18th April 2024  admin  Category :

Ciidan boolis iyo militeri ah oo maanta laga dejiyey Baraawe

Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa maanta la geeyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ammaanka doorashada ay u sugaan.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow,
guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidankaas goordhaw ku soo dhaweeyey magaalada.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan lagu qabanayaa Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*