Madaxweynaha Shiinaha XI Jinping ayaa dalkii ku soo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki

Madaxweynaha Shiinaha XI Jinping ayaa dalkii ku soo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki
Shir looga hadlayo horumarinta magaalooyinka Soomaaliya oo ka furmay Kenya
Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Machadka Tokiyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo.
Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xubno kale.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doona arrimo ay ka mid yihiin Maamul wanaagga , adeegga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulinta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga socdo magaalooyinka dalka.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal.
Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa go’aan ka gaaray in dib loo furo xadka u dhaxeeya si habeysan muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa maanta 15-ka May 2023.
Barta xuduudka Mandheera iyo Buled-Xaawo degmada Mandheera, ayaa dib loo furi doonaa soddon (30) maalmood gudahood, iyadoo dib loo furi doono barta xadka Liboi-Harhar/Dhoobleey ee degmada Gaarisa 60 maalmood gudahood.
Sagaashan (90) maalmood laga bilaabo maanta, barta Daresalam ee Kiunga-Ras Kamboni borde, ee maamul goboleedka lamu, ayaa dib loo furi doonaa. Barta afraad ee soohdinta ee degmada Wajeer,ayaa loo tixgelin doonaa in la furo waqti dambe.
Kenya iyo Soomaaliya waxa ay si joogto ah uga wada shaqayn doonaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen khibradaha, hawlaha iyo ka-qeybgalka xuduudaha, iyaga oo maskaxda ku haya isbeddellada Amni ee soo baxaya iyo dhaqdhaqaaqyada ka gudbaya Xaduudaha Qaranka, gobolka iyo kuwa qaaradaha.
Kulankan heerka sare ah ayaa ka dhacay guriga Harambee, oo ay ka soo qeyb galeen, Mas’uuliyiin kala duwan oo labada dowladood ah.
Maxaa ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan?
Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay galeen safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, isla markaana ay dhac ka geysteen.
Warbaahinta qaar ee Suudaan ayaa baahiyay in dhismaha safaaradda oo ka kooban saddex dabaq la galay oo qalab laga qaatay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad deris la ah safaaradda ay sidoo kale u xaqiijiyeen warkan.
“Waxaa naloo sheegay inay jabiyeen albaabka hore iyo kan dambe ee safaaradda. Sidoo kalena ay galeen dabaqii hoose oo ay ku yaalleen xafiisyo iyo maktabad yar. Laakiin aysan la kulmin wax ay qaataan,” ayuu yiri safiirka.XAYEYSIINhttps://095a66d450b40faac30c1c4e1c4ff402.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
Wuxuu safiirku sheegay in kooxdan ay meesha ka waayeen wax ay qaataan, maaddaama sida uu sheegay ay raadinayee lacag, dahab iyo qalab kale oo muhiim ah.
“Waxay keliya qaateen gaari safaaradda horkeeda ku baakinnaa oo ay dad kale lahaayeen,”
“Ma aysan gelin qeybtii kore oo xafiiskeyga ah,” ayuu intaas raaciyay.
Kooxdan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn cidda ay yihiin, wuxuuse wasiirku sheegay in looga shakisan yahay Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan oo sida uu sheegay aagga heysta.
Safaaradda Soomaaliya uguma horreyso kuwa ay kooxaha hubeysan galeen, sida uu safiirku sheegay waxaa la galay dhowr safaaradooda oo isla meeshaas ku yaalla.
“Ma xaqiijin karno cidda ay yihiin. Laakiin waxaan xaqiijineynaa in xaafadahaas oo dhan ay deggan yihiin RSF. Laakiin maaddaama aan annaga meesha joogno ma xaqiijin karno,” ayuu yiri safiirka.
Aagga ay safaaradda Soomaaliya kaga taallo Khartuum, waxaa sidoo kale deggan safaarado ay ka mid yihiin kuwa Kenya, Jabuuti, Zimbabwe, Algeria, Libya iyo Eritrea. Waana meel u dhow garoonka la isku heysto ee dagaalku ka socday.
Wuxuuse safiirku sheegay in xalay ka horow aysan wax dhibaato oo kale ah ka dhicin aagga safaaradda.
Haatan ma jirto cid ilaalisa ammaanka safaaradda, iyadoo dagaalkii hore ay dowladda Suudaan sugi jirtay ammaanka oo ay usoo diri jirtay askar ilaalisa.
Safiirka ayaa sheegay inay haatan wadaan xiriirro ay la sameynayaan dowladda Suudaan, isagoo intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay arrintan.
“Waan cambaareynaa in xarun xasaanadeeda leh la weeraro. Qofkii u bareero waa qof kusoo xadgudbay, waana mid khaanuunka baal marsan in la galo laguna xadgudbo.” Ayuu yiri safiirka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka muddada bisha ah ka socda Suudaan uu haatan ku qasbay ku dhowaad hal milyan oo qof inay guryahooda ka qaxaan – kuwaasoo badankood ku dhex barakacay dalka.
Inkastoo uu jiray heshiis lagu gaaray in la dhowro rayidka, haddana ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa RSF ayaa midba kan kale ku eedeynaya rasaasta lagu ganay kaniisad ku taalla bannaanka Khartuum taasoo tiro dad ah ay ku dhaawacmeen.
Ergada labada dhinac ayaa kulan ku lahaa magaalada Jiddah ee caasimadda Sacuudiga si ay u qorsheeyaan in ciidamada is haya laga saaro goobaha ay rayidku deggan yihiin.
Balse taasi ayaa u muuqata mid aan dhici karin marka la eego sida ay RSF ugu fidsan tahay deegaannada ku hareereysan caasimadda.
Amman-darrada ka jirta gobolka Darfur ayaa iyaduna ka sii dareysa. Deegaanka El Geneina, maleeshiyaad Carab ah oo gacan sara la leh RSF ayaa weerarro ku ekeynayay guryaha.
Cidna uma muuqato inay garaneyso sida dagaalka loo joojiyo waxaana jirta khatar dhab ah oo ku aaddan in dagaalkan uu carqaladeyn karo xasiloonida guud ahaan gobolka.
Turkiga ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii Axadda.
Si kastaba ha ahaatee, Erdogan, oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaas 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee dalkaas, ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayay.
Iyadoo in ka badan 96% sanaadiiqda cod bixinta la tiriyay, Erdogan ayaa ku hogaaminayay 49.44% halka Kilicdaroglu uu helay 44.86%. sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu.
Guddiga sare ee doorashada ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah aan la hubin, maadaama in ka badan codadka 3.4 milyan ee cod-bixiyaasha ee ku nool dibadda ay weli u baahan yihiin in la tiriyo
Xaflad uu ku maamusayey xildhibaan Gaani Daahir Gaani oo ka tartamaya Ururka KAAH dhalinyarada xaafada Horseed/Xamdaan koob isdhexgalka iyo arrimaha bulshada ah, ayaa ka qabsoontay garoonka Macruuf ee Xaafadaasi, kulanka waxaa kasoo qayb galay qaar ka Mid ah golaha wasiirada, guddoonka gobolka iyo xafiiska dhexe ee ururka kaah kuwaas oo qayb ka ahaa Furitaanka Koobka.
Tirinta codadka doorashada Turkiga oo socota iyo sida musharaxiintu u kala horeeyaan
Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, ka dib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta.
Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay.
Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan, maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan.
A voter was taken by surprise after noticing Türkiye’s President Erdogan standing right behind him at the polls as they waited to cast their votes during the country's presidential and parliamentary elections pic.twitter.com/afOZWJLHLK
— TRT World (@trtworld) May 14, 2023
Afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo.
Weli waxaa dhiman codad aad u badan, kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada
Maalin ka dib markii ay beelaha Isaaq iyo Harti ay isku khilaafeen sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen magaalada Ceerigaabo oo gacan hadal dhex maray , ka dib qaar ka mid madaxda beesha Isaaq oo ka yimid Gabiileey iyo Arabsiyo ay magaaladaas ka bilaabeen daan daansi ah in xaafado ayna degin beeshoodi ay ka taagaan calanka u gaarka ah, ayaa hadda waxa ka soo goostay intii ugu danbaysay ciidamada ku abtirsada beesha Warsangeli oo u badan beesha Muxumud ee degta inta badan degaanada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo
Gaadiidkan Dagaal iyo Ciidankan kasoo Goostay Taliska Ciidamada SNM ee Ceerigaabo Ayaa Deegaanka Dawaco, ee Gobolka Sanaag waxaa Kula Wareegay Amaanduulaha Ciidamada Puntland General Xuseen Dheere.
Markii uu xilka u ordayey Kabo ayuu balan qaaday, markii uu guulaysatana wuxuu ugu jawaabay cabirka kabihiina ma aqaano