War deg deg ah

Xeer-ilaalinta Puntland ayaa waaran soo-qabasho ah u jartay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Ganacasiga MadaxweynahaSomalia, Khadar Faroole, gudoomiyaha Aran Jaan Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Kooxdan oo Hal beel la soo wada jeeda ayaa lagu eedeeyey inay khal khal geliyeen amniga iyaga oo Hagbad Doon ah.

Mideeye oo ka aamusay Isbaaraddii Garow

Qaar kamid ah Ururrada Siyaasadda Puntland “Dowladdu waa in ay tallaabo ka qaado kuwii xalay qasay caasimadda waxa ay is og yihiin.

Ururrada Siyaasadda ee baaqa soo saaray ayaa waxa ka maqnaa siddii caadadu u ahayd Ururka Mideeye ee uu hogaamiyo Asad Diyaano oo xiriirka fiican la leh inta badan Mooryaanta Koonfurta Soomaaliya.

Dhowaan ayeey hayd markii hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, ay guud ahaan Bulshada reer Puntland wada canbaareeyeen, hase ahaatee waxa ka aamusay oo qura oo ilaa hadda aan ka hadlin Ururka Mideeye ee uu hogaamiyo Asad diyaano

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ergayga Beesha Isaaq

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Ergayga u qaabilsan beesha Isaaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siiyay halka ay mareeyso arrimaha wadahadallada beesha Isaaq iyo kullamada wadatashi ee uu la yeelanaayo madaxda sare ee dalka, ayaa wuxuu Guddoomiyaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, isagoona muujiyay sida Jamhuuriyadda Federaalka gaar ahaan laanta sharci dejinta ay u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gunnaanadka kullankooda waxaa uu Ergeyga kula dardaarmay in uu sii amba qaado isla-markaana uu juhdi dheeraad ah ku bixiyo wadatashiga ku aaddan ka gun-gaarista wadahadallada bs ee dhawaan dib u billaaban doono.

Madaxweynaha Kenya oo Noordin Haji u magacaabay Agasimaha Sirdoonka

Madaxweynaha Kenya oo Noordin Haji u magacaabay Agasimaha Sirdoonka

Madaxweyne Kenaya William Ruto oo is-bedello ku sameynaya hay’daha dowladda ayaa maanta u magacaabay Noordin Haji inuu noqdo agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NIS, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Ruto ayaa sheegay in haddii Baarlamaanku uu meel mariyo magacaabistan in Nooradin Haji uu bedelayo Philip Kameru oo lagu wado inu noqdo howlgab, waxaana uu ahaa agaasimaha Sirdoonka Kenya tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay yabaankan, Madaxweyne Ruto, ayaa ku tilmaamay ‘waxqabadkiisa NIS mid aad u wanaagsan, isagoo dalka ka caawiyay ka hortagga argagixisada, dambiyada caalamiga ah iyo “khatarta ugu weyn ee amnigeena”.

“Mudane Xaaji kuma cusba hawsha loo magacaabay. Isagoo soo noqday Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud (DPP) iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dembiyada Abaabulan ee NIS, wuxuu leeyahay khibradda lagama maarmaa u ah masuuliyadda cusub” ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka mid madaxda Soomaalida ah ee soo dhaweeyay magacabistiisa

Magcaabistii ugu yaabka badnayd

Qoyskii maalmaha ku taajiray ayaa Madaxweynuhu la ta dhigtay la taliyaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow, ayaa u magacaabay Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Mako, ayaa ah xaaskii hore ee Cabdullahi Maxamed Nuur oo loo yaqaanan 30 jir 30-Milyan haysta, ayaa isuguna hadda wuxuu yahay Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Xagjirka.

Labadan la taliye ee madaxweynaha ee hory isu qabay aya isu dhalay labo Caruur ah , Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhowaan gabadh uu dhalay u magcaabay la taliye kale

Talaabooyika uu uu qaadayo madaxweynuhu ee ah magcaabista Xilalka la taliyaasha ama Ergayda sida Gabadhiisa, Qoyska reer 30 jir, 30 milyan haysta, Cabdiraxmaan Shakuur, Waare, Guuleed ayaa ah shaqo buur u u u samaynayo beeshiisa Hawiye oo uu aaminsan yahay inay xoog ku saareen kursiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.