26th July 2024  admin  Category :

Siyasiyiintii Isaaq o ku biiray Siyaasiyiintii Hawiye eeMuqdisho ku shirayey

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka Musharaxiinta Madaxweynaha uga socda magaalada Muqdisho.

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana la filayaa inuu daba dheeraado oo berri la soo afjaro, lagana soo saaro war murtiyeed.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa shirka ku wehliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Wasiirkii hore Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Mas’uuliyiintan ka soo jeeda bdeesha Isaaq ayaa la filayaa inay warbixin siiyaan Musharaxiinta Madaxweynaha, si ay uga hadlaan muranka ka taagan guddiyada doorashada iyo qaabka aysan ugu qanacsaneyn sida ay Xukuumadda wax u wado.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si weyn uga soo horjeeda Guddiga doorashada ee beelaha Isaaq ee ay Xukuumadda magacawday ayaa maalmo ka hor ka daba magacaabay Guddiga doorashada Gobolada waqooyi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*