Dhalinyarooy Ogoow Calanka Dhiig baa…Qaasim Hilowle

Dhalinyarooy Ogoow Calanka Dhiig baa…Qaasim Hilowle
Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad ah ku siiyey kalsoonida Ra’iisil Wasaare Xamse
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goordhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.
220 oo soo xaadirtay Kulanka ayaa dhammaan ay gacanta ugu coddeeyeen Ra’iisul Wasaare Xamse, ma jirto cid diiday ama ka aamustay.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub oo noqday kii 21-aad uu dalkan yeesho.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub.
Madaxweynaha dalka oo ku bogaadiyey Gollaha shacabka Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.
“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.
“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo mas’uuliyadda culus.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa faray in guddi kasta muddo 7-cisho uu ku soo diyaariyo Baarnaamijkiisa shaqo ee kalafadhiga golaha.
Guddiyada 8-da ah ee maanta la ansixiyay waxay kala yihiin:-
1″ Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa,Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
2″ Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xaquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta.
3″ Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
4″ Guddiga Difaaca iyo Amniga.
5″ Guddiga Arrimaha Dibadda,Qorshaynta,Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
6″ Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada,Arrimaha Bani’aadannimada,Warfaafinta iyo Dhaqanka.
7″ Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.
8″ Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.
Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska.
Wasiirka Biyaha Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo guuldaradii Muqdisho ku sheegay in xildhibaanada Puntland qaarkood khiyaameeyeen madaxweyne Deni
Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xidhnaa Guantanamo Bay
Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.
Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban. Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.
Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska ururka Taliban ee Doha ayaa VOA u sheegay inay tallaabadan soo dhoweynayaan, isagoo ugu baaqay dawladda Maraykanku inay sii dayso maxbuuska kale ee ku hadhay xabsigaas.
Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.
Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey kiiska Haaroon inay ka soo baxday inuu u qalmo in laga wareejiyo xabsigaas.
Labaddii Ra’isul wasaare ee hore ee Soomaaliya soo maray, ee ku guul daraystay in mid ka mid ah uu madaxweyne Xasan Sheekh u magcaabo mar kale Rai’sulwasaare, dhowaana Xarunta Kenya ee Nairobi kula kulmay hogaamiyaha Xisbiga beesha Garxejis ee cayda Badan Faysal Waraabe ayaa Bulshada Gobolada Sanaag IYO Sool waxay ka sugayeen hadayna horay u aqoon qofka uu yahay Faysal Cali Waraabe inay markay ogaadeen inay raali gelin ka bixiyaan
Intaan la gaarin raali gelintii ay ka bixin lahaayeen Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, fadhigii ay la fariisteen Cunsuriga nacaybka ka dhex wada Soomaali dhexdeeda, ayaa saacado ka dib Faysal Cali Dhurwaa isaga oo aan ka bixin magaalada Nairo, wuxuu bilaabay inuu aflagaadeeyo beeshii Majeerteen ee uu siyaasiyiintooda Kursiga ugu fariistay iyaguna dhinacyada ka fadhiyeen.
Faysal Shakhsi ahaan iyo beeel ahaanba wuxuu yahay waa yaqaaniin beelaha Sool iyo Sanaag, hase ahaatee waxa nasiib daro ah in siyaasiyiintii magaca Daarood xilalka ku soo qabtay ay maanta iyaga oo ku sugan huteel ku yaal Nairobi ay hoos fariistaan ninkii doonayey inuu Soomaliya iyo Puntland kala qaybiyo, isaga oo doonaya qayb ka mid ah Beelaha Harti inuu hoos geeyo Beesha Isaaq. Horay hadaynu u siganay maanta waa inaynu indhaha kala haynaa oo Siyaasiyiintan Majeerteen ee aan dad iyo degaan dan ka lahayn ee la arko qura Xilliyada doorashada waa aan loo ogolaan in fursad la siiyo
Ugu danbayntii Cabdi weli gaas iyo Cumar Cabdirashiid, waxay u hanqal taagayaan hogaanka Puntland. Ma kula tahay nimanka maanta SNM huteelada kula shiraya inay wax ka bedel doonaan maamulka Puntland. Waxaan xasuusinaynaa ama kula talinaynaa inaan marna la ilaawin sawirkan
Bahdal Allsanaag waxay halkan hanbalyo Aroos uga dirayaan Ilyaas Cismaan ( Gabiileey) iyo Xaaskiisa Muna Cabdirasaaq oo aqal-galkoodu ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaan u rajaynayaa nolol farxad iyo bash-bash leh iyo in ilaah khayr ku kulmiyo. Hambalyo
Maamulka Koonfur Galebeed Somaliya ayaa sheegay in shirar siyaasadeed aan lagu qaban karin deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’