Farmaajo iyo howlgalka Puntland.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo war kasoo saaray howlgalka Puntland.

Warsaxaafadeed:-

Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna.

Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.

Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada.

All reactions:

Goorma ayeenu la mid noqonay Khaliijka

Waa maxay sababta labada goor Gudoomiyaha Gudoonka loogu magcaabay isku qof?.

Dhowaan ayeey ahayd markii uu soo dhamaaday shirkii Ceel buh ee ka dhex dheliyey beesha Warsangeli khilaafka weyn , ka dib markii Gudoonka shirkii Ceel buh ee taageersanaa maamulka Somaliland uu diiday in lagu daro War murtiyeedkii shirka qodob oranayey ‘in beesha Warsangeli ayna ka mid ahayn maamulka Somaliland, iyaga oo xujo ka dhigay haddii aan Somaliland laga mid ahayn Puntlandla lagama mid ah waa in lagu soo qoraa.

Kooxda Somaliland oo sida uu sheegay Wasiirka maalgashiga maamulkaasi ay telefoonka kula xiriirayeen markii uu shirku socday oo xitaa uu sheegay in kooxdiisu gacan saar iyo dharbaaxo gaysteen markii ay doonayeen in qododobkas Somaliland wax u dhimaya aan lagu soo darin.

Shirka waxa kale oo fadhiyey, oo hadana hor boodaya kan soo soocd, waa kooxda Maakhir oo saaxiib kula ah kuwa Somaliland burburka Puntland. Kooxda ayaa wada shaqayn fiican la leh Firdhiyaha Khaatumo iyo M.Culusoow

Waana sababta keentay markii ay kaga adkaadeen shirkii Ceel buh oo ay baacsadeen kooxdii Puntland ee beesha Warsangeli u badnaayeen inay hadda yiraahdaan Gudoonkii hore ayaa shirka danbena gudoominaya

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay sababta uu Suldaan Siciid Cabdisalaam Cali uu Cabdikariim Cali oo ay ehel yihiin uu laba goor ugu doortay Gudoonka Warsangeli iyadoo Tolweynaha laga heli karaayo Siyaasi, Isim, Indheer garad iyo Wadaado. Haddi Saldanaddu u dhaqantay sidii khaliijka maxaa la gudboon bulshada inteeda kale.

Khudbad qiimo leh

Aqoonyahan Maxamuud Cali Geeldoon, oo ku caan baxay raadinta midnimo Soomaaliyeed, oo naftiisa iyo shaqadiisaba halis u geliyey sidaan Soomaaliya loo kala g’oyn lahayn ayaa khudbad qiimo iyo qaayo leh ujeediyey umadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel , gaar ahaan kuwa safka hore kaga jira ilaalinta midnimada Soomaaliya.

“Digil iyo Mirif waa caruutii Itoobiyaanka”

Shalay wuxuu lahaa Farmaajo waa Mareexaan, maantana beelaha Digil iyo Mirifle ayuu ku sheegay inay Guruuc yihiin oo ay dhaleen Itoobiyaanku

Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya?

Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya?

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho shalay ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso oo shalay Muqdisho tagtay ayaa la kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada.

Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la sheegay ayaa VOA u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay la xaliyay laguna xaliyay sida uu hadalka u dhigay ‘dulqaadka” ay sameysay Soomaaliya.