Suldaan Siciid oo soo gaaray Garowe

haweeyay duleedka magaalada Garoowe Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Hay’adda PDRC oo maalmahan kulamo ay uga socdeen bulshada rayidka ah ee Puntland iyo waxgaradka, ayaa dadaal loogu jiray sidii loo u qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan magaalada Boosaaso, iyadoo guddi loo saaray arrintan ay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka inay door ka qaataan nabadaynta,

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

Baaq:   Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan

Baaq:   Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan mashaqada Boosaaso.

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) wuxuu aad uga xunyahay dagaalka ka dhacay Xarunta Ganacsi ee Puntland ee Boosaaso.

Golluhu wuxuu ka tacsiyaynaynaa dhamaan cidii ku wax yeelowday dagaalkaasi, cidii ku dhimatayna naxariis Eebe u rajaynayna, cidii ku dhaawacantay ciidan iyo shacabna u rajaynayna inuu boogaha Eebe dhakhso ugu dhayo.  

Shacabka Puntland waa dad wada dhashay oo ku caana ilaasashada nabadda iy dowladnimada.  Sidaa awgeed, Golluhu isagoo ka duulaya dareenka Shacabka guddo iyo dibabda, isagoo eegaya muhiimada ay leedahay ilaalinta amniga, midnimada iyo wadajirka Puntland, isagoo ka danqanaya marxaladaha xun ee abaareed iyo amni daro ee dalka ka jirta, isagoo ka xun in ciidankii halka dhinac kasoo wada jeeday ee u heelanaa difaaca Puntland ay cadaawad dhexmarto ayaa;

  1. Golluhu soo dhawaynaynaa xabad joojinta Dowladu ku dhawaaqday, anagoo rajaynayna in xal nabadeed oo waara laga gaaro mashaqadan.
  1. Waxaan hogaanka iyo ciidanka PSF usoo jeedinaynaa in ay u hogaansamaan dowladnimada iyo dhowrista sharciga, una turaan shacabkii ay shalay naftooda u hurayeen.
  2. Waxaan Dowladda iyo Hogaankeeda ugu baaqaynaa: in ay dulqaad dheeri ah muujiyaan,  shacabka ay hogaanka u hayaan u turaan, ayna magaalada halbowlaha ganacsi u ah Puntland amnigeeda iyo hantideeda ilaaliyaan.
  1. Waxaan Issimadda Puntland ugu baaqaynaa: inay doorkoodii odaynimo iyo maslaxo katalinta ee arintaan uga aadanaa gutaan, si cadaalad, dhex-dhexaadnimo iyo samo-ka-talis ku salaysana howshaan u galaan degdegna usoo afjaraan.
  1. Waxaan Bulshada reer Puntland ugu baaqaynaa: in ay u hiiliyaan talaabo kasta oo lagu adkaynayo degenaanshaha amniga iyo kala danbaynta Puntland, kuna boorinayna inay ka dheeraadaan caadifadda, colaad hurinta iyo hadaladda xanafta leh ee sii hurin kara colaad iyo khilaaf. 

Guddigga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada

Pdf.media@puntlanddiasporaforum.org – http://www.puntlanddiasporaforum.org

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa magacaabay guddi baar boobka la sheegay in lagu sameynayo dhulka ciidamada badda Soomaaliya, oo dadka lagu eedeeyey uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Maafiyo iyo Siyaasi mid ku sheeg!!!

Daawo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Isaaq oo sida maafiyada oo isa soo abaabushay u dhacaya doorashaddii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho. Haddad ogaan doontaa sababta afka iyo gafuurka loo soo duubtay

Image

Dhulka Uduga ma laba dawladood ayaa ka jirta?

Dad badan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ayaa hadda ogaaday inay maamulka Puntland uu ku dhex shaqaynayey maamul kale oo ka madax banaan, ka dhaqaale badan , kaas oo leh ciidan ka tayo fiican maamulkii ay horay Beeluhu u wada samaysteen ee Xaruntiisu ahayd Garowe.

Maamulkan ku dhex shaqaynayey maamulka Puntland ayaa waxa soo xukumayey ilaa 2004 qoyska reer Diyaano, oo ay dusha ka ilaalinayeen qaar ka mid ah Isimada beesha Majeerteen,

Dhowaan markii ugu horaysay ee madaxweyne Puntland isku dayey inuu xilka ka qaado taliyaha madaxa banaana ee ku dhex shaqaynayey maamulka Puntland, oo uu madaxweyne Deni sameeyey tanaasul oo uu xilka u magcaabay Taliyihii dadka ugu xigay, ayaa waxay dibadda keentay ib laba Dawladood ku dhex shaqeeyaan Dhulka Uduga.

Maxamuud Diyaano oo ah taliyaha diidan inuu xilka ka dego, ayaa waxa dhiiro gelintii ugu weyn ee ahayd inuu xilka sii haysto waxa siiyey qaar ka mid ah Isimada Puntland oo ka mushahaar qaata Ha’yaddiisa ka madax banaan dawladda Puntland.

Diidmaddii uu Maxamuud Diyaano diiday ayaa waxay sababtay dagaal ka dhaca Boosaaso oo galaaftay 20 qof, halka dadka dhaawacyadu soo gaareen ay gaarayaan ilaa 50 qof.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.

Nasiib darada ugu daran ee maanta Puntland ka jirta marka laga yimaado dagaalka dadku ku dhinteen ayaa waxay tahay in Sadex madaxweyne ee soo maray Puntland, Raisulwsaare hore, Isimo iyo dawladda federaalkuna ay xoojinayaan arinta ah Qoyska reer Diyaano ay maamulka Puntland ku dhex leeyihiin maamul ka madax banaan, oo siyasiyiinta iyo Isimada u badan beesha Majeerteen marka laga reebo madaxweyhii hore Cabdiraxmaan Faroole ay ka dhigayaan in laba maamul is hayaan.

Ugu danbayn Puntland labo maahee waa mid, waa Puntlandta ay beeluhu wada samaysteen 1998, waa Puntlandta u saamaxday in Qoyska reer Diyaano ku sugnaadaan Buuraha Cal madow oo ay ka taajitraan, una saamaxday inay maanta in badan oo Isimada iyo shacabka reer Puntland ay ku laaluushaan taageradooda. Hadaba sharaf dhac ayeey ku tahay Bulshada reer Puntland in Taliyihii laga qaaday ee amar diidka sameeyey, dagaalkana ku daray in laga dhigo maamul kale oo la mid ah Punt