Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal beeleed shalay ka dhacay tuulada Saax-meygaag ee gobolkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beelood ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Nugaal.

Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa waxaa shalay la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla degmada Boocaame ee gobolka Sool.

Garowe online iyo dagaalka Nugaal

Websitka Cabdiraxmaan Faroole oo qoray in Dhulbahante yihiin Somaliland

Websitka Garowe Online , ee uu asaasay madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, xilligii uu ahaa Wasiirka maaliyadda Puntland, markii danbena ay isaga iya Caruurtiisu wada qorayen. ayaa Dacaayad raqiis ah oo wax loogu dhimayo beesha Dhulbahante ku soo daabcay websitkooda.

Dagaalkii maalmahan ka socday gobolka Nugaal ee u dhaxeeyey beel ka mid ah beelaha Dhulbahante iyo Beesha Cabdiraxmaan faroole ka soo jeedo ee Ciise maxamuud ayeey waxay ka dhigeen in dagaalkaasi u dhaxeeyo laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo Puntland. Iyaga oo ka dhigaya in Beesha Dhulbahante ay yihiin Somaliland oo Jabhadka ama abtigood ina Kaahin uu wakiil ka yahay.

Dagaalka ka socda Nugaal, waxa u dhaxeeyaa waa dad walaalo wada dhashay oo wada dega, isba dhalay oo wada reer Puntland ah, sidaas ayeey Bulshada reer Puntland waxay u arkaan oo ka wada shaqaynayaan nabadaynta iyo xabbad joojinta dagaalka dadka badani ku dhinteen . Qoyska reer Faroole iyagu sidaa si ka duwan ayey aamnisan yihiin iyo in beesha Dhulbahante ay Somaliland yihiin.

Rooble oo kulan la qaatay maamul goboleedyada

Ra’isul wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Oo Amray In Ay Ka Baxaan Ciidamada NISA Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Amniga Oo Amray In Ay Ka Baxaan Ciidamada NISA Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa taliyaha KMG ah ee hay’adda Nabad Sugidda Yaasiin Farey ku amray in wixii maanta ka dambeeya aysan garoonka Muqdisho ka shaqeyn karin ciidanka NISA iyadoo guud ahaan amniga garoonka lagu wareejiyay ciidanka booliska Soomaaliya.

R/W Rooble oo Guddi heer Wasiiro ah u magacaabay baarista isku daygii Afgambi

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo doorka Xukuumadda uga aadan ka mira dhallinta doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qeyb gelaya shirka golaha wadatashiga qaranka

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan oo dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”

 Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimuu oo war ka soo saaray shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa sheegay in maalaha soo socda uu shirkaasi ka furmayo Muqdisho, isla markaana ay joogaan madaxda afar mamul goboleed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan oo dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”