Maxkamadda Gobolka Banaadir: “Lama bixin karo lacagta Imaaraadka”

Maxkamadda Gobolka Banaadir: “Lama bixin karo lacagta Imaaraadka”

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ay maanta soo saartay ku sheegtay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde bishii April ee 2018-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka Carabta, isaga oo Abu Dhabi ka raali geliyey dhacdadii lagu qabtay lacagta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lacagtaas aan laga saari karin Bankiga Dhexe, isagoo ku sababeeyay inuu baaritaan ku socdo.

Warqaddan ayaa ku soo beegmeysa Xilli Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah.

Wafdigii RW Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey Abu-Dhabi

Wafdigii RW Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey Abu-Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo ay ku qaabileen madax sare oo ka tirsan dalkaas.

Qoraal kasoo baxay xafiiska R/Wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in ujeedka booqashadan uu yahay mid lagu sii xoojinayo xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Xuud oo faah faahin ka bixiyey wada-hadallada DF iyo xiisadda Beledweyne

Xuud oo faah faahin ka bixiyey wada-hadallada DF iyo xiisadda Beledweyne

General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan xaaladda HirShabelle iyo ujeedka socdaalkiisa ee magaalada Muqdisho.

Xuud ayaa sheegay inuu wada-hadal kula jiro dowladda Soomaaliya, isla-markaana uu kulan la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, Farmaajo, si loo soo afjaro xiisadda.

Sidoo kaloe wuxuu soo hadal qaaday xaaladda haatan ka taagan magaalada Beledweyne iyo ciidamada dhowaan la geeyey magaaladaasi, wuxuuna sheegay in ciidamadaasi lasoo celinayo, haddii ay u shaqeyn waayaan si Soomaalinimo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa hadduu Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,” ayuu yiri.

Saraakiil lagu dilay Muqdisho

Muqdisho waxaa lagu dilay Axmed Cabdilaahi oo ka soo jeeday degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer

Saraakiil ka soo jeeda beesha Dhulbahante ayaa Muqdisho lahu dilay

Sarkaalkan oo ka tirsana Haramcad ayaa hada ka hor ka badbaaday dil isago xiliga dhaawac culus soo gadhay balse mar kale.maanta ayaa lagu weeraray Gudaha.Muqdisho.

Sarkaalkii labaad ee ka soo jeeda Buuhoodle ayaa muddo ka yar 24 Saacadood lagu Dilay magaalada Muqdisho, ma jirto cid laamaha amniga ee magaalada Muqdisho soo Qabteen.

Xasan Deeq Cali ayaa Sidoo kale Gacan xaqdarin ku Dishey Muqdisho.

Ninkan Shaqadii loo Dirsaday ha Fuliyo

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jayte, ayaa taageeray ciidanka la keenay magaalada Baladweeyne. Hadaba, ciidanka la geeyay magaalada Baladweeyne ayaa waxaa siyaasad ka dhexdayey shaqsiyaad aan dalka iyo dadka dantooda ay kalla weeyn tahay, balse eeganaya dannahooda gaarka ah.

 Intooda badan shaqiyaadkaas siyaasadda ka dhexraadinya ciidanka waa kuwo aan reer Hirshabeele iyo iyo reer Hiiraan aan waxba ugu fadhin, waxaana ka mid ah Sanbalooshe, Goodax Barre, Waare, midoowga musharixiinta iyo kuwo kale oo la mid ah oo iyagu ah shaqsiyaad siyaasadda ku haftay.

Wuxuu yiri Guddoomiye Jayte, “Ninka dhahaya ciidanka halaga soo celliyo Baladweeyne, war Guriceel maxaa ka dhacay? Ma Alshabaab baa joogtay? Soo waxaad oggeed kama dhicin. Welli Roobloo ka hadlaya oo leh ciidanka hala soo celliyo ma aragteen? ciidanka federaalka waxeey joogaan Koonfur Galbeed, waxeey joogaan Jubaland, waxeey joogaan Galmudug, Jowhar ayeey joogaan oo welliba iyaga oo dabbaabaad wata, kuwa Baladweeyn la keenay waaba ciidan lug ah oo aan dabbaabaad wadan, kuwa Jowhar jooga ee dabbaabaadka wata ma wax dhibaato ahaa ka jirta? Why ciidanka Baladweeyne la keenay gollaha wasiiro loogu fariisinayaa?” Ra’iisal Wasaare Rooble iyo shaqsiyaadka kalle ee ciidanka Baladweeyne la geeyey ka hadlaya dhamaantood ayaa ah shaqsiyaad siyaasadda ku dhex haftay.

Guddiga doorashooyinka K/Galbeed oo shaaciyay kuraasta dhawaan lagu dooran doona Baraawe

Guddiga doorashooyinka K/Galbeed oo shaaciyay kuraasta dhawaan lagu dooran doona Baraawe

Guddiga hirgelinta doorashada Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,  ayaa shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya deegaan Doorashada labaad ee loogu tala galay in ay ka dhacdo doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

13- Kursi oo taalla magaalada Baraawe ayaa lagu waddaa in doorashadooda la qabto todobaadka soo socda sidda ay shaaciyeen guddiga.

Qoys qabow dily

Qoyskan ka soo jeeda Hindiya Jagdish Patel, 39 jir ah , Vaishailben Patel, 37 jir ah, iyo caruurtooda , Vihangi, 11 jir ah , iyo Dharkmik, 3, ayaa dhaxani ku dishay xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Canada. Qoyska ayaa doonayey inay dhuumasho iyo lug ku oo galaan Maraykanka

Habenkaas ayaa cimilda hawada ama qabowgu ahaa -35C. Gaari jabay oo ay ka soo lugeyaan lama arag, sidaas awgeed waxa loo malaynayaa in Canada laga soo tahriibiyey oo la soo qaaday