26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*