Beelaha la hayb sooco

Isaga oo xanuunsanaya ayaa xilka laga qaaday

Wasiir warfaafinta SNM,ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii TV-ga Beelaha Isaaq Maxamed Xasan Cali Waji.

Maxamed Waji,ayaa ku xanuunsanaya mid ka mid ah isbitaalada Hargaysa xiliga laga qaadayo xilka.Waji waxuu kasoo jeeda Beelaha la hayb sooco

Maxkmada ICJ oo diiday in dib loo dhigo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkmada ICJ oo diiday in dib loo dhigo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021″, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeedka arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.
Ra”isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomalaiya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono.
Maxkamaddu waxa ay shegetay in sidoo kale tiro xaddidan lo oggoalan doono inay hoolka maxkamadda joogana inta u socdo dhageysiga.

Beesha Caalamka Oo Ka Digay Inuu Dib U Dhaco Shirka 15ka Febraayo

Beesha Caalamka Oo Ka Digay Inuu Dib U Dhaco Shirka 15ka Febraayo

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheeyay in 15-ka bishaan Febraayo ka dhaco Magaalada Garoowe, Shirkaas oo lagu dhameystirayo hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar.

Hoos ka akhriso:

Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku shaqaynaya ku wada shaqwynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Qaraxii Ka Dhacay Isgoyska Sayidka Ee Muqdisho

Warar siyaado ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan oo ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay,hase yeeshee ma jiro tiro sax ah oo sheegeysa heerka uu gaarsiisan yahay.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa NOHA, waxana uu si xowli ah uu kusoo maray Isgoyska dabka Ciidamada dowladana ay rasaaseeyeen, haseyeeshee ugu dambeyn waxa uu ku qarxay goob lagu baaro gaadiidka lagu ee isgoyska sayidka.

Dadka ugu badan ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxa ay yihiin dad rayid ah oo qaarkood ay saarnaayeen mooto bajaaj.

Qaraxyada ayaa ka noqday magaalada Muqdisho kuwo caadi ah,iyadoo xalay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhaca agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, si gurmad loogu fidiyo dadka ku waxyeeloobay.

Diiwaan gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-Siinta Xirfadlayaasha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo daah furay Diiwaan gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-Siinta Xirfadlayaasha

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad  oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimqdeenna  oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.

Hambalyo Wariyaha Sanadka ee Radio Daljir

Mohamed Hassan Dhalo oo loo aqoonsaday wariyihii ugu wanaagsanaa ee Daljir sanadkii 2020

Weriyaha Idaacadda Daljir ee lagu magcaabo Maxamed Xasan Dhalo ee ugu hadalhaynta badan Soomaalida dhexdeeda dal iyo dibadba ayaa caawa lagu abaalmariyey wariyihii ugu wanaagsanaa ee Daljir sanadkii 2020 ka waxaana la gudoonsiiyey abaalmarinta koowaad ee wariyaha Sanadka Daljir (Journalist of the Year).

Munaasibadan waxaa ka qaybgalay masuuliyiin Dawladeed oo kala ah Gudoomiye kuxigeenka 2’aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiir kuxigeenka Haweenka Puntland Marwo Sahra Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Siciid Xasan.Geesta kale waxaa munaasibada joogey qaybaha bulshada, Khabiiro Saxaafadeed, bahda warbaahinta, Ururada bulshada, bahda Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada guud ahaan

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shir deg-deg ah

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga wada hadlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka 17 September.

Qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxay ku taageereen soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qeyb galayaasha, Beesha Caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay qoraalka ku sheegeen in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xilleedkiisa uu dhamaaday uuna shirka uga qeybgali karo kali ah musharax la mid ah musharaxiinta kale haddii uusan tartanka doorashada ka tanaasulin.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;