Wasiir ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Buhoodle & Widhwidh

Wasiir ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Buhoodle & Widhwidh

Buuhoodle: wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknolqjiyada DFS Jaamac Xasan Khaliif oo safar shaqo ku marayay degaanada Khaatumo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle.Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka kaga horyimid duleedka magalada Buuhoodle.

Widhwidh:wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta DFS oo booqasho ku maraya gobolada SSC ayaa booqday cisbitaalka guud ee magaalada Widhwidh, oo ay yaaliin dhaawacyada ciidanka Khaatumo-SSC.

Laascaanood: wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta DFS ayaa kulan la qaatay isimada dhaqanka SSC.

+4

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda, waxaana sidoo kale uu Madaxweynaha Jubbaland kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin, Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta Ciidamada Booliska.

Reer Culusoow oo dawladnimaddii Soomaaliya ku ciyaaraya

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Sacuudi Careebiya Amb, Salim Macow Xaaji ayaa iska casilay xilkii Safiirnimo,

Safiirka ayaa sheegay inay si xun ay ula dhaqmaan Madaxweyne Xasan Culusoow, gabadhiisa Jihaan Culusoow iyo gabadha uu adeerka u yahay Hinda Culusoow.

Kaarkii Safiirka ayaa lasiiyey gabadha Madaxweynaha, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kamadax banaan dhinacyadan.

Dhiigga xoolaha ma loo bedi karaa biyo lacabi karo?

Shirkad Belgian ah ayaa u beddeli doonta dhiigga xoolaha biyo tayo leh oo la cabbo.

Diiga ayaa laga soo uruurin doono goobaha xolaha lagu gowraco.

Veos, oo ah shirkad oo quudinta xoolaha iyo borotiinka ka sameyso waxyaabaha ka sooharo gowraca xolaha, ayaa ujeeddadeedu tahay in ay badbaadiso 45 milyan oo litir oo biyo ah sannadkii iyada oo beddeleysa dhiigga xoolaha biyo la cabo karo.

Shirkaddan, oo ku taal magaalada Zwevezel, ee xuduudka Holland, ayaa ku dhawaaqday inay samayn doonto warshad qarashaka kubaxaya uu gaaray 2 milyan oo Yuuro si loogu beddelo dhiigga xayawaanka biyaha la cabbi karo.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Belgian, tani waxay noqon doontaa tii ugu horeysay ee adduunka laga hirgiliyo .

Madxafka Taariikhda Saldanada Daarood

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Madxafka Taariikhda Saldanada Daarood ee Warsangeli, Iyadoo uu soo dhoweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxweynaha ayaa dhegaystay taariikhda dhaqanka deegaanka iyo marxaladihii kala duwana ee ay soo martay, waxaa ka mid ah Sawirada Xarunta yaalla Sawirka Boqoradii Elizabeth II oo bilad guddoonsiinaysa Suldaan Maxamuud Cali Shire iyo nabadeyntii Puntland ee uu ka shaqeeyay Suldaan Siciid Cabdisalaan, oo ay ka midtahay heshiiskii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Alle ha u wada naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen Maxamuud Xirsi Muuse (Cadde).

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland oo ka kulmay wasiir Juxa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM) Mr. Guy Griffin.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Dowladda Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Dowladda Puntland.Dhammaad

Ergayga Gaarka arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Ergayga Gaarka arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland 

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xussein Guuleed, ayaa kulan Muhiim ah oo horudhac u ah Qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowlad Goboleedyada la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka oo ay wada qateen labada mas’uul,ayaa iska wareysteen Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Mudane  Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa

BOOQASHO DANEED!!!

Madaxda maamul Gobolleedka Puntland waxa ay booqdaan Gobolladda SANAAG iyo HAYLAND xilliga Dooraashaddu kaabiga kusoo hayso oo kaliya. BY: Axmed Xeef

Booqashadaas ayaa ah labba xilli; marka kursiga loollankiisa lagu jiro iyo mudda xileedkii gabaabsi yahay, lana doonayo inuu bilowdo loollan kale ee madaxtinimadda. Booqasho daneedkaas, waxay ku balan qaadaan waxyaalo badan oo ay Gobollada ka samayn doonaan, waxayse kusoo laabtaan, iyadoo aysan hal mid ka hirgalin balantii ay qaadeen. Su’aasha is waydiinta leh waxay tahay, sidee u ilowsiiyaan shacab weynaha inaysan balamahoodii fullin??? Mase shacabkaa raali ku ah ballan daradaas qaangaartay oo aan qarsiga lahayn! Mase cid la xisaabtantaan jirin oo wax waydiin karta!

Dhanka kale, siyaasiyiinta ku matala’ maamulka gobolladda uu uguna horeeyo Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril , uma muugtaan kuwa u qareema una taagan doodista iyo xaqsiinta gobolladii laga soo doortay. Balse waxay raali ku yihiin kuna khasbaan shacab weynaha inay safaf dhaadheer u galaan, soona dhoweeyaan Madaxddii ballan furyadda badneyd. Su’aashu waxay tahay, sidee ugu qanceen balan furyadaas aan geedka loogu soo gaban??? Miyeysan fahmin, inaysan aqbaleen siyaasiyiinta Gobolladda NUGAAL, MUDUG, BARI iyo GARDAFUUL arrintaas arrin la mid ah.

SANAAG iyo HAYLAAN, waxaa ka socday mashruucii ugu weyna abid ee iskaa wax u qabso lagu dhisaye waddada CEELDAAHIR-CEERIGAABO, taas oo ay dawladdu gar wadeen ka ahay, shacab weynaha Puntlandna wakhti iyo dhaqaalleba ka galay. Waxaase xusid mudan in Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay, Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni inuusan wax uu ku darsado iska daa e, qalabkeedii uu ku dhisaayo waddooyin kale oo aan qorshooda kuba jirin!

SANAAG iyo HAYLAAN, kuma jiraan qaybna kama ahan, Mashruuca Horrumarinta Degmooyinka ee Maamulka Puntland ee loo yaqaan #JPLG, ilaa maantana laguma qancin shacab weynaha gobolladaas, sababta maqnaan shiyihiisa!

Halka ay ku jiraan Degmooyinka; GAROOWE, BOOSAASO, QARDHO, GALKACYO, BUURTINLE, EYL, BANDER-BAYLA iyo JARIIBAN. Waxaa jirta dood raqiis ah oo oraneesa, SANAAG iyo HAYLAAN qaybteed waxaa ka taliya Maamulka SOOMAALILAND, balse taasi ma ahan xaqiiqa jirta Caasimadda CEERIGAABO ayaa ah meesha ugu xooggan SOOMALILAND ayaa laba u kala qaybsan.

Xaqiiqadu waxay tahay, SANAAG iyo HAYLAAN ima muugato cid dame ay marti uga noqon karaan, masiirka SANAAG iyo HAYLAAN iyo guud ahaan PUNTLANDba. Waa inay abuuraan PUNTLAND run sheegta xuduudeheedana sugata.

Allsnaaag.com. Waxa qoray qoraa madax banaan Axmed Xeef

Biixi oo loo diiday Fiisaha Koonfur Afrika

South Africa Rejects Somaliland’s Leader’s Visa Application over Human Rights Violations –

Gacan ku dhiigle Muuse Biixi ayaa loo diiday Fiisaha dalka Koonfur Afrika oo uu dalbaday , ka dib dacwaddii dhowaan laga gudbiyey ee ahayd xadgudubkii xaquuqal insaanka ee lahaa xasuuqa, dilka , Barakicinta iyo duqayntii uu u gaystay goobaha iyo gaadiidka Caafimaadka.