Mowqifka Midowga Musharraxiinta

Mowqifka Midowga Musharraxiinta ee ku aaddan hannaanka sixidda doorashada waa in la taageero shirka Ra’iisul Wasaaruhu ku baaqay. Waxa Farmaajo xalay ku dhawaaqay waa waalli, mana aqbaleyno.

Desmond Tutu oo geeriyooday

Desmond Tutu oo ahaa halyay la dagaalamay midab takoorka oo geeriyooday

Baadari Desman Tutu, oo ku guuleystay abaal marinta biladda Nabadda “Nobel”, kaasoo gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika, ayaa geeriyooday isagoo 90 sano jir ah.

Taalibaan oo kala dirtay guddiyada doorashada Afghanistan

Taalibaan ayaa kala dirtay guddiga doorashada Afghanistan, kaas oo kormeerayay goobaha codbixinta ee maamulkii hore ee ay reer galbeedku taageerayeen, sida uu sheegay afhayeen u hadkay dowladda Taalibaan Sabtidii.

“Looma baahna in guddiyadani ay jiraan oo ay shaqeeyaan,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Taliban Bilal Karimi, isaga oo tixraacaya guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka (IEC) iyo guddiga madaxa-banaan ee cabashooyinka doorashooyinka.

“Haddii aan dareenno baahi loo qabo guddiyadan, Imaaradda Islaamiga ah ayaa soo nooleyn doonta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa guddigan IEC la asaasay sanadkii 2006, waxaana loo igmaday in ay maamulaan, ayna kormeeraan dhammaan noocyada doorashada, oo ay ku jirto doorashada madaxweynaha, sida ku cad bogga guddiga.

Karimi wuxuu sheegay in maamulkoodu uu sidoo kale bur-buriyay laba wasaaradood oo dowli ah toddobaadkan; Wasaaradda Nabadda, iyo Wasaaradda Arrimaha Baarlamaanka.

Wasiirka Amniga oo amray in uusan dalka ka bixi karin taliyihii Rooble ku eedeeyay ‘dhul boobka’

Wasiirka Amniga oo amray in uusan dalka ka bixi karin taliyihii Rooble ku eedeeyay ‘dhul boobka’

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amray in taliyaha ciidamada badda Soomaaliyaa Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir aanuu dalka ka bixi karin, sida ku cad qoraal uu goor dhaweyd soo saaray, kaas oo ku socday hay’adda socdaalka iyo booliska garoonka diyaaradaha.

Wasiirka ayaa sida uu hadalka u dhigay, sheeegay, in General Dirir loo heysto ‘eedeymo iyo xad-gudubyo waaweyn ee uu ku kacay, sida ku xad-gudubka madaxda qaranka’,isla markaana uu qorsheynayo inuu dalka si deg deg ah uga baxo.

Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa muuqaal Isniintii la siiyey warbaahinta ku sheegay in saraakiil sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda.

Waxa uu sheegay dhulkii ciidanka loogu talogalay in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay.

This image has an empty alt attribute; its file name is 2B9617FC-95B5-4623-BC35-50B5E06F17B3_w650_r0_s.png

Diyaar ayaanu u nahay shirka Wadatashiga

Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Qaramada Midoobay oo u hoggaansantay amarkii dowladda Soomaaliya

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go’aankii dowlada Soomaaliya ay ku xirtay qeybta ay ka isticmaalaan garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON, waxayna sheegeen in laga bilaabo maanta ay joojiyeen isticmaalkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay Qaramada Midoobay.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin.” ayuu sii raaciyay Bayaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay ka xuntaha, waxa ay ugu yeereen xiritaan ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin, waxayan sheegeen inay wadahadallo la arrintaan kala yeelanayaan madaxda dowladda.

“Qaramada Midoobay waxaa weli ka go’an wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay jiraan carqaladahan ka dhan ah hawlgalka.” ayaa lagu soo gaban-gabeeyay war-murtiyeedka Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay xirtay qeybta garoonka ee ay isticmaalaan shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay, diblomaatsiyiinta, sida ku cad qoraalkan.

Rooble oo u jawaabay Farmaajo

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo saarey war saxaafadeed, kaasoo uu kaga jawaabayo war kasoo baxey maanta aroortii hore xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa sheegay in aanu aqbaleyn in murashax gaar ah uu ku takri falo hanaanka doorashada.

“Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in qoraalka uu soo saarey uu uga gol leeyahay in lagu wargaliyo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba iney la socdaan halka xaaladdu ay mareyso.

Farmaajo ayaa warqad xalay xafiiskiisa lagu baaqay in la isugu yimaado shir wadatashi, si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacda.

Xaashaaye Nin libin kaa Xasdiyey,Xumihii waa Yaabe.”

In badan oo idin ka mid ah, waxaad maqashaan Soomalidu waa dad ilbax ah, waa dad ganacsiga ku wanaagsan, waa kuwo wax walba ku wanaagsan, laakiinse ay ku adag tahay inay iyagu is maamulaan.

Waa kugu adkaanaysaam sababta arintan keentay inaad ogaato waxay atahay ilaa aad Baaritaan ku samayso siyaasaasiyiinta iyo beelaha Soomaaliya qaarkood sida ay u dhaqmaan

Tusaalaha ugu fiican waa tan maanta ka taagan Puntland, intaan dagaalku bilaaban iyo intii uu socdayba Suldaanka Beesha Warsangeli, wuxuu waday dhex dhexaadin labadii dhinac ee iska soo horjeeday, waana ku guulaystay inuu ka midho dhaliyo.

Markii la wadda arkey inuu Midho dhalayo Dedaalkii Nabadeed ee Suldaanka guud ee Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,ka dhex waddey Siciid Deni iyo er Diyaano , ayaa Siyaasiyiintii iyo Isimaddii Reer FAAN JECEL, sidii tusbax furtey hal mar keliya isku soo wadda shubeen Magaaladdii . “

Xaashaaye Nin libin kaa Xasdiyey,Xumihii waa Yaabe.”Majeerteenka maanta wadda xiiqsani Ma Xaramkay ka soo Cimreysanayeen oo ku maqnaayeen shalay markii Deni iyo Ina Diyano Madhaafiicda iyo Hoobiyaha ku garaacayey Magaalada Boosaaso, ee Suldaanka Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, keligii qaylinayey ee lahaa “WAR TOLLOOW COLKA JOOJA” ..?

Siyaasiyiinta Majeerteen ayaa horay u ahaa kuwa aan dabka kala qaadan, sidoo kale sadexda Isimim ee Maxamuud salebaan ayaa iyaguna aan haba yaraatee ayna ka dhaxayn wada shaqayan , kuwaas oo kala ah Boqorka beesha Cismaan Maxamuud, iyo islaamada Ciise iyo Cumar Maxamuud.

Midowga Musharaxiinta Hawiye

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember. Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kulanka lagu wado in 27ka bishan ka dhaco Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta xilka guddoomiyaha doorashooyinka heer federal Maxamed Xasan Cirro xil ka qaadis lagu sameeyay isla markaana dhawaan eryay xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

midowga musharaxiinta oo cadeeyay mowqifkooda guddiyada doorashada