18th May 2024  admin  Category :

Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Mudane Abdulrab Nour ayaa komeer shaqo ku gaaray saldhigga ciidamada PMPF ee degmada Qandala ee gobolka Bari.

Agaasimaha oo ay ku weheliyeen Kormeerka Agaasime Ku-xigeenka ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar iyo saraakiil Sarsare oo ka tirsan ciidanka ayaa u kuurgalay shaqooyinka Amni ee ciidamadu ka hayaan dhammaan buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari, kuwaasi oo markasta heegan ugu jira difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Bogaadinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa hortebinta leh ee taagan ayuu Agaasimuhu la wadaagay ciidamada iyo saraakiishooda. Sidoo kale Agaasime Cabdirabbi ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo shacabka degmada Qandala, isagoo kala hadlay xoojinta wadashaqaynta shacabka iyo ciidamada.

May be an image of 7 people
May be an image of 8 people
May be an image of 6 people

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*