Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland

Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland 28 Janaayo 2021 waxaalooga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintiiGuddiga xaqiiqa raadinta IGAD.

Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen inarrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beeshacaalamka.

1. Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababeykhasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaandadkii ku dhintey dagaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaaninuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey.

2. Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaasayagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aadlooga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayeymagaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneydciidanka daraawiishta Jubbaland ee ay u gaysteen jirdilkafoosha xun, dilka iyo inay ku qasbaan waxaan jirin inaysheegaan iyagoo ku marin habaabinaya ummada soomaaliyeedtaasoo ugub ku ah taariikhda ummada soomaaliyeed. DowladaJubbaland waxay sidookale cambaareynaysaa in masuuliyiiniyo madax sheeganaya magaca qaranka ay ku faanaan dilka iyodaadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuna tilmaamaanguulo u soo hoydey.

3. Waxay goluhu aad u soo dhaweynayaan go’aankii geesinimadalahaa ee Madaxweynaha Jubbaland uu ku amrey in Ciidamadii Jubbaland ee Baladxaawo qabsadey ay dib ugu noqdaanfariisimahoodii hore si loo badbaadiyo shacabka iyo hantidabulshada reer Baladxaawo, Maadaama uu dagaalku iskubadaley mid lagu dhex dagaalamayo magaalada iyo maatidadhexdeeda.

4. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqoraadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ahdhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedkaJubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS kagudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaysteyMadaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuutimudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagagabeen abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaaladagobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oocadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.

5. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida GudiyadaMaamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyoPuntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkeytallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta kaxariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirkaGolaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyocaqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysadoorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneysodhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugubaaqaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisahogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhamaaday shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhoweeyey natiijada baaritaanka guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD ay u saartay baaritaanka eedeyntii ay DFS u jeedisay Kenya, eedeyntaas ayaa loogu gafay Dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo jabhad lagu tilmaamay ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer kadib soo saaray warbixin aan dhinacna u janjeerin islamarkaana taabaneysa xaqiiqada taas oo bannaanka soo dhigtay damaca gurracan ee madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu soo dhoweeyey warbixinta ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta ah, Jubbaland waxay ka xun tahay sida Dowladda Federaalku ugu gaftay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ka hadlay dhibaatada ay ciidanka DF ka geysteen degmada Beledxaawo iyo dadka rayidka ah ee ay ku laayeen, halkaasi oo ay ku burburiyeen hantida dadka rayidka ah kadib markii ay magaalada ku garaaceen hoobiyeyaal.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu ku amray ciidanka Jubbaland in ay dib uga baxaan magaalada Beledxaawo si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya maatada, kadib markii ciidanka laga keenay magaalada Muqdisho ay bilaabeen in ay hub ku garaacaan goobaha rayidku ku nool yahay.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay in ay dalka ka dhacdo doorasho wada ogol ah isaga oo digay cawaaqib xumada ka dhalaneysa qabashada doorasho aan loo dhamayn.

Itoobiya oo ganacsatadii SNM xayiraad saartay

Liiska Ganacsato SNM u dhashay oo Baanka Dhexe ee Itoobiya Maalkooda Xayiraad duldhigay

Baanka dhexe ee Xukuumadda Federaalka Waddanka Itoobiya ayaa gabi ahaanba Xayiray, Dhaqdhaqaaqii Maaliyadeed iyo Ganacsina hawada ka saartay Boqollaal Ganacsato ah oo waaweyn oo ay xataa ku jiraan Uguna Badan Yhiin Ganacsato reer Wajaale ah oo isticmaali jiray Baananka Ganacsi ee dalka Itoobiya eek u yaalla Daanta Itoobiya ee Wajaale.

Baanka Dhexe ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa Toddobaadkan soo saaray wareegto Culus oo lagu taxay Liiska Ganacsato badan oo xayiraad laga saaray Lacagihii u yaallay Baananka Itoobiya maadaana Baanka dhexe uu maamulo dhammaanba bangiyada kala duwan ee Ganacsi ee dalkaasi Itoobiya ee ay dadku isticmaalaan, waxaana Ganacsatadan lagu eedeeyey in ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah sharciga Maaliyadda, Diriddidda Lacagaha iyo dambiyada la xidhiidha sida Dhaqista Lacagta, Ganacsiga Koontarabaanka, adeegsiga xawaalado sharci darro ah oo loo diri karay wax ay Itoobiya ku sheegtay argagixiso iyo guud ahaan nidaam Liddi ku ah shuruucda Maaliyadeed, ganacsi, lacag dirid iyo keydineedba taasoo keentay in xukuumadda Itoobiya gaar ahaan Baanka Dawladdu soo saaro xayiraaddan culus.

Wareegtada Baanka ayaa lagu taxay Magacyada Ganacsatada, Bangiyada ay isticmaalayeen, Magaalooyinka ay akoonada ku lahaayeen iyo xaddiga Malaayiinka Birr ee xayiraadda laga saaray waxaana liiskan ka muuqdo Magacyo badan oo ah ganacsato dhirbaaxadan culusi ku dhacday oo ka diiwaan gashanaa Magaalo Ganacsiyeedda Tog-wajaale gaar ahaan Daanta Itoobiya kuwaasi oo isugu jira Ganacsato SNM kasoo jeeda, kuwo dawlad Deegaanka ka soo jeeda iyo xataa Ganacsato kale oo Itoobiyada kale ah balse xidhiidhka ugu weyn ee Ganacsi la lahaa Magaalada Wajaale.

Magacyada Ganacsatada Soomaalida ah ee Lacagtoodii iyo Ganacsigoodiiba la xayiray, xaddiga lacagta laga xayiray iyo sababta looga shakiyay ganacsigoodu waxa ay kala yihiin:

Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- Lacagta laga xayiray 139,401,183 Birr, waxa lagu eedeeyey Lacag dirid sharci darro ah.
Tog-wajaale: Cabdilaahi Axmed Faarax- Lacagta Laga Xayiray 61,334,947 Birr – Lacag dirid sharci darro ah
Bullae: Cabdillaahi Axmed Faarax – 30,931, 738 Birr- Lacag Dirid shari darro ah
Kefira: Mubaarig Xuseen Ismaaciil, 59,346, 672, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Xasan Axmed Cumar- 43,497, 317, Koontabaraan iyo Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Naasir Aadan Aw Cali- 32,345, 579, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- 29,058, 792,- Koontarabaan
Bullae: Nimcaan Maxamed Faarax- 28,308, 589- Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Cabdiqaadir Cismaan Xuseen- 25, 162, 422- Lacag dirid sharci darro ah
Bullae: Cabdishakuur Cumar Cali- 23, 034, 570- Ganacsi sharci darro ah iyo Lacag dirid sharci darro ah
Jehedin: Khasar Cismaan Xasan- 21, 731758 – Ganacsi Sharci Darro ah
Tog-wajaale: Mubaarig Xuseen Maxamuud – 16,067,377- Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Suhayb Awal Xasan – 15,501, 683- Ganacsi shari darro ah
Tog-wajaale: Amarre Faarax Cabdilaahi- 15,473, 980 – Lacag dirid sharci darro ah
Bullae: Xuseen Cumar Cismaan – 15,428, 697 – Ganacsi shari Darro Ah
Tog-wajaale: Khadar Saleebaan Nuur – 15, 268, 869- Ganacsi shari darro ah
Sulul: Ismaaciil Cabdilaahi Cumar – 14, 017, 308- Ganacsi sharci darro ah
Tog-wajaale: Cabdi Axmed Cabdalle- 11,880,433- Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Xuseen Cismaan Maxamed- 11,829, 512- Lacag dirid sharci darro ah
20-. Tog-wajaale: Iid Cali Cabdilaahi – 11,174, 175- Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi- 10,984, 041- Lacag dirid sharci darro ah
Harta-sheekha: Maxamed Baaruud Maxamuud- 9,509,210- – Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Maxamuud Axmed Muxumed- 9,222,444- – Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Cumar Xasan Muxumed – 7,252,395- – Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Maxamed Rashiid Yuusuf – 6,989,336- – Lacag dirid sharci darro ah
Tog-wajaale: Mukhtaar Jaamac Barkhad- 5,690,671- Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah.
Go’aankan Baanka Itoobiya soo saaray ee xayiraadda ah ayaa guux culus ka dhaliyay dalkaasi maalmihii ugu dambeeyey waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ganacsato kale ku daba jiraan oo ay doonayaan in ay tallaabadan oo kale ka qaadaan.

Garabkii Maleeshiyaadka Farmaajo oo la dalacsiiyey

Farmaajo oo dalacsiiyey Garabkiisii Maleeshiyadkii Mareexaan ee ku dagaalamay Gedo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa  min hal darajo dalacsiiyay Maleeshiyadkii Mareexaan ee garabkiisa ahaa, oo dhowaan dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad kale ee isla beeshaas ah degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cismaan Abokar Dubbe oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Difaaca, Cadaaladda iyo Saraakiil ciidan ayaa markii ay gaareen Degmada Beladxaawo gaarsiiyay ciidamada fariintii ay u wadeen, oo ahayd in min hal darajo la dalacsiiyay.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ay ku tiyoageen Beledxaawo ayaa ah u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, la kulanka maamulka Maleeshiyo beeleedka taageersan Farmaajo , qeybaha bulshada ku dhaqan Beladxaawo, waxaana ay kormeer ku sameen doonaan aagga hore ee Maleeshiyaadka Farmaajo ku suganyihiin iyo goobta lagu hayo maxaabiistii ay ciidamada ku soo qabteen duulaankii ay soo qaaden Ciidanka Jubbaland ee uu hoggamiyo C.rashiid Janan

Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay.

Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha.

13-ka Kursi Gobolka Banaadir ee mataaladda Aqalka Sare

Farmaajo oo saxiixay 13-ka Kursi Gobolka Banaadir ee mataaladda Aqalka Sare

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

DHAMMAAD

Xubnaha Jubbland iyo Puntland

Dowladdaha Puntland iyo Jubbaland oo shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka.

Puntland ayaa shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Puntland kuwaas oo kale ah:

Xubinta Gobolka Sanaag waa Caydaruus Axmed Faarax

:1 Cabdikariim Muuse Maxamuud

2 Muuse Cabdulqaadir Ducaale

3 Axmed Cabdi Maxamuud

4 Caynaanshe Yuusuf Xuseen

5 Caydaruus Axmed Faarax

6 Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

7 Farxiya Xuseen Maxamuud

8 Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashada Qaranka heer Dowlad goboleed ee Jubbaland.

Dowlada Jubbaland ayaa sii daysay liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashooyinka Qaranka ee heer Dowlad Goboleed oo kala ah:-

1. ?????? ??????? ??????

2. ????? ???????? ?????

3. ????? ????? ????

4. ?????? ?????? ???????

5. ??????? ??????? ????

6. ???????? ????? ????????

7. ????? ?????? ???????

8. ??????? ???? ?????