29th March 2024  admin  Category :

Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ka dalbaday guddiyada doorashada ee maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle inay muuddo 48 saacadood gudahood ah ay u soo gudbiyaan warbixin la xiriirta caqabadaha hortagan biloowga doorashada Golaha Shacabka ee maamuuladaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorshada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ‘sida ugu dhaqsiyaha badan’ u bilaaban doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

“Dib u dhaca ku yimaada doorashada, waxaa masuuliyadeeda qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran, oo siyaasiyan dhankooda uga xanniban tahay howshu” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaran inay gutaan masuuliyadooda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la raacayo habraaca iyo hannaanka howhada doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada”

War-saxaafadeedkan ayaa u qoranaa:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*