Tuulo Samakaab

Hoos ka daawo dagaalkii shalay lagu jebiyey jabhadda SNM ee uu hogaamiyo Gacan ku dhiigle Muuse Biixi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeddah kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeddah kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq mudane Mohammed Shia al-Sudani. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha  waxa uu ka mahadceliyay dowladda Ciraaq deyn ta ay ku laheyd  Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaallanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Ukraine oo ka gaaray shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Ukraine oo ka gaaray shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcaha maanta ah gaaray magaalada Jeddah si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta, iyadoo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta.

Zelenskiy wuxuu ku yimid diyaarad ay leedahay dowladda Faransiiska.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan.

“Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan wadashaqeynteenna gaarsiino heer cusub,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka wax yar ka dib markii uu halkaasi gaaray.

Reuters.

NISA oo sheegtay inay dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo u socotay Al-shabaab

NISA oo sheegtay inay dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo u socotay Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay ‘saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Xagaa ayaa sheegay in 10 qof oo laga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin soo dejinta badeecada lagu soo qariyay saanadda lasoo qabtay, kuwaas oo ay ku jiraan ganacsato heysta shati ay wax ku soo dejin karaan.

“Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo gelinayay ilaa dalkii laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba” ayuu yiri wasiiru dowla Ammniga oo intaas ku daray

“NISA ayaa la socotay xiriirka shabakadda ballaan ee joogta Muqdisho iyo gobollada dalka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeybgalaya meertada 32-aad ee Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Garaad Jaamac oo guul sheegtay

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in Maanta Wixii ka dambeeeya in ay xidhan tahy wadada isku xidha Laascaanod iyo Oog Ee ay urgufyada Jamhada SNM u isticmaali jireen marinta dhaawaca iyo saadka
Iyadoo kooxda taagta daran ee SNM Ee ku godoonsan Goojacadana meeshooda loogu tagi doono

“Shalay haddii aan Somaliland ka baryaynay la baxa wiilashiina, hadda iyaga naga baryi doona waddo ay ka baxaan, wadadiina waan xirnay..” Garaad Jaamac Garaad Ali.