26th April 2024  admin  Category :

Baaq:   Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan mashaqada Boosaaso.

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) wuxuu aad uga xunyahay dagaalka ka dhacay Xarunta Ganacsi ee Puntland ee Boosaaso.

Golluhu wuxuu ka tacsiyaynaynaa dhamaan cidii ku wax yeelowday dagaalkaasi, cidii ku dhimatayna naxariis Eebe u rajaynayna, cidii ku dhaawacantay ciidan iyo shacabna u rajaynayna inuu boogaha Eebe dhakhso ugu dhayo.  

Shacabka Puntland waa dad wada dhashay oo ku caana ilaasashada nabadda iy dowladnimada.  Sidaa awgeed, Golluhu isagoo ka duulaya dareenka Shacabka guddo iyo dibabda, isagoo eegaya muhiimada ay leedahay ilaalinta amniga, midnimada iyo wadajirka Puntland, isagoo ka danqanaya marxaladaha xun ee abaareed iyo amni daro ee dalka ka jirta, isagoo ka xun in ciidankii halka dhinac kasoo wada jeeday ee u heelanaa difaaca Puntland ay cadaawad dhexmarto ayaa;

  1. Golluhu soo dhawaynaynaa xabad joojinta Dowladu ku dhawaaqday, anagoo rajaynayna in xal nabadeed oo waara laga gaaro mashaqadan.
  1. Waxaan hogaanka iyo ciidanka PSF usoo jeedinaynaa in ay u hogaansamaan dowladnimada iyo dhowrista sharciga, una turaan shacabkii ay shalay naftooda u hurayeen.
  2. Waxaan Dowladda iyo Hogaankeeda ugu baaqaynaa: in ay dulqaad dheeri ah muujiyaan,  shacabka ay hogaanka u hayaan u turaan, ayna magaalada halbowlaha ganacsi u ah Puntland amnigeeda iyo hantideeda ilaaliyaan.
  1. Waxaan Issimadda Puntland ugu baaqaynaa: inay doorkoodii odaynimo iyo maslaxo katalinta ee arintaan uga aadanaa gutaan, si cadaalad, dhex-dhexaadnimo iyo samo-ka-talis ku salaysana howshaan u galaan degdegna usoo afjaraan.
  1. Waxaan Bulshada reer Puntland ugu baaqaynaa: in ay u hiiliyaan talaabo kasta oo lagu adkaynayo degenaanshaha amniga iyo kala danbaynta Puntland, kuna boorinayna inay ka dheeraadaan caadifadda, colaad hurinta iyo hadaladda xanafta leh ee sii hurin kara colaad iyo khilaaf. 

Guddigga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada

Pdf.media@puntlanddiasporaforum.org – http://www.puntlanddiasporaforum.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*