26th July 2024  admin  Category :

Shirka hannaanka deyn-cafinta oo ka furmay magaalada Nairobi 

Waxaa maanta Magaalada Nairobi ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo Afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Shirkaan, ayaa inta uu socdo waxaa Diirradda lagu saarayaa horumarinta soo saarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*