Madaxweyne Qoorqoor Oo Magacaabay Musharaxiinta Kursi Ka Tirsan Aqalka Sare

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in labo xubnood ay ku tartami doonaan xubinta ka harsan Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug,labada musharax ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Maaliyada Galmudug Farxaan Cali Gaban iyo Naciimo Yuusuf Maxamed

Yuusuf Geelle Ugaas oo hore ugu guuleystey kursigan dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa iskacasilay xilkaas waxana uu markale ku guuleystey xubinimada Golaha Shacabka.

Akhriso; Wareegtada hoos ku xusan;

madaxweyne qoorqoor oo magacaabay musharaxiinta kursi ka tirsan aqalka sare

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay. Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal. dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay dowladiisu siiso Soomaaliya.

Guddiga doorashada Beelaha Isaaq oo shaaciyay jadwalka doorashada Toddoba Kursi

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Xildhibaanadda labada Aqal ee Beelaha Isaaq ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada Toddoba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa ogeysiiyay ergada iyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta tirsigooda kala yahay

1-HOP#212.

2-HOP#207

3-HOP#246.

4-HOP#258.

5-HOP#259.

6-HOP#243

7-HOP#258.

In ay  diyaargaroobaan diiwaangelinta maalmaha ku mudeysan Jadwalka.

Cabdi Iley oo diiday in maxkamad la hor-geeyo

Madaxweynihii hire Cabdi Iley oo diiday in maxkamad la hor-geeyo,Muxuuse dalbaday?

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa diiday in mar dambe uu hortago maxkamadda gacanta ku haysa kiiska dacwadaha loo heysto.

Cabdi Iley waxaa la xiran xubno kale oo Soomaali ah, kuwaas oo ka hoos shaqeyn jiray mudadii uu joogay xukunka, Talaadadii lasoo dhaafay ayaa looga jeeray xafiiska maxkamadda kiiskooda gacanta ku heysa, balse dhamaantood waxay diideen inay maxkamadda hor-tagaan.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha kale ee Soomaalida ah, waxay ku doodeen in bilihii lasoo dhaafay xabsiyada Itoobiya laga siidaayey dadkii ka soo jeeday qowmiyadaha kale, kuwaas oo qaar ay isku kiis ahaayeen, qaarna ay kasii dembiyo cuslaayeen.

Maxabiista Soomaalida ah ee Madaxweyne Cabdi Iley waxay sheegeen in aysan jirin sabab Soomaalida kaliya xabsiyada loogu sii hayo, iyagoo ku dooday in 17 maxbuus oo qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ka soo kala jeeda xabsiyada laga sii daayey.

Xubnaha dambiyada waaweyn loo haystay ee ay dowladda dhexe ee Itoobiya sii deysay uu Cabdi soo xigtay waxaa ka mid ah Sibhat Neggaa oo ah aas-aasaha iyo maskaxda fallaagada Tigrayga ee TPLF iyo xubno kale oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega.

Waxaa la sheegay in Cabdi Iley uu codsi gaar ah u diray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka dalbaday inuu cafis u fidiyo, balse Abiy oo ka hadlay xarigga Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay inuu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, isla markaana helina doono maxkamadayn caddaalad ah.Muddada uu Cabdi Maxamuud Cumar uu ku jiray gacanta dowladda dhexe waxaa marar badan lasoo taagay maxkamadda sare ee dalka, inkastoo ilaa hadda aan wax xukun ah lagu ridin.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga la dhigay, kadib mudo 8-sano ah oo deegaanka Soomaali Galbeed uu gacan bir ah ku xukumaayey.

Baarlamaanka deegaanka Soomaalida ayaa Cabdi Iley xasaanadii ka xayuubiyey 26-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii, waxii intaas ka dambeeyana waxuu ahaa eedeysane xabsiga ugu jira dowladda dhexe ee Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya oo xarigga Cabdi Iley ka hadlay wuxuu sheegay in loo haysto gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagrifal awoodeed.

Cabdiweli Jaamac oo ah xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka Soomaali Galbeed, oo BBC la hadlay aya sharaxay eedeymaha loo hesto Cabdi Iley, isagoo yiri, “Dhibaatooyinka dadka lagu samayn jiray waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, reero badan oo iyaga guryahooda iska jooga inta ciidan la soo geliyo la layn jirey, iyaga oo aan waxba galabsan, kufsi la gaysan jiray. Waxaa kaloo jirtay dadka inta la xirxiro jeelasha lagu layn jiray, sida Jeel Ogaadeen oo kale. Dhibaatooyin balaaran ayaa ka dhacday deegaanka waa la wada ogyahay. Dhibaatada dadka lagu samayn jiray aad bay u ballaarnayd.”

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee labada dowladood iyo labada Shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Labada Wasiir ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed oo 5 ahaa, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga tagaarada ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay dareenka farxadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwada Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

Dagaal ka dhacay Milxo

Ciidanka Puntland iyo Dadqalatooyinka alslhabaab ayaa habeenkii xalay dagaal ku dhex maray degaanka Milxo ee degmada Laasqoray.

Dagaalkan ayaa looga dilay Dadqalatooyinka alshabaab laba ka mid ah Maleeshiyadkooda.

Isla maanta degaanka udhaxeeya Shidan iyo Lasqoray waxa lagu qabtay gaari gurmad ah oo ka yimid galbeedka oo ka mid ah kuwa taageera Alhabaabka

Togga Dhugtire ee calcad ee hoostaga Magaalada taarikhiga ee LaasqorayTogga Dhugtire ee calcad ee hoostaga Magaalada taarikhiga ee Laasqoray

Togga Dhugtire ee calcad ee hoostaga Magaalada taarikhiga ee Laasqoray

May be an image of nature, tree and body of water
May be an image of nature, mountain, body of water and tree
May be an image of tree and nature
May be an image of nature and tree
May be an image of nature, road, tree and mountain
May be an image of nature, tree and road
May be an image of tree, sky, nature, road and mountain

Dahabka laygu adoonsan doono

Maxaynu ugu kala qaybsanahay la dagaalanka argagixisada Alshabab?

Duulaankii ay argagixisada alshabaab ku soo qaadeen degaanka Milxo ee degmada Laasqoray , oo ay ku doonayeen in beelaha Warsangeli qaarkood ay hub ka dhigis ku sameeyaan ayaa waxay banaanka keentay in maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah beesha Warsangeli ayna doonayn in argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmadow.

Habeenkii ay argagixisadu soo weeraraen Milxo, isla habeenkaas waxa gobolka Sanaag ka bilowday gurmad la doonayey in loo gurmado Bulshada reer Milxo oo aan la ogayn markaas inta dhimatay, dhaawaca ah iyo inta go’doonsan.

Gurmadkii la doonayey in la garab istaago, oo dhalinyarada intooda badan soo hub qaateen ayaa waxa Isbaaraddii ugu horaysay u dhigtay Ganacsataddii, Isimaddii iyo qaar ka mid ah Culumida, mararka qaarkoodna cuna qabatayn dhaqaale ayaa loogu daray, si ayna Milxo u gaarin . Waxa waxaa samaynaya waa dadkii degaanka u dhashay.

Dawladda Puntland, siddii dhaqanka u ahayd waa yimaadeen degaanka Milxo sawirana waa iska qaadeen. Haddii ay diyaar u yihiin in Maleeshiyadkan dhowr iyo tobonka Sano buuraha Barakaysan ku dhuumaalaysanayey ay ka saraan waxay ahayd inay la yimadaan Gawaarida gurmadka deg dega ah, Cisbitaalo iyo shaqaale caafimaad oo daryeela dadka ku dhaawaacma dagaalka, marka dagaalku uu bilowdo , intaba lama ayna iman oo waxay la yimaadeen Kamardo Casri ah. Saraakiisha qaarood sawirada markii ay iska qaadeen saacado ka dib Boosaaso ayeey joogeen

Cabsida ugu weyn ee argagixisadu qabtay ayaa u muuqatay inay rumowday taas oo ahayd in magac beeleed lagula dagaalamo alshabaabka , waana tan socotay, hase ahaatee waxa soo if baxay Kooxo ka soo jeeda Maakhir oo ka caga jiidaysa arintan. Waana tan keentay in argagixisaddii Beelaha Warsangeli qaar ay yiraahdaan hub ka dhigis ayaan ku samaynaynaa, qaarna ay yiraahdaan waa idin la shaqaynaynaa .

Ugu danbayntii maanta Qoysas reer Guuraa ah oo aan hubaysnayn iyo kuwa ka shaqaysta Macdanta ayaa khatar ku jira in la bartimaamadayto iyaga oo alshabaabku u arkaan khatar ku soo socota, halka qaar kalena ay doonayaan inay alshabaabku u ilaaliyaan Milxo iyaguna macdanta ka gurtaan. Maamulka Puntland, iyaguna waa ogyihiin in qofka la shaqaystaa argagixiso isaguna uu argagixiso yahay, ma jirto sabab ay u sii daawdaan, Waa in maxkamdda la hor keenaa.

Geesiyaddii Muskaan Khan

Gabadhii ku dhawaqaysay ‘Allahu Akbar’ oo sheegtay sabab layaab leh

Hadal heyn ayaa dhawaan ka dhalatay muuqaal laga arkayay gabadh dhallinyaro ah oo ku dhawaaqeysa erayada “Allahu Akbar” xilli ay ku soo xoomeen rag ku dhow konton oo ka hor istaagayay inay iyadoo Xijaab xiran aaddo iskuulkeeda.

Gabadhan oo lagu magacaabo Miskan Khan, oo 19 jir ah ayaa ka hadashay sababta ku kalliftay inay erayadaas adeegsato.

“Waxaan ku qeyliyay Allahu Akbar sababtoo ah waan cabsaday. Marka aan baqayo, waxaan isticmaalaa magaca Alle,” ayay tidhi.

Miskan Khan, oo ah ardayad kasoo jeedda gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa caalamka qabsaday muuqaal laga soo duubay Miskan oo iyadoo mooto yar ku galeysa dhismaha Jaamacaddeeda ay ka hor imaadeen rag badan oo isbahaystay, kuwaasoo iyagoo qeylinaya eryaday gabadha.

Markii ay ragga badan ku qeyliyeen hal ku dhigyo ka dhan ah xijaabkeeda, ayay mar qura dib ugu jeedsatay, iyadoo hal gacan kor u qaadeysa ayayna ku dhawaaqday “Allahu Akbar”, oo ay dhowr jeer ku celcelisay.

BBC-da oo hadda wareysi la yeelatay Miskan Khan ayaa weydiisay su’aalo ku saabsan muuqaalkaas iyo wixii dhacay maalintaas.

Maxaa dhacay?

“Waxba ma aanan ogeyn, Jaamacadda ayaan ugu socday si caadi ah,” ayay tidhi Miskan.

“Dad koox badan ka kooban oo bannaanka ka yimid ayaa is hor istaagay, waxayna ii sheegeen inaanan gali karin Jaamacadda anigoo xiran Xijaab.

“Waxay igu dhaheen, ‘haddii aad rabto inaad gadho gudaha Jaamacadda, iska siib xijaabka iyo shukada kaddibna gal. Haddii aad rabto inaad dharkan xirnaatidna, gurigaaga iska aad'”.

“Dhag jalaq uma aanan siinin. Gudaha ayaan soo aaday. waxaan moodayay inaan si aamusnaan ah kusoo gali doono balse waxaa socotay qaylo iyo dhawaaqa hal ku dhigyo. Waxay nimanka tirada badan ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid tahay “Bixi Xijaabka”.

“Waxaan u maleynayay inaan fasalkeyga aadi karo balse wiilashii oo dhan way isoo daba socdeen iyagoo u muuqday inay i weerarayaan. Waxay ahaayeen qiyaastii 30 ilaa 40 qof. Aniga waxaan ahaa kaligey, wax bani’aadannimo ah ma aysan lahayn. Xageyga ayay soo aadeen waxayna billaabeen inay soo ordaan, iyagoo watay maro jaalle ah.

“Horteyda ayay imaadeen, maryihii ayay warfiyeen iyagoo igu dhahaya, ‘Ka tag meesha’, ‘Bixi Xijaabka’.

Miskan Khan
Qoraalka sawirka,Miskan Khan

Muddo intee la eg ayay Xijaab xirneyd?

Miskan ayaa sheegtay in aysan horay wax dhib ah ugala kulmin xijaabka iyo dharka asturnaanta ah ee muujinaya calaamada Muslimiinta.

“Markii ugu horreysay ee aan billaabayay waxbarashada kuleejka ee ka horreysa Jaamacadda, waxaan billaabay inaan Xijaab xirto. Wax dhib ah kuma aanan arki kuleejka. Xaaladdu waxay ahayd sidii hore. Fasalka waxaan aadi jiray anigoo Xijaab xiran. Marka aan fasalka ku jiro cabaayad weyn ma xirto, xijaabka kaliya ayaa xirtaa, si aan timaha u qariyo.”

Miskan Khan waxa ay shegetay in raggii ku mudaharaaday ay intooda badan ahaayeen kuwo aan dhiganin Jaamacaddeeda, balse qaar yar ay ahaayeen ardayda.

https://youtu.be/1qnpcTgTG80
https://youtu.be/97CA1xpT52M