29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda aynu saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

wasiirka arrimaha diabadda oo la kulmay safiirka shiinaha
wasiirka arrimaha diabadda oo la kulmay safiirka shiinaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*