebel iyo hebel naga kaxeeysta. Hebel iyo hebel hadii ay qaldan yihiin ama ay dalka danbi ka gallaan, waa in si wadajir ah la isaga qabtaa oo waddo sharci ah loo maraa. Marka odayaasha Hawiye iyo siyaasiyiintooda waxaa habboon in ay joojiyaan kalmaddaha ah madaxtooyadaan ka daadaneena, dadka gobolada kalle ka yimid xabad ayaan magaalada Muqdisho uga saareenaa iyo reer hebel kaalaya hebel naga kaxeeysta.

Hadii beesha Hawiye ay rabaan in magaalada Muqdisho ay la mid noqoto magaalooyinka kalle ee dalka, waa in caasimadda loo raraa meel dadka aan loogu hanjabeen ama aan la laheen waxeeynaad cuntaa.   

SNM mar danbe ma halaagi doonaan USC

Siyaasiyiinta Isaaq oo mar kale ka faaiidaysanaya Siyaasiyiinta Hawiye ee aadka u caraysan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaliya, ahaana wasiirka diinta iyo Owqaafta Somalia, Ridwaan Xirsi Maxamed oo xilkan hayey intii u dhaxaysay bishii kowaad 17 2014 ilaa 6 February 2015, ayaa horay u sheegay inuu ka toobad kenay inuu Walaweyn Koonfureed la shaqaysto, maantana Muqdisho ayuu joogaa oo waxa uu ka mid yahay mucaaradka Farmaajo

Bismilaaahi Raxmani Raxiim

Tala Xumadii iyo Damacii Farmaajo oo laba midkood ku soo biyo shubaneysa

1. In uu isticmaalo Cudud Milatry oo Dalkaasi u horseeda Burbur aanu Mahadin.

2. In uu iscasilo oo uu badbaadiyo Naftiisa iyo Dalka Somaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah Talo Xumooyinka iyo khiyaamooyinka uu Cayaarayo Farmajo in uu Dib u isticmaalo Ra’iisal wasaarihiisii Hore Mr Khayre , oo tuhun badani hadheeyey kaalinta uu Cayaarayo Mr Kheyre, oo iminka dhex fadhiya shirarka Mucaaridka. Waxaase laga yaabe halkii uu ugu Talo galay inuu Mr. Khayre uu Farmaajo wax uga taro in aan la isla gaadhin marka laga eego Jidka uu Iminka Doonayo Farmaajo in uu wax mariyo. Oo ah mid ka fog in Dalkaasi ay ka dhacdo Doorasho la isla ogol yahay.

Tan labaad Maadaama la ogyahay in uu Madaxweyne Farmaajo La Galay Heshiisyo QARSOODI ah Dalal shisheeye ah , heshiisyadaa oo halis galinayo Madaxbanaanida Somalia iyo Amniga qaar ka mid Dalalka Khaliijka ee Carbeed. Waxaa Farmaajo ka go’an in uu wada kasta u maro sidii uu ugu sii nagaan lahaa Hogaanka Somalia.
Oo ay ugu horeyso in uu Mucaaridka iyo Maamul Goboleedada uu ku muquuniyo Xoog, arrintaasi oo isaga iyo Xulafadiisu ay mudo dheer si weyn uga shaqeynayeen waxaase aad u fog sidii arrinkaasi ugu hirgali lahaa madaama aan xukunkiisa lagu wada kalsooneyn.

Sidaa awgeed Somaliya Maanta uma baahna in xoog iyo Boob la isku Muquuniyo ee waxay u baahan tahay in laga Taliyo sidii loo badbaadin lahaa Bulshada Reer Somaliya ee mudada aan helin Cid wanaag ugu talisa

Allaa Mahad leh
Mudane,Ali Mahamed Waranade

Qaran News

TACSI JENERAAL KHALIIF CIISE MUDAN

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed, Ciidankii hore ee Qaranka Soomaaliyeed, ciidankii Hore ee Cirka, maamulka Puntland ,  qoyskii,  eheladii,   iyo qaraabadii uu  ka geeri,yooday Allah ha u naxariistee Jeneraal  Khaliif CiiseMudan , oo ka mid ahaa halgamayaashii Umadda Soomaaliyeed, oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga

Jeneraalka oo kamid ahaa aasaasayaashii iyo Ganacsatada Puntland ayaa kamid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland.

Marxuumka ayaa muddooyinkii danbe ahaa Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Puntland.

Gen.Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga Puntland, ayaa kamid ahaa Saraakiishii sare ee ciidamada Cirka ee Qarankii Soomaaliya.

Marxuum  Khaliif Ciise Mudan   , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Ciidanka Puntland oo Gurmad sameeyey

Dadka Barakacayaasha ee Magalada Boosaaso oo ay sameyeen roobabkii ka da’ay Magaalada Ayaa waxaa Meelo ay seexdaan kagana gabadaan roobka Geyey Masuuliyiinta Gobolka , Degmada iyoTaliska Qaybta

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa Ka daad gureeyay qoysas barakacayaal ah Kamamkii ay daganayeen kadib markii ay soo galeen daadad xoogan oo uu sababay roob xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay gudaha Magaalada Boosaaso waxaana la dajiyey goobo ku meel gaar ah oo uu maamulka Gobalka bari u diyaariyey.

Roob xoog leh oo ilaa shalay Bosaaso ka dayey ayaa saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah oo Barakacayaashu ka mid yihiin iyadoona Maamulka Dagmada Boosaaso Xaqiijiyeen in 12kun oo qoysi ku guryo beeleen roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari.

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa Ka daad gureeyay qoysas barakacayaal ah Kamamkii ay daganayeen kadib markii ay soo galeen daadad xoogan oo uu sababay roob xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay gudaha Magaalada Boosaaso waxaana la dajiyey goobo ku meel gaar ah oo uu maamulka Gobalka bari u diyaariyey. Roob xoog leh oo ilaa shalay Bosaaso ka dayey ayaa saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah oo Barakacayaashu ka mid yihiin iyadoona Maamulka Dagmada Boosaaso Xaqiijiyeen in 12kun oo qoysi ku guryo beeleen roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari.

Kulanka USC iyo SNM

Siyasiyiintii Isaaq o ku biiray Siyaasiyiintii Hawiye eeMuqdisho ku shirayey

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka Musharaxiinta Madaxweynaha uga socda magaalada Muqdisho.

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana la filayaa inuu daba dheeraado oo berri la soo afjaro, lagana soo saaro war murtiyeed.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa shirka ku wehliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Wasiirkii hore Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Mas’uuliyiintan ka soo jeeda bdeesha Isaaq ayaa la filayaa inay warbixin siiyaan Musharaxiinta Madaxweynaha, si ay uga hadlaan muranka ka taagan guddiyada doorashada iyo qaabka aysan ugu qanacsaneyn sida ay Xukuumadda wax u wado.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si weyn uga soo horjeeda Guddiga doorashada ee beelaha Isaaq ee ay Xukuumadda magacawday ayaa maalmo ka hor ka daba magacaabay Guddiga doorashada Gobolada waqooyi.