Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka dhacay MuqdishoΒ
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS Maamulka Gobolka Banaadir iyo masβuuliyiin kale ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax nabadeed oo ay Bulshada magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee TΓΌrkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku leeyahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed, asigoo sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya.
Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaannadii isu soo baxa ka hadashay ayaa si wadajir ah u xusay in dib u doorashada Madaxweynaha Turkiga Erdogan ay tahay talaabo taariikhi ah, ayna ugu hambalyeeynayaan guushaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada beesha Dhulbahante oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.
Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.
HADALJEEDINTA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA KAL-FADHIGA 3AAD EE BAARLAMAANKA JFS
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi maanta u daah-furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka J FS ayaa bogaadiyay shaqada Baarlamaanka ka qabteen kala fadhigii labaad kaasi oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha codsaday inay sameeyaan gudiyada ku shaqada leh dib u eegista sharciga ee Baarlamaaniga ah, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la helo sharci dhamaystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray lagu diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen khuburo Soomaali ah kana tarjumaya baahida ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Culusoow oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka ee beesha Dhulbahante ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka goβan tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.
Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.
Puntland: “Dowladda federaalka waxay u muuqataa kacaankii 1969 oo aan qoryo sidan”
Waxaa sacaado kahor xarunta Madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ku soo gabagaboobay shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan oo looga hadlayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay oo garbihiisa taagnaa dhammaan madaxda maamul-goboleedyada, marka laga reebo Puntland.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku xoojiyay war-murtiyeedkii xalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar ahaanna hannaanka doorashooyinka qaranka.
Wuxuu madaxweynuhu shirkiisa ku sheegay in arrintan ay tahay mid billow ah oo uu goluhu bilaabay, balse dhammeystirkeeda ay u taallo hay’adaha sharciga iyo dadweynaha Soomaaliyeed.
“Walaalayaal, waxaan go,aasannay inaan talada dadka usoo celinno, codka muwaadinka Soomaaliga ahi inuu macno yeesho oo masiirkiisa uu ku gaari karo. Cabsida nagu kallifeysa inaan 20,30 sano fadhinno meeshaan fadhinno inaan ka guurno. Dalkan inuu dimuqraadiyad noqdo, doorasho inay ka dhacdo, qof iyo cod inay u dhacdo, heer dowlad-goboleed iyo heer qaran,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo la saadaalin karo.
“Maaddaama aan rabno in talada dadka loo celiyo, dalka waa guuray, wuuxu ka guuray nidaamyadii hore ee uu ku saleysnaan jiray, nidaamyadii hore oday ayaa dad magacaabo ayaan ka nimid, 50 qof ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimid, boqol qofood ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimid, waxaan u soconnaa dadka,” ayuu yiri.
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir ku lahaa magaalada Muqdisho, ayaa xalay shirkooda soo gabagabeeyay, waxayna ka hadleen qodobbo dhowr ah oo lagu heshiiyay.
Arrimaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:
In la joogteeyo kulamada Madasha Maayaradda Soomaaliya si loo hubiyo in degmooyinka dalku helaan modal u gaar ah oo ay ku falanqeeyaan arrimaha khuseeya shaqadooda, isla markaasna u noqon karaan kuwo dabooli kara baahiyaha bulshada deegaamadooda.
In kor loo qaado, lana xoojiyo maamul-daadejinta socota si dowladaha hoose u bixiyaan, una joogteeyaan adeegyada bulshada ee ku qeexan xeerarka dowladaha hoose iyo hannaanka adeeg bixinta daadegsan ee dalka.
Madashu waxay soo dhoweynaysaa ballanqaadkii Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ee la xiriira tartanka waxqabadka dowladdaha hoose oo noqon doonta abaal-marin sanadle ah. Si arrintan loo xaqiijiyo, madashu waxay adkaynaysaa in la dejiyo shuruudo qeexan oo lagu qiimeeyo waxqabadka dowladah hoose.
Madashu waxay ku baaqaysaa in Magalaada Beledweyne loo muujiyo garab istaagWalaalnimo iyo Soomaalinimo.
In haweenku door ka qaataan hogaaminta dowladaha hoose ee dalka, isla markaasna la abuuro jawi iyo hanaan suurto gelinaya ka qayb galka haweenka ee shaqada dowladaha hoose ee dalka.
Habka doorashooyinka dalka
Qodobka ugu weyn ayaa habka doorashooyinka dalka, sida uu madaxwyenuhu ka dhawaajiyayna ay noqon doonto doorasho qof iyo cod ah.
Arrimaha ku xusan hannaankan ayaa waxaa ka mid ah:
In dalku yeesho hannaan qof iyo cod ah, oo min golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha ay dadku doortaan.
In muddo xileedka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay noqon doonto shan sano, halka markii hore ay ka ahayd afar sano.
In dalku yeesho madaxweyne ku xigeen
In dalku yeesho labo xisbi
Maxaa laga yiri?
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka hadlayay arrintan, ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn, isagoo ka digay inay ka sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri:
βGolaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelayaa taliskii militeriga ee hore ama wuxuu dib usoo celiyay markii 1969 la laayay dastuurka, hannaanka baarlamaaniga ah/axsaabta badan la joojiyay oo hal xisbi dib loo soo celiyay. Tani waxay keliya sii dhabqineysaa xaaladdeenna siyaasadeed”
Dhanka kale, Dr Xasan Cabdi Xayle oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wax fiican ay tahay in dalku yeesho hannaan doorasho qof iyo cod ah, balse suurtogalnimada ah inay taasi dhaqan gasho ay adag tahay.
Mar uu ka hadlayay qodobka in dalku yeesho labo xisbi ayaa wuxuu Dr Xasan yiri, “Waxaa ila wanaagsan inaan labo xisbi keliya lagu soo koobin, ee ugu yaraan afar ilaa shan axsaab oo la hubiyay inay waafaqayaan shuruucda iyo diinta dalka la siiyo fursad,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inaan aad loo fahmin karin habkan.
“Waa heshiis u baahan in wax laga baddalo dastuurka. Waana sababta keeneysa inaan iraahdo ma sahlana in la hirgeliyo.” Ayuu yiri.
Ma aha markii ugu horreysay ee arrinta doorasho qof iyo cod la isku soo qaado.
Sanadkii 2019 ayay ahayd markii xildhibaannada golaha Shacabka ee Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen sharciga doorashada ee dalka. Sharcigan ayaa waxa uu qorayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto deegaan doorasho-kasta, walow aanan markaas la caddayn tirada la oggolyahay inay codeeyaan.
Maxay Puntland ka tiri?
In muddo ah ayaa khilaaf wuxuu ka dhex taagnaa maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Maamulka Puntland, ayaan isagu qeyb ka ahayn shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa sheegay in waxa ka soo baxay shirkan ay u arkaan mid afduub ah.
“Dalkan xilligii uu burburay waxaa heshiis lagu gaaray dastuur ku meel gaar ah, in la dhammeystiro kadibna afti dadweyne loo qaado, la ansixiyo sidaasna dalku dastuur ku yeesho, federaalna uu dalku yahay.
“Hadalka madaxweynaha waxaa ka muuqda in madaxweynaha iyo kooxda la joogtay a ku heshiiyeen in dastuurkii dalka iyo wax kasta oo heshiis lagu ahaa la laalo,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn in habeen gudihiis sida uu sheegay la laalo wax walba oo lagu heshiiyay.
“In wax walba afgembi siyaasadeed laga soo qaado, oo kacaankii oo aan qoryo sidan ayaa meesha ka muuqata.” Ayuu yiri wasiirka.
mar walba uu furan yahay albaabka wada hadalka, ayna diyaar u yihiin in arrimaha ay isku hayaan dowladda ay ka heshiiyaan.
“Waxyaabo la isku hayo ayaa jira, waa waxyaabo dabiici ah oo ku saabsan dowlad-dhiska Soomaaliya, intii la jirana waa lays hayay waxaana la isku hayay sida ay noqon doonto dowladda la dhisayo ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegta in Puntland ay kula jirto wada hadallo, isla markaana la xallin doono khilaafka dhex yaalla.
Puntland waxaa dhowaan ka qabsoomay hannaanka doorashada qof iyo cod ah ee golaha deegaanka, taasoo in muddo ah laga shaqeynayay sidii ay u qabsoomi lahayd
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleysay doorashadii ku celiska aheyd ee madaxweynaha waddanka Turkiga, kadib markii uu helay in ka badan 52%, sida shaacisay walaaladda wararka ee AFP.
Codadkii ilaa hadda la tiriyay ayuu Erdogan ku guuleystay 52.3 boqolkiiba, halka Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.7 boqolkiiba, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Af hayeenka xisbiga talada haya ee Erdogan, Omer Celik, ayaa si gooni gooni ah u sheegay in uu taageero xooggan ay shacabka Turkigu siiyeen madaxweynaha la doortay.
Guusha Erdogan waxa ay sii dheerayn doontaa xukunkiisa.