Lamaane kala tegay oo ku guulaystay 44 million.

Lamaane is qabay oo kala tegay oo saaxiib wanaagsan noqday ayaa ku guulaystay $44 million.

Nin iyo Xaaskiisa oo horay isku qabay magaalada Toronto ee dalka Canada , oo hadda saaxiibo isku fiican ah markii ay kala tageen , ayaa ku guulaystay $44 million doolar markii akhamaar ay ciyaareen

Elizabeth Lumbo iyo ninkeedii hore Arlene Lumbo ayaa mid walba helayaa $22,011,636

Lamaanahan Khamaaray waxay sheegeen in numbarada dhalashadooda iyo d’adooda ay xulan jireen marka ay khamaarayaan. Intii Covidku socdayna ay ciyaarayeen

Tiraddii ugu danbaysay ay xusheen oo ay lacagta ku heleen ayaa ah 2-13-15-19-38-39-46 , waxayna ka iibsadeen Dukaan ku yaal jidka Sheppard Avenue , Scarborough ee magaalada Toronto

Mataano dhashay labo sano oo isku xiga

Mataano ku dhashay Cisbitaal ku yaala gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa dhalashadooda waxa u dhaxaysay 15 daqiiqo, sidaasna waxay ku noqdeen inay labo sano kala dhashaann.

Alfredo Antonio Trujillo wuxuu dhashay 23:45 Waqtiga magaaladaas (07:45 GMT) habeenkii uu sii dhamaanayey sanadkii 2021.

Walaashiis Aylin Yolanda Trujillo iyana waxay dhalatay 15 minute ka dib 1 January 2022.

Hooyadood Fatima Madrigal ayaa sidan sheegtay ” waa yaab in labadayda Caruura ee mataanaha ah ay yeelanayaan labo dhalasho oo kala duwan

Wang Yi oo soo gaaray Eritrea

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Shiinaha Wang Yi iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa caawa ka dagay Caasimada Eritrea ee Asmara. Wang, ayaa booqasho laba maalin ah ku joogi doona Dalka Eritrea.

Wafdigan Shiinaha ah ayaa Garoonka Asmara waxa ku soo dhoweeyey wasiirka arimaha dibadda Osman Saleh iyo madax sare ee dalkaas

Wafdiga Shiinaha ayaa kuklan la yeelan doono Madaxweynaha Eritrea Asaias Afwerk iyo Madaxda kale ee Dalkaasi.

shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad

shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleeyada ayaa maanta la kulmay diblomaasiyiinta beesha caalamka magaalada Muqdishu.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka wadahadleen dardargelinta doorashooyinka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gabagabeeyo doorashada, sida lagu sheegay barta twitterka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in turxaan bixinta doorashada lagala tashanayo dhinacyada ay khusayso, sida midowga musharixiinta, bulshada rayidka, haweenka iyo daneeyayaasha kale.

Shirkan ay leeyihiin Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay ka furmay Muqdishu xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ras’iisul Wasaare Rooble.

Rooble oo la kulmay Bulshada Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Axmed Karaash oo gaaray Saax maygaag iyo Sankaja

Madaxwayne Ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karash iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Degaanka Saaxmaygaag iyo Sankajabiye.

Waxaa soo gaadhay maanta deegaanka Sango-jabiye oo ka mid ah dhul daaqsimeed beelo walaalo ah dirir ku dhexmartay wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,kuwaas oo deegaanada Sango-jabiye iyo Saax Maygaag sii joogi doona maalmaha soo socda,illaa iyo inta la gaadhayo heshiis rasmiya oo lagu soo afjarayo colaada u dhaxaysa beelo walaalo ah.

Waftiga Madaxweyne kuxigeenka waxaa kusoo dhaweeyay Sango-jabiye qaar ka mid ah Issimadda Gobolka Sool, Cuqaal iyo bulshada deegaanka,waxaana dhexmaray isla maanta kullamo lagu gaadhey arrimo ay ka mid yihiin xabad joojin iyo in loo diyaar-garoobo bulshada labada dhinac-ba wada hadal iyo heshiis lagu soo afjarayo colaada dhiiga Sokeeye ku daadanayo.

May be an image of 5 people, people sitting and outdoors
May be an image of 13 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people sitting and outdoors
May be an image of 8 people and people standing
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting and outdoors
May be an image of 12 people, people sitting and outdoors

RW Rooble oo Shir gudoomiyey shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Shiraka oo ay ka qayb galayaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

 Madaxda Golaha wadatashiga ayaa shirka inta uu soconayo ka doodi doono caqabadaha haysta doorashooyinka iyo sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha doorashooyinka oo la dhaafay xiligii horay Golaha ay ku hishiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo doorashooyinka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa.

Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay inshaAllaah.