Mid ka mid ah Dadqalatooyinka oo isaga oo qarax dhigaya la qabtay

Mid ka mid ah Dadqalatooyinka oo isaga oo qarax dhigaya la qabtay
Culimada Puntland ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaas oo ay ciidamada Puntland ka wadaan buuraleyda gobolka Bari.
Faahfaahinta warkan waxaa noo soo diray wariyaha VOA-da ee magaalada Boosaaso, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.
Mushkilad guud oo koronto la’aan ah oo ka dhacday dalka Sri Lanka, ayaa lagu eedeeyay daanyeer galay xarun koronto oo ku taalla koonfurta magaalada Colombo ee dalkaas.
Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celinayaa dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin dad tiradooda guudi gaarayso 22 milyan oo qof, iyadoo mudnaanta la siinayo xarumaha caafimaadka iyo warshadaha sifeeya biyaha.
“Daanyeer ayaa la taabtay qalabka shabakadda ah ee korontada ka qaada warshadda, taas oo sababtay in uu dheeliyo nidaamkii korontada,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta dalkaas, Kumara Jayakody isagoo la hadlayay warbaahinta.
Korontada ayaa go’day saacaddu markii ay ahayd 11:00 kii subaxnimo wakhtiga dalkaas (05:30 GMT) maalinkii Axadda, taasoo ku qasabtay dad badan inay ku tiirsanaadaan matoorada yaryar ee dhaliya korontada. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay qaadan karto dhowr saacadood si korontada dib loogu soo celiyo si dhamaystiran.
Dad badan ayaa dhaleeceeyay maamulka iyaga oo qosol ka dhigtay dhacdada.
“Daanyeer khaa’in ah ayaa gabi ahaanba gooyay nidaamkii koronto ee Sri Lanka ka dib markii uu sababay in uu shaqayn waayo shabakadii koronto gudbinta ee xarun koronto oo ku taalla Colombo,” ayuu qoraaga X Mario Nawfal daabacay isaga oo arrinkaan ka hadlayay.
“Hal daanyeer = qarribaad buuxda. Waqtigii dib looga fikiri lahaa dib u qaabaynta kaabayaasha miyaa la gaaray?” ayuu ku daray hadalkiisa.
Qof kale oo isna isticmaala barta X, oo magaciisu yahay Sreeni R, ayaa waxa uu soo qoray, “Sri Lanka waxay horay u tijaabisay arimaha daanyeerada,”.
“Kaliya Sri Lanka ayaa kooxo daanyeer ah oo gudaha saldhig koronto ka dhex dagaalamay sababi karaan koronto la’aan guud oo jasiiradda ka dhacda,” ayay tiri Jamila Husain, oo ah tifaftiraha guud ee wargeyska Daily Mirror eek u yaalla gudaha dalkaas.
Warbixin ay shaaciyeen Isniintii, ayaa sheegtay in injineeradu ay muddo sanado ah ku war-gelinayeen dowladda in ay casriyeeyaan shabakadda korontadooda, hadii sidaas la samayn waayana ay la kulmi doonaan go’itaan joogto ah oo ku dhaca qulqulka korontada ee dalka.
“Shabakadda korontada qaranka ayaa ku jirta xaalad daciif ah, taasoo keeni karta in go’itaanada joogtada ah ee ku dhaca korontada jasiiradda ay gaaraan heer mar walba la iska filan karo, haddii xitaa mid ka mid ah xargaha ay waxyeello soo gaarto,” ayaa lagu sheegay hadalka injineer sare oo aan magaciisa la shaacin balse ka hadlay arrinkaan.
Sri Lanka ayaa la kulantay go’itaan koronto oo baahsan intii lagu guda jiray qalalaasahii dhaqaale ee 2022 kii dhacay.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Dowladda Puntland..Waxyaabo Badan ayaa inoo qabsoomay oo ay ka mid yahiin,,,,
Dawladda oo la wareegtay Guriga Hooyooyinka
Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gaaray deegaano horleh oo katirsan Togga Jeceel ee buuraleyda Cal-miskaad.
Ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Hararyo ilaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo ay argagixisada Daacish ay ka carareen, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
“Ciidanka oo hore ugu ruqaansaday deegaano hor leh, wuxuu hawlgalo amni ka sameeyay deegaanka Hararyo ee Toga-jeceel, isagoo isku fidiyey illaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo Aragixisadu ka carartay.”
Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa ku guda jira wajiga labaad, waxaana ciidamadu burbur xooggan ay gaarsiiyeen argagixisada oo ay ka dileen inbadan 120 xubnood, kaddib dagaal ka dhacay Dharin oo dhacda Togga Jeceel, argagixisada ayaa hadda ah firxad.
Ciidanka Puntland oo ku ruqaansaday fariisimaha ay kaga sugan yihiin Calmiskaad yihiin haraadiga Argagixisada
WATCH: @GaroweOnline Obtains New Footage of Puntland Troops Advancing Deep Into ISIS Hideouts in the Calmiskaad Mountains. #Somalia pic.twitter.com/OS6BAiO5Kl
— GAROWE ONLINE (@GaroweOnline) February 8, 2025
Soomaaliya ayaa $125.5 milyan doollar ku weydey shaqo-joojinta uu Donald Trump ku sameeyey Hey’adda Gargaarka dalkiisa ee USAID.
Laga soo bilaabo bishii October ilaa Jenuary, USAID waxa ay Soomaalida u ballan-qaaday wadarta $125.5 milyan oo isugu jirta horumarin iyo gargaar, taasi oo hadda noqoneysa hal bacaad lagu lisey madaama Mareykanku joojiyey shaqadii hey’addaasi.
All reactions:
206206
72
1
Like
Comment
Share
“Afar jeer ayey puntland la dagaashay argagixiso afartiina waaka guulaysatay”
Itoobiya Iyo Maamulka KGS oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac Madaxwayne
@Laftagareen Ayaa Isu Diyaarinaya In U Qabto Doorasho Dadban Doorashada Maamulka KGS Ayaa Dhici Doonta April 2025
War Deg Deg Ah
— Mohamed N Jama Hawd And Reserve Area (@Mahamed81443729) February 7, 2025
Itoobiya Iyo Maamulka KGS oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac Madaxwayne @Laftagareen Ayaa Isu Diyaarinaya In U Qabto Doorasho Dadban Doorashada Maamulka KGS Ayaa Dhici Doonta April 2025@Daily_Mogadishu @Dayib1 @Cush110863351 @Ahmed71962 @Gen_Ugaask… pic.twitter.com/pkGXWvfuHo