26th July 2024  admin  Category :

Shir looga hadlayo horumarinta magaalooyinka Soomaaliya oo ka furmay Kenya

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Machadka Tokiyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo.

Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xubno kale.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doona arrimo ay ka mid yihiin Maamul wanaagga , adeegga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulinta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga socdo magaalooyinka dalka.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*