Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Africa ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine.
Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta, taageerada joogtada ah iyo tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah ee ATMIS.
“Waxaan u kuur-galnay arrinta amniga Muqdisho, kaas oo looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ammaanka guud ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)
LONDON – Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa la xidhay, iyada oo saldhiga lagu hayey illaa toddoba saacadood, ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gashay waraysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party.
Baadhista ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taasoo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahay hawlihii loogu talo galay.
Xadhiga ra’iisal wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey.
Sturgeon ayaa sannadkan bilawgiisii waxay ka degtay xilka.
Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu dambayn ay boolisku xidheen, ka dibna ay baadhitaan ku sameeyeen.
Nicola Sturgeon ayaa sheegay inay la shaqaynayso ciidamada booliska ee baadhitaanka wada, haddii ay ka dalbadaan
GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN AAN CAADI AHEYN EE UU YEESHAY GUDDIGA JOOGTADA GOLAHA SHACABKA BJFS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.
Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen.
Romania ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Kenya isla markaana raaligelin ka bixisay kadib markii uu Afrikaanka la barbar dhigay daanyeerro.
Dragos Tigau ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 26-kii April.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Mr Tigau ayaa yiri “kooxda Afrikaanka ah ayaa nagu soo biirtay” oo uu ula jeeday danyeerro kasoo muuqday dariishadda dhismaha.
Dhaqanka Mr Tigau ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday Khamiistii shalay sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Kenya Kamau Macharia.
Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Macharia kusoo qoray in uu “yaaban yahay oo uu ka yaqyaqsaday” hadalka, wuxuuna ku andacooday in la isku dayay in la qariyo hab-dhaqanka Mr Tigau oo hoos loo xaliyo.
Dublamaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa Jimcihii dalbaday raaligelin dadweyne, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya, iyagoo ku adkaystay in raalligelin hoose aysan ku filnayn.
Sabtidii, Romania waxay ku dhawaaqday in kaliya lagu wargeliyay dhacdada toddobaadkan oo ay hadda bilaabeen “habraaca dib loogu yeeray safiirka”.
“Aad ayaan uga xunahay xaaladdan, waxaanan raali gelin ka bixinaynaa dhammaan dadkii ay arrintani saameysay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Romania.
“Dhaqan kasta ama faallo kasta oo ku saabsan dabeecadda cunsuriyadda gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin,” ayay raacisay, iyadoo sheegtay inay rajeynayso inaysan saameyn ku yeelan xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika.
Romania inta badan waxay la xidhiidhaa wadamada Afrika iyada oo ka mid ah xubnaha Midowga Yurub, laakiin waxay la leedahay heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah Masar iyo kuwo kale.
Dowladda Kenya ayaan ka hadlin go’aanka loogu yeeray Mr Tigau.
Warbaahinta Romania ayaa dhaleeceysay hab-dhaqankiisa, waxayna sheegeen in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo dalkaas ay ceebayso aflagaaddo ay diplomaasiyiintu sameeyeen.
Qoraalka sawirka,Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ay la amakaageen hadalka cunsuriyadda ah ee Dragos Tigau kasoo yeeray
Sannadkii 2014-kii, safiirkii Romania u fadhiyay Armenia ayaa dib loogu yeeray ka dib markii uu kaftan naceyb ah ka sameeyay madaxda Yuhuuda oo uu su’aal galiyay anshaxa xiriirka dadka isku jinsiga ah.
Sannadkii xigay, Bucharest ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii lagu martiqaaday soo dhawaynta safaaradeeda Paris si lama filaan ah ay ugu jirtay sharraxaadyo aan wanaagsanayn oo ku saabsan martida qaar – iyaga oo ku calaamadiyay “wax xun” iyo “aan la rabin” iyo waxyaabo kale.
Dhaqanka ah in Afrikaanka ay diplomaasiyiinta reer galbeedku ku tilmaamaan daanyeerro ayaan ahany mid cusub ama ku eg Romania.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan ayaa ku tilmaamay wufuudda Afrikaan ah ee Qaramada Midoobay “Daayeero”, cajalado 2019kii la soo saaray oo ay daabacday majalad Mareykan ah.
Waxa uu faallooyinkan ku sheegay 1971-kii taleefoon uu kula xidhiidhay madaxweynihii xilligaas ee Richard Nixon.
Mr Reagan, oo xilligaas ahaa barasaabka California, ayaa ka carooday in wufuud Afrikaan ah oo Qaramada Midoobay u codeysay ay ka safteen Mareykanka.
Xubnaha wafdiga Tanzania ayaa bilaabay qoob ka ciyaar ka dib markii Qaramada Midoobay ay u codeysay in la aqoonsado Shiinaha lana saaro Taiwan.
Mr Reagan, oo taageere u ahaa Taiwan, ayaa wacay madaxweynaha maalintii xigtay si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay.
Wuxuu yiri: “In aan arko… daayeerrada ka yimid dalalka Afrika – nacladda aan xitaa weli baran sida gabaha loo xidho!”
Dab demiyaal gaaraya 200, oo ka soo jeeda dalka Koonfur Africa ayaa markii ay soo gaareen gobolka Albera ee dalka Canada sida ay uga qayb qaataan ama uga caawiyaan kaymaha gubanaya ee dalkaas in la demiyo ,ayaa waxay bilaabeen dabaal deg iyo sida uga faraxsan yihiin inay Bani aadanimo uga qayb qaataan dab demiskan