18th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Puntland

Wasiirka wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka socday hay’adaha gargaarka, arrimaha bani’aadinimada iyo masiibooyinka Puntland.

Kulankaasi waxaa labada dhinac ay kaga wada hadleen saameynta duufaanta GATI ka geysatay deeganada Bari ee Puntland.

Cabdi-Aziz Cabdulaahi Axmed oo ah maamulaha hay’adaha gargaarka, arrimaha bani’aadnimada iyo masiibooyinka Puntland ayaa sheegay in duufaantu saameyn ku yeelatay degaano iyo degmooyin badan sida Xaafuun, Isku-shuban, Hurdiya, Baargaal, Boosaaso iyo tuulooyin dhowr ah.

“ Mudane Wasiir Duufta GAKTI waxa ay sababatay geerida 12 ruxu oo 8 Yeman ah iyo Afar Saamli ah, sidoo kale qiyaasaada dadka ay saameysay waa 200 qoys ah sida Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya iyo Baargeele, halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari aye galaafatay Duufunta, dhinaca kale waxa ay jirtay Isgaarsiinta iyo koronta oo dhulka la gashay GAKTI,waxaan ku soo gaarsiinay dhibaata halkaasi ka jirto mudane wasiir marka in gurmad deg deg ah lala gaaro dowlad iyo hay’adaha Gudaha iyo Kuwa Caalamiga ah “.

Maamule Cabdulaziis

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay dhuftay duufaanta GATI ee gudaha deeganada Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay ka wasaarad ahaan inay bilaabayaan isku-dubaridka hay’adaha gargaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan ahayn sidii ay dhaqso uga jawaabi lahaayeen xaalada bani’aadinmo ee ka jirta halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*