12 qof oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga

12 qof oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga

12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Inta badan gantaalladaas ayaa dhexda laga qabtaa, balse qaar ka mid ah ayaa dilay dhowr qof kuwa kalena dhaawacay.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah Isbaheysiga, ayaa laba goor sheegtay bishii Janaayo inay burburisay gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiinta kusoo weerareen.

Hase yeeshee weerar dhacay horraantii Janaayo oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, ayada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

https://www.arabnews.com/node/2022091

Biden iyo Boqor Salmaan oo ka wadahadalay shidaalka iyo xaaladda Bariga Dhexe

Biden iyo Boqor Salmaan oo ka wadahadalay shidaalka iyo xaaladda Bariga Dhexe

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

“Labada hgogaamiye waxaa ka go’an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA.

Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato kororka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda.

Qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka ayaa kor u kacay 20% sanadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha.

Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar kaas oo saaxiibadiisa xisbiga Dimuqraadigu ay difaacan doonaan aqlabiyadda aan badneyn ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka.

https://ca.finance.yahoo.com/news/biden-speaks-saudi-king-discuss-205200746.html

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah soo saaray

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo bayaan wada jir ah soo saaray

1. Kaddib marki lai soo-dhoweeyay wafdiga Midowga (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah (Quartet) iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Maarso 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada (CONOPs), Warbixinta Wadajirka ah (Joint Report), Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),

2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya (SSF) nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.

3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaqiijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo
Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee
Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),

4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo Midowga Afrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21kii Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kadib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska (CCCPA),

5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Muqdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),

6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya,

7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo,

8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:

a. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.

b. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.

c. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

Dhammaad

Dadkii ugu badnaa oo ku barakacay dagaalka gobolka Cafarta

Dowladda gobolka Cafarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dil iyo dhac u geysteen dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xannibay raashin la geeyn jiray gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.

“Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore sheegtay in 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto guud ahaan gobollada Tigray, Canfar iyo Axmaarada iyadoo kooxaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada go’doonsan.

Dagaalka ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii Nofambar 2020, kaas oo ay iskaga horyimaadeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidammada Canfarta, iyo ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), oo ka talisa gobolka.

Colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, iyadoo malaayiin kalena ay ku barakaceen saddex gobol oo ka tirsan Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Xukuumada Canfarta ayaa bayaan ay soo saartay isniintii ku sheegtay in kooxda TPLF ay soo gashay gobolkaas bishii December.

25 sano ka hor waxaa lagu billaabay 2 diyaaradood maantana waxay haysata 350 dayaradood

Qadar Airways waa shirkadda dulimadyadda qaranka Qadar islamarkaasina kamid ah shirkaddaha dulimadyadda guulaha waaweyn ka garay caalamka.

Hawlgalladadeeda waxay bilowdeen sanadkii 1994-kii markii ay shirkaddu ahayd mid aan awood badan lahayn oo u adeegta gobollo kooban, waxaana lagu bilaabay labo diyaaradood.

Diyaaradan ayaa dib loo casriyay sanadkii 1997-dii, iyadoo markaasi la fulinayo amarka Amiirka Aabaha dalka Qadar , Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, kaasoo qabay aragtida ah in Qatar Airways ay noqoto diyaarad caalami ah oo hogaamisa duulimaadyada ugu sareeya iyadoo la tixracaya shuruucda caalamiga.

Diyaaradan ayaa dib loo casriyay sanadkii 1997-dii,

Qatar Airways ayaa tan iyo markasii noqotay mid ka mid ah duulimaadyada ugu kobaca badan taariikhda duulimaadyada iyadoo sanadba sanadka kasii dambeeya cecelis ahaan lab jibaarantay dhanka diyaaradaha.

Horumarka Qadar airways ayaa waxaa horsed u ahaa Akbar Al Baker oo loo magacaabay in uu hogaamiyo shirkaddaasi sanadkii 1997-dii, waxaa uuna ku guuleystay in shirkadda Qadar ay abaalmarino ku guuleysato islamrkaasina noqoto shirkadda diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka.

Intii uu hogaaminayey Mr. Al Baker, Qadar Airways waxa ay noqotay mid hormuud u ahduulimaadyadda gobolka iyo caalamkaba , waxayna kasbatay dad badan oo adduunka daafihiisa kala duwan ku nool marka la fiiriyo adeegeeda wanaagsan.

25 sano kadib markii la as'aasay waxaa loo magacaabay shirkadda diyaaradeed ee ugu wanaagsan caalamka
Qoraalka sawirka,25 sano kadib markii la as’aasay waxaa loo magacaabay shirkadda diyaaradeed ee ugu wanaagsan caalamka

Bishii Abriil ee sanadkii 2011-ka, Qadar Airways waxay gaartay heer ay u kala gooshto 100 goobood ee duulimaadyadeeda caalamiga ah.

Laba bilood kadib Shirkadda Qadar ayaa guul kale oo weyn soo hoyisay, 14 sano kadib markii la as’aasay waxaa loo magacaabay shirkadda diyaaradeed ee sanadkaasi ugu wanaagsan iyadoo ay u codeyeen in kabadan 18 malyan oo qof oo rakaab ah kuwaas oo dunida daafaheeda kal duwan ku sugan.

Bishii Luulyo ee sanadkii 2012-ka, Qadar Airways ayaa mar kale loo magacaabay duulimaadka ugu wanaagsan sanadka 2012, iyada oo sii hanatay abaalmarintaas sanadkii labaad oo xiriir ah.

Qatar Airways ayaa ku biirtaya One World xulafayasiga diyaaradaha ee la yidhaahdo 2013kii
Qoraalka sawirka,Qatar Airways ayaa ku biirtaya One World xulafayasiga diyaaradaha ee la yidhaahdo 2013kii

Qadar Airways ayaa ku biirtaya One World xulafayasiga diyaaradaha ee la yidhaahdo 2013kii , iyadoo lagu dhawaaqayna isdhexgalka sharikdahani 2012kii .

Shirkadda Qadar waa dayaarada kaliya ee gacanka carabta ka tirsan ee ku jirta mid kamida xulfadaha waaweyn ee saddexda ah.

Sannadkii 2014-kii waxay noqdeen dayaaradii ugu horeeysay ee isticmaasha dayaarada A350.

Sannadii 2015kii Qadar Airways guulweyn ayeey gaadhay markii loo doortaya dayaarada Xulafaysiga Skytrax Airline ee sanadka 2015
Qoraalka sawirka,Sannadii 2015kii Qadar Airways guulweyn ayeey gaadhay markii loo doortaya dayaarada Xulafaysiga Skytrax Airline ee sanadka 2015

Sannadii 2015kii Qadar Airways guulweyn ayeey gaadhay markii loo doortaya dayaarada Xulafaysiga Skytrax Airline ee sanadka 2015 oo ahayd guushii saddexaada , Sanadii 2106kii waxay heshay guulo kale waanay sii balaadhatay .

Qadar Airways waxay ku guulaysatay , dayaarada ugu wanaagasan , dhanka goobta lagu sii hakado , qaybta macaamsiisha ganacasiga , qaybta shaqaalaha ugu fiican ee Skytrax ee bariga dhexe waxaanay ku dhawaaqeen inay boqol dayaradood oo Boeing ah iibsanayaan oo u kala baxa toban 777 ah , sodoon 787- 9 ah iyo iyo 60- 737 MAX ah, si ay mustaqabalka ugu diyaargaroowdo.

waxaanay hal mar ku dhawaaqeen inay boqol dayaradood oo Boeing ah iibsanayaan
Qoraalka sawirka,waxaanay hal mar ku dhawaaqeen inay boqol dayaradood oo Boeing ah iibsanayaan

Waxay ahayd iibkii ugu weynaa ee abid dayaarado la iibsado oo ku kakacay lacag lagu qiyaasay 90 bilyan oo doolaar, hadda waxay haystaan 350 dayaradood , waxaa kaloo ay Qatar dalbatay saddex dayaradood oo kuwa gaarka ah e madaxda qaada ee G650ER oo ay kaga dhawaaqeen macaradka dayaaradaha.

Shirkadda Qadar Airways waa dayaarada kaliya ee fulisay hadafka hay’adda duulimaadayada caalamiga ah ee ICAO ee badaqabka gaadiidka hawada iyadoo la siticmaalayo sharikaddo kala duwan sida Aireon, LLC ee ka farcama GlobalBeacon kuwaasi oo daqiiqad dqaiida ula soconaya halka dayaarada marayso.