29th March 2024  admin  Category :

Dad badan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ayaa hadda ogaaday inay maamulka Puntland uu ku dhex shaqaynayey maamul kale oo ka madax banaan, ka dhaqaale badan , kaas oo leh ciidan ka tayo fiican maamulkii ay horay Beeluhu u wada samaysteen ee Xaruntiisu ahayd Garowe.

Maamulkan ku dhex shaqaynayey maamulka Puntland ayaa waxa soo xukumayey ilaa 2004 qoyska reer Diyaano, oo ay dusha ka ilaalinayeen qaar ka mid ah Isimada beesha Majeerteen,

Dhowaan markii ugu horaysay ee madaxweyne Puntland isku dayey inuu xilka ka qaado taliyaha madaxa banaana ee ku dhex shaqaynayey maamulka Puntland, oo uu madaxweyne Deni sameeyey tanaasul oo uu xilka u magcaabay Taliyihii dadka ugu xigay, ayaa waxay dibadda keentay ib laba Dawladood ku dhex shaqeeyaan Dhulka Uduga.

Maxamuud Diyaano oo ah taliyaha diidan inuu xilka ka dego, ayaa waxa dhiiro gelintii ugu weyn ee ahayd inuu xilka sii haysto waxa siiyey qaar ka mid ah Isimada Puntland oo ka mushahaar qaata Ha’yaddiisa ka madax banaan dawladda Puntland.

Diidmaddii uu Maxamuud Diyaano diiday ayaa waxay sababtay dagaal ka dhaca Boosaaso oo galaaftay 20 qof, halka dadka dhaawacyadu soo gaareen ay gaarayaan ilaa 50 qof.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.

Nasiib darada ugu daran ee maanta Puntland ka jirta marka laga yimaado dagaalka dadku ku dhinteen ayaa waxay tahay in Sadex madaxweyne ee soo maray Puntland, Raisulwsaare hore, Isimo iyo dawladda federaalkuna ay xoojinayaan arinta ah Qoyska reer Diyaano ay maamulka Puntland ku dhex leeyihiin maamul ka madax banaan, oo siyasiyiinta iyo Isimada u badan beesha Majeerteen marka laga reebo madaxweyhii hore Cabdiraxmaan Faroole ay ka dhigayaan in laba maamul is hayaan.

Ugu danbayn Puntland labo maahee waa mid, waa Puntlandta ay beeluhu wada samaysteen 1998, waa Puntlandta u saamaxday in Qoyska reer Diyaano ku sugnaadaan Buuraha Cal madow oo ay ka taajitraan, una saamaxday inay maanta in badan oo Isimada iyo shacabka reer Puntland ay ku laaluushaan taageradooda. Hadaba sharaf dhac ayeey ku tahay Bulshada reer Puntland in Taliyihii laga qaaday ee amar diidka sameeyey, dagaalkana ku daray in laga dhigo maamul kale oo la mid ah Punt

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*