Qof abaarta awgeed ugu geeriyooday Galmudug

Qof abaarta awgeed ugu geeriyooday Galmudug

Kumuu ahaa Baashi Xoosh Jibriil oo lagu dilay Turkiga?

Allaha ha u naxariistee Baashi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Canada, gaar ahaan magaalada Toronto ayaa sida la sheegay ay tuugo ku dishay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marxuumka ayaa dadka ku cusub Canada iyo guud ahaan Soomaalida dalkaasi ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga, iyo dib u dejinta.

Soomaalida magaalada Toronto ayaa tilmaamay in Baashi uu ahaa qof muhiim u ah bulshada.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa Cabdifataax Aadan Warsame (Cabdifataax Marayare) oo ay marxuumka isla soo koreen, saaxiib dhowna ahaayeen ka wareystay geeridiisa, ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida ay kusoo gaartay geerida marxuumka?

Hop 134,

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay liiska 14 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1.#Hop028 Gaaljacel.

2.#Hop08 2 Ogadeen Cowlahan.

3.#Hop093 Biyamaal Dir.

4.#Hop107 Jidwaq Bartire.

5.#Hop108 Garjan.

6.#Hop111 Jareerweyne.

7.#Hop113 Jareerweyne Baajun.

8.#Hop114 Ogaden Bahgari.

9.#hop118 Baajun.

10.#Hop120 Dir.

11.#Hop126 Yantar,Mirifle,Raxaweyn.

12.#Hop134 Harti Warsangali.

13.#Hop203 Ogaden M.Zubeyr.

14 #Hop2017 Ogaden M.Zubeyr.

HOP#028: Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir
HOP#082: Xamza Sheekh Xuseen Colow
HOP#093: Sheekh Nuur Maxamed Xasan
HOP#107: Xaawa Maxamed Aadan
HOP#108: Maxamed Cali Cumar
HOP#111: Maxamed Nuur Iftin
HOP#113: Maryan Aweys Jaamac .
HOP#114: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan
HOP#118: Saqar Ibraahim Cabdalla
HOP#120: Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi
HOP#126: Maxamed Xasan Idiris
OP#134: Sahra Jaamac Cali Qoorsheel
HOP#203: Sahra Xaaji Xuseen Cali
HOP#217: Xasan Ismaaciil (Xasan Yare),

Duuliye Diyaaradeed oo been ah

Wuxuu iska soo dhigay Duuliye Diyaaradeed si u dhaafo safafka dhaadheer

.Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha.

Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa sameystay oo xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka, looguna oggolaado in uu ka gudbo albaabada la isku baaro.

Ninkan ayaa marka uu yimaado garoonka toos u geli jiray diyaaradda uu doonayo in uu ku safro, isagoo aanan wax baaritaan ah marin.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in sababta uu sidaas u sameyn jiray ay tahay in uu garoonka kala dhoofo alaabo laga yaabo in ilaalada garoonka ay qaban lahaayeen ama ay sharci darro tahay in lala dhoofo, sidaas na uu ku dhaafi jiray goobaha la isku baaro

Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International.

Arintan la mid ah ayaa Garoonka Diyaaradha Delhi ka dhacday bishii sagaalaad , markii uu nin 31 jir ah oo ka yimid gobolka Gujraat uu iska soo dhigay qof d’a ah oo 81

Another bizarre incident had happened in the Delhi airport in September, where a 31-year-old man from Gujarat was arrested for impersonating as an 81-year-old. 

Jayesh Patel wuxuu doonayey inuu New York diyaarad u raaci isaga oo iska dhigaya 81 jir lau magcaabo Amirik Singh

Madaxweyne Mustafa Cagjar” Soomaalida dad mucaarad ah oo Madaxweyne Farmaajo diidan inay Abiy Axmed u caroodaan ma ahan. ITOOBIYA inta uu Abiy joogay Soomaaliya lama faragalin”

Dib u dhaca doorashada waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya Golaha Wadatashiga Qaran

Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ka dalbaday guddiyada doorashada ee maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle inay muuddo 48 saacadood gudahood ah ay u soo gudbiyaan warbixin la xiriirta caqabadaha hortagan biloowga doorashada Golaha Shacabka ee maamuuladaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorshada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ‘sida ugu dhaqsiyaha badan’ u bilaaban doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

“Dib u dhaca ku yimaada doorashada, waxaa masuuliyadeeda qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran, oo siyaasiyan dhankooda uga xanniban tahay howshu” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaran inay gutaan masuuliyadooda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la raacayo habraaca iyo hannaanka howhada doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada”

War-saxaafadeedkan ayaa u qoranaa: