RW Rooble ayaa Bililiqada madax u ah

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya: “Ra’iisul Wasaaraha ayaa kamid ah madaxda Dhulkii Ciidamada Badda boobaysa” Waxa uu ku eedeeyey in uu sifo sharci darro ah kudhisanayo dhulkii ciidamada

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo dhulkii ciidamada badda, isla markaana uu si shakhsi ah guri uga dhisanayo.

“Raadiyihii aan ka dhageystay geeridii Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaan wali haystaa “

Nabadoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan waa 80 jir ku nool magaalada Baargaal oo ku taal Badda hinday gobolka Bari Puntland.

Axmed waa badmaax la socon jirey doonyaha iyo maraakiib isaga kala goosha wadamada Khaliijka iyo geeska Afrika, waxa uu tegey magaaloyin dhawr ah oo u badan kuwa Carabta.

Sannadkii 1978 ayaa Axmed tegey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga halkaas ayuuna ka gatay Raadiyaha.

”Waxaan ka gatey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, haddeer dhab uma xasuusto lacagtii layga siiyey oo riyaalo ahayd, waxaan markale oo ahayd 1982 gatay mid kale oo isaguna shaqaynaya haddii hadeer beytari lagu rido” ayuu yiri nabaddoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan.

Ciidamada TPLF oo isaga baxaya gobollada Amxaarada iyo Cafarta

Ciidamada TPLF oo isaga baxaya gobollada Amxaarada iyo Cafarta


Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda dhexe yaa isaga baxaysa gobollada waqooyi ee deriska la ah, taas oo ah tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad joojiin suurtagal ah dagaalka culus ee socday 13-ka bilood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega maanta oo Isniin ah.


“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.

Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka aheyn ay ka baxeen gobolkooda.

Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa waxa uu khalkhal galiyay gobolka geeska Africa oo markii horeba taag darnaa, iyada oo 60,000 oo qaxoonti ah galeen dalka Sudan, sidoo kalena sababay in ciidamada Ethiopia laga soo saaray dalka Soomaaliya oo ay dagaaladu ragaadiyeen iyo iyo inay colaadda kusoo silbadaan ciidamada waddanka deriska ah ee Eritrea.

Debretsion wuxuu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka Tigrayga, ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada, ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay dowladda in ay waddo go’doomin dhab ah – eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku ay wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama aysan hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidamadeenu ay duulaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayuu afhayeenka TPLF Getachew Reda u sheegay Reuters.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Baakistaan Mudane Shah Mahmood Qureshi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Baakistaan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.     

Deni oo lagu soo dhoweyey Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Mudane Axmed Cabdikaariye Qoorqoor iyo Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa wadajir ula hadlay Warbaahinta, waxaana Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen wufuuda ka kala socota Puntland, Galmudug iyo dadka kale ee halkan lagu martiqaaday.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, la taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

May be an image of 10 people and people standing
May be an image of 10 people and people standing

Puntland waa Taa hayaantay

Shirkadda Kebarco Construction CO. ayaa soo gabagabaysay dhismaha & dayactirka Buundooyin sideed ah oo dayactir lagu samaynayay saddex bilood ee u dambaysay.

Madaxda PHA & Wasaaradda howlaha Guud ee Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhamaystirka mashruuca Dayactirka Buundooyinka Garowe & Birta dheer oo ay dhisaysay Shirkada wadaniga ah ee Kebarco.

Gabagabada mashruucan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda PHA, Injineero kasocda wasaradda howlaha guud iyo madaxda shirkadda Kebarco.