Caasimaddii Tigreega oo gacanta lagu dhigay

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu hadda “si buuxda gacanta ugu dhigeen” caasimadda maamul goboleedka tiigreega ee Mekele. Hogaamiyaha jabhadda Tigreey .isagu wuxuu sheegay in rabshaduhu sii socon doonaan.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu maanta oo sabti ah sheegay inay galeen Mekele, oo ah caasimadda maamul goboleedka Tigreega.

“Waxaanu xoog galnay magaalada Mekela iyada oo haba yraatee ayna ku dhiman dad aan waxba galabsan”

A

Sool iyo Sanaag iyo Doorashada Soomaaliya

Waa maxay sababta ay Mucaaradka Muqdisho iyo Farmaajo uga maarmeen siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag?

Afar sano ka hor, xaaladda Soomaaliya sida ay maanta tahay waa ka duwanayd, oo arinta ugu weynayd ee waqtiga doorashada ay madaxdii markaa joogtay sida Culusow iyo jawaari ay dagaalka ugu jireen waxay ahayd in Xildhibaano ka soo jeeda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayna Xildhibaano ku imnaya Waqooyiga Soomaaliya ayna aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ugu yeelan

Guddi ka kooban 7 Xubnood  oo ka soo wada jeeda beelaha  Dirta waqooyi, kuwaas oo kala ah Jaamac Maxamed Qaalib, Xuseen Ceelaabe Faahiye, Axmed Siciid Faarax,Maxamuud Axmed Ismaacil, Ciise Ducaale Buun iyo Ibraahim Axmed Caabi ayaa arintaa loo xilsaaray. Waana ku guulaysteen inay ka reebaan xildhibaanaddii ka imanayey waqooyi Soomaaliya, kuwo ka soo jeeda Sool iyo Sanaag.

Maanta, mar kale siyaasiyiintii Hawiye iyo Isaaq oo wada socda iyo madaxweynaha xilka haya ayaa u wada tartamaya hogaanka Soomaaliyeed, marka aad fiiriso labada dhinac ee isku haya hogaanka Soomaaliya waxaa ka maqan oo aadan ku arkayn siyaasiyiin ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, waxayna u muuqataa in labada dhinacba ayna u arkayn inaanay saamayn weyn lahayn.

Madaxada Mucaaradka oo u badan beelaha Hawiye, iyagu markii horeba raali kama ahayn in SOOL IYO SANAAG maamul loo sameeyo, halka ay iyagu ka doonayeen in gobol iyo nus iyo gobolka Banaadir maamulo loo sameeyo. Labadiiba waa ku guulaysteen.

Madaxweyne Farmaajo, afartii sano ee uu xilka hayey arinta maamul u samaynta labo mar ayuu soo hadal qaaday, marka hore dan isaga u gaar ah ayeey ahayd oo waa markii uu socday Mooshinka xilka looga qaadayey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedaddisu ahayd inuu Puntland fawdo ka bilaabo oo uu beelaha wada Dega ee walaalaha ah madaxa isugu dhufto.

Markii labaad waa mar ay gabadh Soomaaliyeed waydiiso Su’aal ku saabsan maamul u samaynta Sool iyo Sanaag. Markan isaga oo ilko cadaynaya, una muuqda inuu dad raali gelinayo ayuu yidhi kalmad ka kooban dhowr iyo tobon xaraf “KAMA JAWAABI KARO” su’aashii la waydiiyey.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta Farmaajo iyo Mucaaradkiisu ay uga maarmeen Bulshada Sool iyo Sanaag?

Jawaabtu waa cadahay, waana mid qof walba ogsoonyahay. Farmaajo iyo mucaaradku ma doonayaan inay ka caraysiiyaan Hargaysa iyo Garowe.

Ugu danbayntii Bulshada Sool iyo Sanaag, haddii ayna sixin Puntland maanta , “hadda” oo ayna u arkin inay wax ka dhisteen, iskana indho tiraan in koox yari Jeebka ku qaadato oo hadba meel la aadaan, iyaguna afar sano ka dib waxay indhaha ku kala qaadi doonaan iyaga oo SNM uga wakiil tahay doorashooyinka Soomaaliya

Doorashada Soomaaliya kama qayb gelayno

Sayid AXmed ” “Doorashada Soomaaliya kama qaybgalayno ilaa gacanteena lagu soo celiyo Gedo”

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudadne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ay argagixisadu ku laayeen magaalada Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo.

Tacsida kadib ayuu Madaxweynuhu so qoto dheer uga hadley Xaalada Siyaadadeed ee Dalka, Xaalada gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.

BBC Somali ayaa waraysi la yeelatay Wariye Mohamed Xasan Dhalo oo Xaafuun ka soo waramay & dhiibatada geeysatay Dufaanta Gati.Dhalo waa howladeena Daljir ee Safarka Ku maraya degaanada Gati haleeshay.

Qarax Muqdisho ka dhacay

Dowlada soomaaliya oo war ka soo saartay qarax ay argagaxisada dad shacab ah ku laayeen kaas oo ka dhacay Muqdisho

Magacyada dhalinyaradii caawa lagu laayay qaraxii ismiidaaminta

1: Ibrahim Abdi
2. Bishaar Cabdukadir
3. Abdulahi Abdi Jamac
4. Abdirisaak UK
5. Abdullahi Suldan
6. Abdirashiid Taataa
7. Cali Daahir (Cali Yare)
8. Abdullahi Sudaani

Lagama Dhaadhacsiin Karo Soomaalida

Dad badan oo kunool dalka Mareeykanka ayaa waxaa soo foodsaaray cunto la’aan baahsan. Dadka cunto la’aanta ay heeysato ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 50 milyan oo qof.

Hadaba, Soomaalida oo ka mid ah dadka ugu caqliga hooseeya adduunka, ayeey adag tahay in laga dhaadhacsiiyo in dalka Mareeykanka lagu gaajoonayo.