Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Cabdulaahi XaaJI Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaalada Toronto ee dalka Canada.
Waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.
Golaha Xuquuqda ee QM oo fadhi degdeg ah ka yeeshay xaalada Sudan
GENEVA – Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi degdeg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Sudan, iyaga oo meel mariyey qaraar lagu cambaaraynayo xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaas laga geystay, wixii ka dambeeyey bishii October 25-keedii, sannadkii 2021, xilligaas oo milaterigu uu xukunka la wareegay iyo dagaaladii dhacay wixii ka dambeeyey April 15-keedii.
Qaraarkan oo ay taageereen 18 dal, halka ay ka horyimaadeen 14 dal, tirada ka aamustayna ay ahayd 15 ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday inay ka dhasheen, dhimashada boqollaal rayid ah, iyo dhaawaca kumanaan kale, sidoo kalena waxaa sare u kacay heerka xadgudubyada jinsiga ah iyo kufsiga loo geysanayo haweenka, barakac baahsan iyo burbur loo geystay hantidii dadweynaha.
Si kasta oo ay tahayba, Xasan Shire, oo ah agaasimaha fulinta ee ururka difaacayaasha xuduuqda aadan
aha, ayaa sheegay in qaraarkani uu ka hooseeyo wixii laga doonayey, sida in la meelmariyo nidaam baadhiseed, debedda lagu soo dhigayo isla markaana lagula xisaabtamayo cidda ka masuulka ah dhibaatada loo geysanayo shacabka Sudan.
Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa cambaareeyey inqilaabkii milateri ee dhacay sannadkii 2021, kaas oo ay hoggaaminayeen General Abdelfattah al-Burhan iyo taliyaha kale ee ay iska soo horjeedaan ee General Mohamed Hamdan Dagalo
Volker Türk ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay meel mariyaan xabbad-joojin gundhigeedu yahay hawlaha bini’aadantinimada, si gargaarka bini’aadanimo loo gaadhsiiyo goobaha ay colaaduhu ka socdaan isla markaana loo ilaaliyo inaan la bililiqaysan sahayda gargaarka bini’aadanimo.
Aabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray oo la hadlay BBC
Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xiray nin la sheegay in uu ku eedeysan yahay dhaawac loo geystay wiil yar oo carruur ah. Ninkan oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ah la qariyay ayaa la qabtay kadib markii la weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka lagaga jaray. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobolka Doolo.
Aabbaha dhalay wiilka oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu BBC u sheegay in ninka falka gaystay uu yimid guriga xilli ay isaga iyo xaaskiisaba maqnaayeen.
“Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hooyadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydiiyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqanahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubaynayey kaga jaray xiniinyaha” ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.
“Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiidmihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya” ayuu sii raaciyey.
Ninka weerarka gaystay oo iminka gacanta lagu hayo ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida. “Caloosha hadda waa lagu celiyey” sida uu sheegay aabaha wiilka Maxamed C/laahi Xaydh, wuxuuse sheegay in xaaladda wiilka oo saaka la soo gaarsiiyey magaalada Jigjiga ay hadda sii darsanayso.
“Xalay intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiisuna way yara noqotay” ayuu yiri Xaydh.
Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.
“Xalay intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiisuna way yara noqotay” ayuu yiri Xaydh.
Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.
Saraakiil boolis iyo dad si dhow ula socda kiiska waxay BBC u sheegeen in qofka la xiray uu sheegay in uu wiilka yar u weeraray si uu uga aarguto dhaawac hore oo wiilka aabehii u geystay ninka hadda wax dhaawacay. Xogtu waxay intaa ku dartay in aabeha wiilka dhaawaca ah uu horey xaniinyaha uga laaday ninka weerarka geystay, taas oo ninku sheegay in ay saameysay tarankiisa. Booliska degmada ma leh awood iyo farsamo lagu hubiyo fayoobida maskaxda ee dadka falalka noocan ah loo xiro.
Maxamed C/laahi Xaydh wuxuu dalabaday in ninkaas ciqaab sharciga waafaqsan la mariyo.
Abdiqafaar Xaange, Wasiir ku xigeenka Maaliyada DFS ahna Xildhibaan laga so doorto Puntland, abtina u ah Ilma Diyaano ayaa waraysi uu siiyey mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Culusoow uu ku sax san yahay Cunaqabataynta lagu hayo Puntland
Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa buug cusub oo maanta la soo bandhigay kaasoo uu ka qoray dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka soo maray siyaasadda, waxa uu uga warramay qaabkii looga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Kulan ay 22-kii June 2020 Nairobi ku yeesheen xildhibaannadii xisbigii talada hayay ee Jubilee oo uu shir guddoominayay Uhuru Kenyatta, ayaa lagu go’aamiyay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka laga qaado Aadan Ducaale oo kamid ahaa saaxiibbada ugu dhaw ee William Ruto, madaxweynaha hadda xilka haya ee Kenya.
Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisii xilligaas William Ruto ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf salka ku hayay heshiiskii uu March 2018 madaxweynaha la gaaray Raila Odinga oo diiddanaa natiijada doorashadii dhacday 2017.
“Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaannada Jubilee la hadlayay muddo 22 daqiiqo ah, kadibna waxaa la iga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo aan ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee loo doorto kaasoo aan ku shaqeynayay ku dhawaad 8 sano,” ayuu buuggiisa For the Record ku sheegay wasiir Aadan Ducaale.
Waxa uu si weyn u dhaliilay Madaxweynihii hore oo ku tilmaamay nin doonayay in uu ku diro saaxiibkii ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen haatanna ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
“Muddo 45 daqiiqo ayuu Uhuru Kenyatta ila hadlayay oo uu rabay in uu igu qanciyo in aan ka haro William Ruto oo uu ku tilmaamay nin xun. Uhuru waxa uu xilalka xisbiga talada haya ee Aqalka Sare ka qaaday dhammaan siyaasiyiintii taabacsanaa Ruto,” ayuu Ducaale ku sheegay buugga.
Waxa uu intaa raaciyay in uu ka diiday dalabkaas Madaxweynihii hore, isagoo ku dooday in Ruto uu soo gacan qabtay isla markaana uu sabab u ahaa inuu noqdo hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka.
“Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan xilka ka tago halkii aan khiyaani lahaa saaxiibkay Ruto. Waxaa muhiim ah in aad garab istaagto saaxiibkaa marka uu u baahan yahay taageeradaada,” ayuu Ducaale u sheegay telefishinka Citizen oo uu warramay.
Maxkamada sare ee Pakistan oo amartay in lasii daayo Imran Khan
Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa ku dhawaaqday in xarigga ra’iisal wasaarihii hore Imran Khan uu yahay “mid sharci darro ah”, waxaana go’aan ka soo baxay laba maalmood uu dhaliyay isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo mudaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhacay.
“Xadhigaagu wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, sidaa daraadeed waa in nidaamka oo dhan dib loo celiyaa,” ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Ata Pandial u sheegay Khan mar uu ka hadlayay dhageysi ka dhacay caasimadda Islamabad.
Umar Ata Bandial ayaa booliska ku amray inay masuul ka yihiin amniga Khan iyo reerkiiisa, wuxuuse Khan ka diiday codsigiisa ahaa inuu ku laabto hoygiisa.
Khan ayaa lagu amray in uu ku sii jiro xabsiga, iyadoo booliska ilaalinayaan amaankiisa ilaa inta uu ka soo muuqanayo dhageysi kale oo maxkamadeed Jimcaha berri.
“Maxkamaddu waxay amartay in uu ku sii jiro xabsiga Maxkamadda Sare ee Pakistan iyo in uu la kulmi karo oo uu la tashan karo saaxiibadiisa iyo qareennada inta uu ku sugan yahay halkaas,” ayuu yiri qareenka Khan, Babar Awan.
Saaxiibbadii Erdogan ee hadda ka raacay mucaaradkiisa
Shacabka Turkiga ayaa Axada codkooda ka dhiiban doona doorasho lagu tilmaamay tan dunida ugu muhiimsan sanadkan 2023.
Rajab Tayib Erdoğan oo Turkiga xukumayay labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa doonaya in xilka mar kale loo doorto shan sano oo cusub.
Waxaa la saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhexmari doono Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee isbahaysiga qaran.
Sidoo kale, afar iyo labaatan xisbi iyo 151 musharraxiin madax bannaan ah ayaa u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Turkiga oo ka kooban 600 oo kursi.
Hadaba hogaamiyayaasha xisbiyada isu bahaystay Erdoğan waxaa kamid ah laba nin oo saaxiibbo ay ahaayeen, wax badana ay ka soo wada qabteen Turkiga. Waxa ay kala yihiin Ahmet Davutoğlu iyo Ali Babacan.
Ahmet Davutoğlu
Waxa uu ahaa ra’iisal wasaarihii Turkiga mudadii u dhaxeysay 2014 iyo 2016. Waxa uu mudadaas sidoo kale ahaa hogaamiyaha xisbiga talada haya ee AKP. Sanadihii 2009 ilaa 2014 waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Turkiga.
Kadib markii uu ka baxay xisbiga talada haya 2019 ayaa waxa uu isla sanadkaas samaystay xisbi cusub oo lagu magacaabo Future Party.
Waxa u uku eedeeyay maamulka Erdoğan in uu dhibaato badan gaarsiiyay dhaqaalaha Turkiga, isla markaana loo baahan yahay in dib loo soo celiyo awoodda dhaqaale ee waddankaas.
“Sanadkii tegay, dalkan waxa uu lumiyay hal milyan oo lo’ ah iyo 1.3 milyan oo ari ah. Waa sababta uu cirka u galay qiimaha hilibka aad cuntaan,” ayuu u sheegay taageerayaasha mucaaradka oo uu la hadlayay Axadii la soo dhaafay.
Dadka dhaliilsan ayaa u arka nin muddo dheer ku soo shaqeeyay fekerka Erdoğan, isla markaana aan laga fili karin isbedal buuxo.
Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay cududa siyaasiyiinta ka soo carooday xisbiga talada haya ee AKP, si looga guulaysto hogaamiyaha awoodda badan.
Ali Babacan
Waa dhaqaale-yahan muddo 13 sano ah Turkiga ka hayay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiirka dhaqaalaha, wasiirka arrimaha dibedda, ra’iisal wasaare kuxigeen iyo madaxa wadaxaajoodka Midowga Yurub.
Waxaa lagu ammaanay inuu gacan weyn ka geystay horumarka dhaqaale ee xisbiga AKP uu gaarsiiyay Turkiga, isagoo saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Erdoğan.
Sanadkii 2019 ayaa iska casilay AKP, waxaana uu samaystay xisbi lagu magacaabo DEVA oo haatan ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ah.
“Dimuqraadiyadda ayaa guulaysan doonta. Waxaa rejo weyn naga qaba dimuqraadiyiinta caalamka oo dhan. Waxaan Madaxweyne u dooran doonnaa Kemal Kılıçdaroğlu,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa mucaaradka.
Habka doorashada Turkiga
Turkiga ayaa sanadkii 2018 ka wareegay hannaanka baarlamaaniga, waxaana uu qaatay nidaamka madaxtooyada. Codbixiyayaasha ayaa si toos ah u dooran doona Madaxweynaha, waxaana meesha laga saaray xilka ra’iisal wasaaranimada.
Musharraxii helaa kala bar codadka la dhiibtay ayaa noqonaya Madaxweynaha Turkiga. Haddii la waayo musharrax hela codadkaas, labada musharrax ee ugu codadka badan ayaa 14 cisho ka dib ku tartamaya doorasho kala bax ah.
Sidoo kale codbixiyayaasha ayaa dooranaya xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 600 oo kursi.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee AKP in uu Turkiga u horseeday sicir barar sanadkii tegay gaaray 85.5%.
Taageerayaasha Erdoğan ayaa ku doodaya in Madaxweynaha uu horumar baaxad leh gaarsiiyay Turkiga, oo xitaa laga arki karo deegaannada ay hilmaameen dowladihii ka horreeyay.
Dhulgariirradii is xigay ee Turkiga ka dhacay horraantii February ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 kun oo qof iyo bur baaxad leh.
Qiyaastii 14 milyan oo qof oo u dhiganta 16% tirada shacabka Turkiga ayay saameeyeen dhulgariirradaas, waxaana xukuumadda lagu eedeeyay in aanay u dedaalin sidii laga filayay.
Musharraxa mucaaradka
Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa isbahaysiga mucaaradka ah ayaa sheegay in haddii uu doorashada ku guulaysto uu Turkiga ka dhigo doono dal “xor ah oo dimuqraadi ah.”
“Da’ yartu waxa ay rabaan dimuqraadiyad. Ma doonayaa in booliska ay subixii guryaha ku soo garaacaan iyagoo loo haysto wax ay Twitter-ka ku qoreen,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay BBC.
Waa ninka loolanka ugu adag uu kala kulmayo Madaxweyne Erdoğan, waxaana ra’yi ururintii u dambeysay ay muujinaysaa inuu codad kooban kaga guulaysan karo hogaamiyaha rug-cadaaga ah.
Waxaa loo badinayaa in doorashada la isla aadi doono wareeg labaad oo aanu jiri doonin musharax hela codadka looga baahan yahay.
Madaxweyne Erdoğan ayaa dhaliilay Kilicdaroglu oo uu ku tilmaamay nin aan xitaa “hogaamin karin xeyn ido ah”.