Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa

Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta  aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar,  Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay sameeysay Abaarta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbalan oo uu kamid yahay  Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka  Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland.

RW Rooble oo hey’adaha samafalka Imaaraadka ka dalbaday inay u gurmadaan

RW Rooble oo hey’adaha samafalka Imaaraadka ka dalbaday inay u gurmadaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi, kula kulmay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo Hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee Abaartu saameysay.

Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowladooda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha  ayaa waxa kamid ah Wasiirada waxbarashada, Amniga iyo xubno kale, ayaa waxaa ay sii wadi doonaan kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan Madaxda dowlada Imaaraadka Carabta.

Dhaxal Sugaha Abu-Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Iyo Raiisalwasaaraha Somalia

Dhaxal Sugaha Abu-Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Iyo Raiisalwasaaraha Somalia Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal.

Dhaxal Sugaha Xukunka Imaaradda Abu-Dhabi Ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada Imaaraatka Sheekh Maxamed Bin Zaayid ayaa maanta la kulmay raiisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraatka iyadoo uu kusoo dhaweeyey majliska Qasral Baxar.

Sida lagu sheegay warbaahinta dalka Imaaraatka Sheekh Maxamad Bin Zaayid iyo Rooble waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii loo horumarin lahaa hab faaiidu ugu jirto danaha ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha.Waxa kale oo ay isla soo qaadeen dhawr arimood oo kale oo labada dhinacba danaynayaan.

Sheekh Maxamad Bin Zaayid waxa uu xukuumadda Federaalka ee Somalia uga mahadceliyey cambaarayntii weerarkii argagixisada ahaa ee ay kooxda Xuuthiyiintu la beegsadeen bartilmaameedyo rayid ah oo ku yaala dalka Imaaraatka waxaanu yidhi waxan u rajaynaya dalka iyo shacbiga Soomaalia ee aanu walaalahanahay khayr iyo horumar.

Raiisalwasaare Rooble oo hogaaminaya wafdi heerkiisu sareeyo oo ay ka midyihiin wasiirada Difaaca iyo Gaadiidka ayaa maalinti Axadi u ambabaxay booqosho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Imaaraatka waxaanu sida uu xaafiiskiisu sheegay madaxda Imaaraatka kala yeeshay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya.Intii uu Imaaraatka ku sugnaa waxa u u Rooble booqday Expo Dubai halkaas oo u kula kulmay raiisalwasaaraha Imaaraatka ahna Xaakimka Dubay Sheekh Msxamad Bin Raashid iyadoo ay ka wada hadleen xidhiidhka ganacsi ee labada dal iyo arimo ku saabsan maalgashiga.

Raiisalwasaaraha Somalia ayaa ka ma’suul ah marxaladdan kala guurka siyaasadeed ah ee ay Soomaaliya xiligan ku jirto. Rooble ayaa badhtamihii bishii hore raaligalin iyo cudurdaar dawladda Imaaraatka ka siiyey mucaawimo xoog lagula wareegay sanakii 2018 isla markaana waxa uu Imaaraatka uga mahadceliyey gargaarka aadaminimo ee ay had iyo jeer u fidiso dadka reer Soomaaliya taasoo ay u dambaysay deeqdi cuntada gargaarka deg dega aheyd ee ay Imaaraatku soo gaadhsiiyeen ee loogu talogalay dadka ay abaaruhu gobolada Soomaliya ku saameeyeen.

Qurba joog booqatay Jaamacadda Umadda

Maamulaha Dugsiyada Twin cities international iyo Ubah Medical Academy oo ku yaal Minnesota dalka Mareykanka Mudane Cabdirashiid Cali Warsame iyo xubno kale oo qurba-joog ah oo ka yimi UK ayaa booqasho ku yimi Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraca Puntland-Badhan.

Xubno ka tirsan Maamulka jaamacadda ayaa soo dhaweeyey, waxa ayna ka wada hadleen sidii qurba-joogta deegaanku gacan uga geysan la haayeen horumarinta jaamacadda.

Mudane C/rashiid oo ka tirsan haldoorka ka qayb qaatay waxbarshada Degaanka waxa uu balan qaaday in uu ku dadaaalayo in uu gacan ka geysanaayo barnaamij lagu horumarinaayo barashada luqadda English-ta oo ardayda jaamacadda iyo dugsiyada baahi u qabaan, waxa kale uu sannadkan ka qayb qaatay Lab Cumputer ah oo loo sameynaayey ardayda Jaamacadda. Maamulka Jaamacadda ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay wadaan qurba-joogtu

May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people standing and suit
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and sky
May be an image of 4 people, people standing, tree and outdoors

Allah ha u naxariist Wiish Daahir Ciise

Alshabaab oo soo weeraray Milxo o hoos timaada Laasqoray

Degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, oo ka mid ah meelaha macdanta laga qodo ayaa maanta Dadqalatooyinka alshabaab waxay isku dayeen inay la wareegaan oo gacanta ku dhigaan.

Halkaa waxa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Argagixisada aadka u tababaran oo garab ka hela maamulada qaarkood iyo dadkii degaanka u dhashay ee beesha Warsangeli.

May be an image of nature and mountain

Inta la ogyahay waxa ku dhintay Allah ha u naxariistee Wiish Daahir Ciise