Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Soomaaliya

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Soomaaliya

War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dalalka iy hay’adaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa walaac loogaga muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay madaxda dalka in la qaboojiyo xiisada isla markaana diirada la saaro arrimaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ay sida wadajir ah u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Khilaafka madaxda dowladda iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira Muqdisho

Khilaafka madaxda dowladda iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira Muqdisho


Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoo ciidamo la sheegay in kasoo horjeeda madaxweyne lagu arkay meel ku dhow isgoyska dabka ee Maka Al-Mukarrah.

Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo iyaguna goor dhaweyd shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ciidamada dowladda iyo ha’adaha ammaanka uga digay inay ku milmaam arrimahaa siyaadasadda iyo khilaafka, iyaga oo ugu baaqaay ilaalinta amniga iyo kala dambeynta.

Waxay sheegeen in ciidamo ka amar qaata madaxtooyada ay soo weerareen xafiiska Ra’isul Wasaaraha, laakiin qaar ka mid ah isla ciidanka dowladda inuu ka horyimid waxay igu yeeree ‘afgambi.

Xubno ka tirsan midowga Musharraxiinta oo ay ka mid yihii Cabdikariin Guulee iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa iyaguna kulan goor dhaweyd la qaatay Ra’isul Wasaare Rooble.

Bulshada Rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka miijisay marxaladda cusub ee uu dalku galay, iyaga oo ugu baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo.

Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo UK ayaa dhinacooda ka dhigay rabshado ka dhasha khilaafka madaxda Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in ay dalka badbaadiyaan isaga oo sheegay inuu yahay Tabliiqi Nabadeed.

“Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo taageeray Shirka Waratashiga Qaran ee uu ku baaqay R.W Roble

Safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shaaciyay in ay taageersanyihiin Shirka Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco todobaadkaan.

War kooban oo lagu daabacay barta tiwitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay,” In Mareykanku uu sii wadayo taageeridda Shirka Wada-tashiga Qaran ee lagu wado in todobaadkaan uu ka dhaco Muqdisho.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wadahadallada madashan ay muhiim u yihiin dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka qaladaadki dhacay”.

Sidoo kale safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa iyaduna taageertay shirkaan, kaddib qoraal rasmi ah oo barteeda twitter-ka ay ku faafisay caawa safiirka Britain u fadhida Soomaaliya, Kate Foster. Waxay sheegtay in shirkan muhiimka ah uu yahay halka lagu xallin karo cabashooyinka iyo arrimaha jira.

Haddaladaan waxay ka danbeeyeen, kaddib marki ay saacadihi lasoo dhaafay hadallo kul-kulul is-weydaarsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble, kuwaas oo wali isku khilaafsan arrimaha doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa dhawaan ku baaqay in 27-ka Bishan December oo ku beegan berri ay madaxda madasha wada-tashiga qaran isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo dardargelinta doorashooyinka. Laakin, Madaxweyne Farmajo ayaa xalay isna dhankiisa uga dhawaaqay shir kaasi ka duwan.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in ra’isulwasaaraha uu gabay howlihi loo igmaday ee socodsiinta hannaanka doorashada. Ra’isulwasaare Rooble ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan u joojineyn howlaha qaran, war kasoo baxay musharrax ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashada.

Jubbaland oo taageertay shirka RW Rooble iclaamiyey

Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha Doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Waxaa meel Wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan Doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si Wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Waxaan diyaar u nahay ka qeybgalka shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed. 

Koonfur galbeed kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha

KGS kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha

Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.