Ceelkii reer Qablan oo lagu liibaanay

Odayaasha magaaladda ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa Dowladda Puntland iyo hay’addaha samafalka ka codsadeen in laga caawiyo waxyaabaha ka dhimaan ceelka riig ah oo magaaladaas dhowaan laga hergeliyey una baahan haanta keydka biyaha iyo waastooyinka ay xooluhu ka cabaan taas oo xoolo gaaraya 7000 ay maalin walba ka cabaan

Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:

Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

2. Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay danjiraha Imaraadka Carabta oo booqasho ugu yimid

Calanka Wasiirka dhinac yaal ma khalad ayuu ku yimid.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ahayd Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan, oo booqasho sharafeed ugu yimi.

Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.

Falanqaynta Afartii sano ee Farmaajo xilka hayey

wa idin salaamay Bahda Allsanaag iyo umadda Soomaaliyeed. Qore Jaama Jaama

Marka hore waxaan rabaa inaan guto waajibaka saaran oo aan muujiyo qaderinta iyo jecaylka aan u hayo xafiiska madax-weynaha somaliyed, waayo waa astaanta labaad ee ummadda somaliyed, marka laga yimaado astaanta koowaad calanka ummadda soomaaliyeed.

Madax-weynaha ummadda Soomaliyeed waa ruux u adeega umada soomaaliyeed baahideeda dibadda iyo gudahaba, waajibkaa saaran sida uu u guto madax-weynuhu bay ku xidhantahay inta uu sii haynayo madax-tooyada ummadda Somaliyeed. Sidaa daraadeed ruux kasta oo soomaaliyed xaq buu u leeyahay in uu miisaamo wax qabadka madax-weynaha iyo maamulkiisa.

Anigoo muwaadin Soomaliyeed ah waxaan rabaa inaan idin la wadaago aragtidayda ku aadan maamulka hada ka jira Soomaaliy ee uu hogaamiyo mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, anigoo keliya ku dhaygagaya danta guud ee umada somaliyed.Markii madax-weynaha loo doortay Maxmed Cabdilaahi Farmaajo FEB, 8 2016, ray-rayn iyo rajo fiican bay u muujiyeen shacabka Somaliyeed madax-weynohooda cususub Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, farxadaa iyo rajadaa waxaa muujiyay dad badan oo ugu caansanaa mudane Cabdilaahi Daanyeerow iyo hal-ku dhegiisii ar “Farmajo ii geeya”, Cabdilaahi oo hada ka mid ah shaqaalaha dawladda.

Hadaba afar sano ka dib xagee buu ku danbeeyay jacaylkii iyo rajadii ay dadka Soomaaliyeed u muujiyeen Farmaajo. ma qaraxyada is daba jooga ah ee Muqdisho ka dhaca baa dilay rajadii iyo jecaylkii, mise waa uun dhaawace weli waa jirtaa.

Ma dhoofintii iyo dhiibidii Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi dhagax bay raacaday oo rajadii jeel Ethiopia ku yalay ku dhimatay, mise dagaalkii ka dhacay Tukaraq ee uu madaxweynuhu diyaarada ka raacay oo dadka badan ku dhinteen baa rajadii iyo jecaylikii ku dhinteen, mise maba dhimane dadkii lagu laayay Baydhabo ee sababay in laga eryo Soomaaliya ergeygii hore ee Qaramada midoobay Mr Nichols Haysom baa rajadii hore u sii qaatay, mise lama qaadane rajadii waa dhawac la xidhan Rooboow . Mise cuna qabatayntii dawladda dhexe saartay Juba-land bay rajadii ummaddu macaluul ugu dhimatay, mise waxayba rajadii iyo jecaylkii ku xayiranyihiin xuduudka u dhexeeya Keenys iyo Somalia. Mise maba xayirne, iyadoo caafimaad qabta waxay ku nooshay caasimada Galmudug ee Dhuuso-mareeb .

Mise rajadii iyo jecaykii waxay xiriir cusub la sameys-teen Raisul wasaarihii hore Casan Cali Khayre. Mise madax-weynayaasha yar-yar baa madax-weynaha madaxa u galay, oo rajadii iyo jecayl-kiiba kala baxay madaxa madax-weynaha. Mise lalama bixine waxay la jaah-wareertay shacabka Sool iyo Sanaag, ka dib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu meel fagaare ah ka sheegay in dhibaatooyinka ku xeeran shacabka Sool iyo Sanaag aanay isaga khusayn.

Mise rajadii ummadda soomaaliyeed waxaa isu tuurtuura E Ethiopia, Kenya,Qadar, Saudi Arabia, United Arab Emirates, Egypt iyo Uganda.

mise sida ay muujinayaan shirarka ka dhaca samo-reeb casimada Galmudug rajadii iyo jecaylkii umaddu wuxuu isu bedaly sidii dilaaliin isku laynaya adhiga lasoo wado cidii iibin lahayd lacagahaa adhiga lagu kala gadi doono waxay ka la yimaadaan Eemirates, Qadar, Kenya, Eithopia iyo Muqdisho.

Mise mar har hadii calaamadihii qaran aanay jirin sida xuduud lacag midnimo iyo dastuur aanu dalka Soomaaliyeed lahayn madax-tooyada Soomaaliyeed waxay noqatay meesha uu fadhiyo dilaalka ugu weyn dilaaliint yaryar. Madaxweynuhu wuxuu taaganyahay Ariga Gedo laga keeno anaa iska leh, Ariga Garbaharayna qoor-qoor baan u daayay, madax-weyne qoor-qoor ba yeeshaye Maxaad Axmed Islaan ku diiday? Ariga xamarna? Ariga Deni bal isna ka waran? Bal lafta-gareen arigiisu waa side?

Soo noqotaye, maxaad keentay.

Lagu dooraye, yaad meteshaa.

Ku dhaarataye. Ma taqaan.

Shirisaye, maxaad sheegtay.

Lebisataye, yaad u egtahay.

Aamustaye, maxaad soo wadaa.

dheregtaye maxaad cuntay.

Tegiweydaye, yaa ku casumay.

Waxaan jeclaan lahaa in mudane Cabdilahi Daayerow, afar sano ka dib in la warsado sida rajadiisii u xoogaysatay ama u wiiqantay, waayo wuxuu ka mid yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo xaqa u leh inay u kuur galaan sida ay madaxtooyada Soomaaliyed u maaraynayso danta ummadda.

Waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sool iyo Sanaag oo dhibaato naf iyo maalba leh oo aad u tiro badan ay ka soo gaadhay xorayntii soomaaliya aanay ka mid noqon doonin siyaasada deyeysan iyo dilaalnimada madaxtooyada farmaajo afar oo kale.

Waxa qoray Jaama Jaama

ALLSANAAG.COM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda aynu saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

wasiirka arrimaha diabadda oo la kulmay safiirka shiinaha
wasiirka arrimaha diabadda oo la kulmay safiirka shiinaha

Shil gaari oo maanta ka dhacay Garoowe

2 qof ayaa ku dhimatay 8 kalane waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka bari ee Garoowe gaar ahaan halka looga leexdo Garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Shilkan oo  Sababay kadib markii ay isku dhaceen bas ka mid ah kuwa,isaga kala goosha Gobalada kala duwan ee Puntland iyo gaari yar oo nooca ay Soomaalid u taqaano pilet ah.

Shilalaka gaari ayaa inta badan waxaa sababay burburka waddooyinka iyo darawalada Soomaaliyeed oo aan laheyn xirfadda gawaari wadista .

Awr kiraalaha aan sumcadda fiican lahayn

Wasiir Jamaal oo u jawaabay Awr kiraalihii aa sumcadda fiicn lahayn ee Sheegay inuu Beel Soomaaliyeed aqoonsi la raadinayo

Wasiirka Qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Indonsia oo yeealatay caasimad Cusub

Baarlamaanka Indonisa ayaa u codeeyey in laga guuro caasimaddii hore ee dalkaas ee Jakarta, loona guuro caasimad cusb ee  Nusantara

Magaca caasimadda cusub ayaa afka dalkaas waxa lagu yiraahdaa archipelago oo la macno ah Jazeerado iski xiran.

Dalal badan oo aduunka ka mid ah ayaa bedelay Caasimadahoodii hore baahi jirta awgeed, halka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu dilay dhowr boqol oo kun oo qof, dawlad kasta oo timaadana lagu dumiyo ayaa ilaa hadda laga hadlin halkii looga guuri lahaa

https://allsanaag.com/caasimad-soomaaliyeed/