Nuxurka is-afgaradka Madaxda Dalalka IGAD ee meertada 14aad

Nuxurka is-afgaradka Madaxda Dalalka IGAD ee meertada 14aad

1 In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2.  In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4.  Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha ee loo iibgeynayo Dalka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha ee loo iibgeynayo Dalka Sacuudiga “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

 JUNE 13, 2023

Hey’adaha gargaarka oo walaac ka muujiyay Xaaladaha dadkii ka barakacay dagaalada ka socda Suudaan

 JUNE 13, 2023

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal galisay in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

Maxkamad xukun ku riday dhallinyaro dhibaateeyey qoys

Maxkamad xukun ku riday dhallinyaro dhibaateeyey qoys

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa xukun isku jira xabsi iyo ganaax ku riday 5 dhalinyaro oo ku eedeysanaa in ay ku xad-gudbeen xuquuqda qoys ay toddobaadkii la soo dhaafay ugu dhaceen gurigooda xilli habeenimo ah, islamarkaasna ay ka duubeen muuqaal argagax leh.

Dhalinyaro ayaa lagu kala xukumay 6 iyo 5 sano oo xarig ah, iyo 4 kun oo dollar midkiiba.

Baraawe oo lagu dagaalamay

Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Beesha Hawiye iyo kuwa degaanka ayaa ku dagaalamaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidamada milatariga Soomaaliya, Lama oga wali qasaaraha uu geeystay dagaalkani madaama uu wali dagaalka socdo. Maleesiyadkan laba dhinac ee Raxanweyn iyo Hawiye ayaa ka wada tirsan Ciidamada Federaalka ee la sheegay inay dhowaan la wareegi doonaan amniga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo laga hirgeliyay xarunta NISA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo laga hirgeliyay xarunta NISA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,oo kormeer ku tagey xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiska

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’addu sannadihii dhawaa, waxuuna kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

.

Safaarad Soomaaliyeed oo la bililiqaystay

Maleeshiyaad la mid ah kuwii Muqdisho ee 1991 ayaa bililiqaystay Safaaraddi Sooaalida ee dalka Sudan

Guriga safiirka Soomaalida u fadhiya Khartuum ayaa la bililiqeystay, iyada oo lagala baxay Gaadiidkii ay lahayd Safaaraddu, sida u sheegay safiirka oo cambaareeyay ficil

Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq.

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta,“ ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dalka Suudaan ayaa cagaha la galay dagaallo sokeeye iyo kala dambeyn la’aan.

RW Xamze oo hotagay Golaha Baarlamaanka

RW Xamsa , ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Xukuumadda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka