Maxaa ku dhacay Dhalaankii SNM

Adiga iyo Reerkiinaba anaa idiin ka Wakiil ka ah dawladda Federaalka

Inta badan Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya , gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa marka ay hor istaagan yihiin Warbaahinta beelaha Isaaq ee Soomaali inteeda kale neceb waxay warysigooda ku bilabaan ” waa isku tashateen, dhulkiina nabbad ayaa ka dhigateen, Dimoqraadiyad ayaa isku maamushaan, tusaale ayaa u tuihiin Soomaali inteeda , waxaad leedihiin Isimo fiican oo markaad is qabataan u laabataan, horumar ayaad gaadheen waana sababta AAD UGA QURUX BADAN TIHIIN SOOMAALI INTEEDA KALE.

Maanta laxankii hore ee dhagaysan jireen maamulka SNM ee khiyaaliga ahaa EE AAN WAXBA KA JIRIN mid ka duwan ayeey ka maqleen Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuuna u sheegay “in Waqooyiga Soomaaliya guud ahaan UU iSAGU wakiil uga yahay Dawladda Federaalka, taariikh ahaan degaanka uu ka soo jeedo uu yahay dhulkii Isticmaarka ka hor la oran jiray Somaliland.

Intaa ka dib Jabhaddii SNM waa isku dhex yaaceen waana isu habar wacdeen, si ay ugu qamaamaan Wasiir Jamaal

https://allsanaag.com/wasiir-jamaal-oo-gaaray-dhahar/

https://allsanaag.com/sawirka-maanta-4/

Siyaasiyiinta HAG oo isku cafiyey Shirka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka cilmi baarista ee Heritage.

Kenya oo marti-gelineysa diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee kasoo baxaya Itoobiya

Kenya oo marti-gelineysa diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee kasoo baxaya Itoobiya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay oggoshahay in waddamada reer galbeedku ay dalkeeda kusoo daadgurayn karaan shaqaalahooda diblamaasiyiinta iyo qalabkooda hadii ay dalalkaasi soo buuxiyaan sharuudaha ay dowadda Kenya ay ka doonayso.

Arrintan ayaa imanaysan xilli dowlado badan oo reer galbeed ah ay shaqaalahooda ugu baaqay inay ka baxaan Ethiopia sabab dhanka amniga ah ay qorshaynayaan inay u helaan dal saddexaad oo ay dajiyaan shaqaalahooda iyo muwaadiniintooda.’

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya, Mudane Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.

Qof abaarta awgeed ugu geeriyooday Galmudug

Qof abaarta awgeed ugu geeriyooday Galmudug

Kumuu ahaa Baashi Xoosh Jibriil oo lagu dilay Turkiga?

Allaha ha u naxariistee Baashi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Canada, gaar ahaan magaalada Toronto ayaa sida la sheegay ay tuugo ku dishay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marxuumka ayaa dadka ku cusub Canada iyo guud ahaan Soomaalida dalkaasi ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga, iyo dib u dejinta.

Soomaalida magaalada Toronto ayaa tilmaamay in Baashi uu ahaa qof muhiim u ah bulshada.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa Cabdifataax Aadan Warsame (Cabdifataax Marayare) oo ay marxuumka isla soo koreen, saaxiib dhowna ahaayeen ka wareystay geeridiisa, ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida ay kusoo gaartay geerida marxuumka?

Hop 134,

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay liiska 14 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1.#Hop028 Gaaljacel.

2.#Hop08 2 Ogadeen Cowlahan.

3.#Hop093 Biyamaal Dir.

4.#Hop107 Jidwaq Bartire.

5.#Hop108 Garjan.

6.#Hop111 Jareerweyne.

7.#Hop113 Jareerweyne Baajun.

8.#Hop114 Ogaden Bahgari.

9.#hop118 Baajun.

10.#Hop120 Dir.

11.#Hop126 Yantar,Mirifle,Raxaweyn.

12.#Hop134 Harti Warsangali.

13.#Hop203 Ogaden M.Zubeyr.

14 #Hop2017 Ogaden M.Zubeyr.

HOP#028: Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir
HOP#082: Xamza Sheekh Xuseen Colow
HOP#093: Sheekh Nuur Maxamed Xasan
HOP#107: Xaawa Maxamed Aadan
HOP#108: Maxamed Cali Cumar
HOP#111: Maxamed Nuur Iftin
HOP#113: Maryan Aweys Jaamac .
HOP#114: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan
HOP#118: Saqar Ibraahim Cabdalla
HOP#120: Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi
HOP#126: Maxamed Xasan Idiris
OP#134: Sahra Jaamac Cali Qoorsheel
HOP#203: Sahra Xaaji Xuseen Cali
HOP#217: Xasan Ismaaciil (Xasan Yare),